Home Blog Page 605

Guddoomiye Madaale oo kulan gaar ah la qaatay Agaasimayaasha Maamulka gobolka Banaadir

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan gaar ah la qaatay Agaasimayaasha Maamulka gobolka Banaadir iyo Dowlada Hoose ee Xamar, kulankaan oo ay goob joog ka ahayeen guddoomiye ku-xigeenka arimaha bulshada maamulka gobolka Banaadir iyo Xoghayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir.

 

 

Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa mid isugu jiray is xogwareysi iyo islaxisaabtan ku aadan howlaha ay masuulka ka yihiin agaasimayaasha.

 

 

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in agaasima kaste lagula xisaabtami doono gudashada waajibaadka saaran, iyadoo lamagacaabay gudi kormeer ku sameen doono waaxaha maamulka gobolka Banaadir iyo Dowlada Hoose Xamar.

 

Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland iyo ku xigeenkiisa oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Gobolka Mudug

0

Guddoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali ayaa kulan kula qaatay Xafiiska Maamulka Gobolka Mudug Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland iyo ku xigeenkiisa.

Kulankaan waxaa qayb ka ahaa Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Mudug iyo Taliyaha Xabsiga Magaalada Gaalkacyo kulan ka kadib Masuuliyiinta ayaa Kormeer ku tagay Xabsiga Dhexe ee Magaalada Gaalkacyo iyagoona ukuur galay Xafiisyada, Dhismaha iyo Xaalada Maxaabiista Xabsiga.

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay Agaasinka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka

0

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xirsi Jaamac Gaani, oo kulan la qaatay Agaasinka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Xarunta Qaran ee Hawgallada Gurmadka Degdegga ah iyo xubno ka mid ah Guddiga Abaaraha ayuu ka dhageystay warbixin la xiriirta halka ay marayaan hawlaha gurmadka qaran ee abaaraha iyo deegannada wax la gaarsiiyey intii ay howlaha gurmadku socdeen.

Wasiirka Wasaarada Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee dowlad goboleedka Jubaland oo si rasmi ah u furay Tababar ku saabsan ku dhafka Maareeynta Kheyraadka Biyaha

0

Wasiirka Wasaarada Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee dowlad goboleedka Jubaland Mudane Ahmed Hussein Baraki ayaa si rasmi ah u furay Tababar ku saabsan is oo lagu qabanayo Magaalada Kismaayo kaa soo socon doono muddo 5 maalin ah, 18-22 September, 2022.

Tababarkaan ayaa iska Kaashanaya Wasaaraad Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Dowlad Goboleedka Jubaland.

Tababarkaa ayaa ujadasiisu tahay in kor looqaado awoodda Hay’adaha kala duwan ee Dowlad Goboleedka Jubaland ee arimaha Maareeynta Kheyraadka Biyaha si loo gaaro hadafka guud iyo hiigsiga Wasaaradda oo ah in kor loo qaado tayada iyo xirfadda shaqaalaha Wasaaradaha Dowlad Goboleedyada.

Waxaana ka soo qeyb galay Tababarka masuuiyiin ka socday Wasaaradaha kala duwan ee dowlad Goboleedka Jubaland , arday ka socotay Jaamacadaha iyo qaybaha kala duwan Ururada Bulshada rayidka.

Qaar ka mid ah masuuliyiinta ka soo qeyb galay furitaanka Tababarkaan ayaa Tilmaamay Faa’idada tababarkaan u leeyahay qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ahmed Hussein Baraki Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee dowlad Goboleedka Jubaland oo tababarkaan daahfurayay ayaa u rajeeyay ka soo qayab galayaasha in si wanaagsan Tababarka looga Faa ‘ideysto

 

 

Madaxda caalamka oo ku sii qul-qulaya UK si ay uga qeyb galaan aaska boqorad Elizabeth

0

Boqor Charles ayaa maanta boqollaal madaxda caalamka ah iyo marti sharafeed boqortooyooyinka dunida ka socda kula kulmi doona qasriga Buckingham , iyadoo maalinta berri ah loo diyaar garoobayo aaska boqorad Elizabeth.

Madaxda la filayo inay ka qeyb galaan waxaa ka mid ah madaxweyne Biden. Biden oo xalay gaaray London wuxuu ka mid yahay ilaa shan boqol oo madaxda dalalka adduunka ah iyo marti sharafeed kale oo la filayo inay munaasabadda ka qeyb galaan. waxaa sidoo kale ah London ku sugan madax uu ka mid yahay madaxweynaha Hindiya.

Raysal wasaareyaasha Canada, Australia iyo New Zealand ayaa iyaguna ka mid ah madaxda ku sugan Londona.

Xaaska boqor Charles, Camilla, ayaa khudbad la sii duubay uga qyeb qaadaneysa macsalaameynta boqoradda.

Raysal wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern ayaa xaqiijisay inay la kulmi doonto boqorka, amiirka  Wales iyo raysal wasaaraha Britain kahor aaska booqradda, iyo in sidoo kale ay Westminster Hall uga qeyb galeyso munaasabadda aaska.

Iyadoo ku sugan UK, oo ay u timid aaska boqoradda, ayaa Arden waxay sheegtay in dadka reer New Zealand ay ka siddo tacsi.

