Ra’iisulwasaare Hamse oo guddoomiyey kulanka Tiirka Xorreynta iyo Sugidda Amniga, kaas oo loogaga arrinsanayey howlgallada socda ee ka dhanka ah argagixisada Alshabaab iyo kacdoonka dalka lagaga xoreynayo

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa guddoomiyey kulanka Tiirka Xorreynta iyo Sugidda Amniga, kaas oo loogaga arrinsanayey howlgallada socda ee ka dhanka ah argagixisada Alshabaab iyo kacdoonka dalka lagaga xoreynayo.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay qorshaha dib-u-xoreynta deegaannada ay ku sugan yihiin Argagixisadu iyo xasilinta goobaha la xoreeyo, si loo gaarsiiyo dowladnimada iyo adeegyada bulshada ee ay nabad-diidka ka curyaamiyeen.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa boggaadiyey ciidamada geesiyaasha ah oo kaashanaya bulshada ee ku guuleystay xoreynta deeganno ay ku dhuumaaleysanayeen nabad-diidka, isagoo tilmaamay muhiimadda baraarugga shacabku uu u leeyahay qorshaha xoreynta dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey Hay’adaha Amniga iyo ciidamada Soomaaliyeed dadaalka ay ugu jiraan habeen iyo maalin xaqiijinta amniga shacabka, waxa uuna sheegay in Xukuumadda ka go’an tahay in guud ahaan dalka laga xorreeyo nabad-diidka Al-shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...