Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhismaha wadadda Cabdiqaasim

Date:

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Sabtida maanta ah dhagax-dhigay dhismaha Wadada Cabdiqaasim ee Degmada Hodan, taas oo ka mid ah mashaariicda mudnaanta u leh horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo bilicda Caasimadda Muqdisho.

Waxa uu tilmaamay in caqabaddii ugu weynayd ee dib u dhigtay dhismaha waddada Cabdiqaasim ay ahayd guryo iyo dhismayaal waddada soo galay, kuwaas oo si sharci darro ah u xannibay hirgelinta mashruuca. Arrintaas darteed, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Muungaab ayaa amray in la burburiyo dhammaan guryaha iyo dhismayaasha waddada soo galay, isaga oo u qabtay muddo hal isbuuc, si loo banneeyo waddada.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Munaasabadda dhagax-dhigga ka diray farriin cad oo ku aaddan hagaajinta nadaafadda iyo nidaamka magaalada, iyadoo uu dhiirri-geliyay ololaha nadaafadda ee ka socda Muqdisho, kuna ammaanay ka-qeybgalka bulshada iyo wacyigelinta laga helayo baraha bulshada, gaar ahaan dhallinyarada hormuudka u ah barta TikTok.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa ku dhawaaqay samaynta kooxo kormeerayalaa nadaafadeed oo cusub, kuwaas oo si joogto ah u la socon doona xaaladda nadaafadda degmooyinka, isla markaana hubin doona fulinta habraacyada iyo isla xisaabtanka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sheegay in dib-u-eegis lagu sameyn doono kariteeriyada shirkadaha nadaafadda, si loo qiimeeyo tayada adeegga ay bixiyaan iyo u-hoggaansanaantooda waajibaadka shaqo, loona xaqiijiyo in adeegga nadaafaddu noqdo mid hufan oo joogto ah.

Ugu dambayn, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sheegay in xeer cusub oo nadaafadda magaalada la xiriira uu saxiixi doono dhawaan, kaas oo dejin doona habraac iyo waajibaad cad, islamarkaana adkeyn doona ilaalinta nadaafadda iyo bilicda caasimadda.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa mar kale adkeeyay in dhagax-dhigga Wadada Cabdiqaasim iyo tallaabooyinka nadaafadda ay yihiin qorshe mideysan oo lagu dhisayo Muqdisho nadiif ah, nidaamsan, lehna kaabayaal casri ah oo u qalma mustaqbalka magaalada.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...