Waxay sidoo kale sheegtay inay la kulmi doonto raysal wasaaraha Britain Liz Truss.

Waxay intaa raacisay in laga yaabo inay kala xaajooto  arrimaha Ukraine iyo heshiiska ganacsiga xorta ah ee UK iyo New Zealand.

Baarlamaanka UK ayaa dhanka kale xaqiijiyay in maxdaxda Shiinaha lagu casuumi doono ka qeyb galka aaska boqoradda.

Safiirka shiinaha ee UK ayaa laga mamnuucay baarlamaanka UK sababo la xiriira cunaqabateyn uu shiinuhu saaray shan xildhibaan oo UK u dhashay.

Iyadoo mamnuuciddaas ay meel taallo ayaa baarlamaanka UK wuxuu sheegay inaysan saameyn doonin saraakiisha kale.

Madaxweynaha shiinaha Xi Jinping ayaa ku jira liiska martida lagu causumay aaska booqradda balse looma maleynayo inuu ka soo qeyb galayo.

Dhammaan dalalka uu xiriirka diblomaaisyadeed kala dhaxeeyo UK ayaa lagu casuumaa munaasabadaha aaska qaran ee dalkaas.

 

Dhaxal sugaha booqrtooyada Sacuudiga Maxammed Bin Salmaan ayaa isaguna ka mid ah martida lagu casuumay aaska, inkastoo ay cabasho ka timuid kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha.

Masuuliyiin Galmudug katirsan oo deeq raashin iyo xoolo gaarsiiyay dadka deegaanka iyo Ciidanka xoogga dalka oo kooxaha argagixisada ka saaray deegaano hoos yimaada degmada Baxdo

0

Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Galmudug oo deeq raashin iyo xoolo gaarsiiyay dadka deegaanka iyo Ciidanka xoogga dalka oo kooxaha argagixisada ka saaray deegaano hoos yimaada degmada Baxdo.

[DAAWO] Madaxweyne Xasan sheekh oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Maraykanka

0

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee uu la kulmay, uga warramay xaaladda guud ee dalka, ahmiyadda weyn ee ay dowladda Federaalka Soomaaliya siineyso kobcinta dhaqaalaha, maalgashiga dalka, xoojinta amniga, shaqo abuurka dhallinyarada iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed.

Booliska Mareykanka oo xiray Muwaadin Soomaaliyeed oo loo heysto in uu dil geystay

0

Ciidamada Booliiska Magaaladda Mankato ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen oo ay xireen Maxamed Bashiir oo loo heysto dembi la xiriira toogasho ka dhacday magaaladda Mankato ee gobolka Minnesota.

Madaxweyne Xasan sheekh oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Maraykanka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Maraykanka, isaga oo la wadaagay fursadaha maalgashi ee ka jira dalka, qorshaha dowlad dhiska, la dagaallanka argagixisada iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Madaxweynaha ayaa Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee uu la kulmay, uga warramay xaaladda guud ee dalka, waxa uuna xusay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad weyn siineyso kobcinta dhaqaalaha iyo maalgashiga dalka, xoojinta amniga, shaqo abuurka dhallinyarada iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Qurbajoogta Soomaaliyeed ay saameyn wanaagsan ku leeyihiin horumarka dalka, waxa uuna ka rajeeyey in ay xoojiyaan maalgashiga dalka iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay tilmaamay in diblumaasiyadda Soomaaliya ay mudnaanta siineyso hagaajinta xiriirka dalkeennu uu la leeyahay caalamka, si aan iskaashi buuxa ugu helno duruufaha dib dhigay dadka Soomaaliyeed.

Dhankaooda, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Maraykanka oo ay ka mid ahaayeen masuuliyiin dalka xilal ka soo qabtay, ayaa Madaxweynaha u xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay in ay dhaqaalahooda iyo cilmigoodaba ku soo celiyaan dalka, doorna uga qaataan dhismaha dowladnimada Soomaaliya, dib u heshiisiinta iyo gurmadka dadka ku dhibaateysan abaaraha ka jira deegaanno badan oo ka mid ah gobollada dalka.

 

Wasaarada xanaanada xoolaha puntland ayaa lagu wareejiyay xarun cusub oo ay Hay’adda FAO ka hirgalisay Galkacyo

0

Xaruntaan oo ay ka hirgalisay Magaalada Gaalkacyo Hay’adda Qaramada midoobay ee FAO isla markaana ay maalgaliyeen midowga yurub ayaa manta lagu wareejiyay wasaarada xanaanada xoolaha dowladd gobaleedka Puntland .

Wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha puntland Maxamed Cabdulaahi libaax Gudoomiyaha gobalka mudug ee puntland Faysal sheikh cali iyo saraakiil ka soctay FAO ayaa si rasmi ah xariga uga jaray xarunta cusub ee wasaarada xanaanada xoolaha puntland ee gobalka Mudug

Masuuliyiinta ayaa xarig jarka kadib kormeeray dhamaan qeybaha xafiisyada ay ka kooban tahay xarunta cusub iyagoona uga mahad celiyay hay’adda FAO midowga yurub

Gudoomiyaha Gobalka mudug Feysal sheikh cali oo ugu horeyn ka hadlay munaasabada xarig jarka xarunta ayaa mahad celin kadib sheegay in ay ahmiyad weyn u leedahay ka gobal ahaan.