Home Blog Page 59

Xildhibaannada BFS ansixiyey Hindise-Sharciyeed Amniga Saybarka Soomaaliya

0

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta kulan yeeshay ayaa ansixiyey Hindise-Sharciyeedka Amniga Saybarka Soomaaliya. waxaana oggolaaday 144 xildhibaan, hal xildhibaan ayaa diiday, mana jirin xildhibaan ka aamusay.

Hindisahan ayaa muhiim u ah sugidda amniga xogta iyo kaabeyaasha isgaarsiinta dalka, Sidoo kale wuxuu diiradda saaraya ka hortagga weerarrada dhanka saybarka ah, xoojinta wada shaqeynta hay’adaha amniga iyo sare u qaadista kalsoonida nidaamyada dijitaalka ah ee dalka.

Guddoonka Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiyada Dib-u-eegista Dastuurka

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeennada koowaad iyo labaad ee labada Aqal ee Baarlamaanka, ayaa kulan la qaatay guddiyada u xilsaaran Dib-u-eegista Dastuurka.

Kulanka ayaa guddiyadu ku wareejiyeen Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka soo-jeedimaha wax-ka-beddelka Cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee Dastuurka, iyadoo sidoo kale la gudbiyay shintiriska (jadwalka) doodda soo-jeedimahaasi.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee lagu dardargelinayo dib-u-eegista Dastuurka KMG ah, si loo helo dastuur dhammeystiran oo ku saleysan wada-tashi, isla-xisaabtan iyo matalaad qaran.

 

Shirka Maalgelinta Caafimaadka Soomaaliya oo ka furmay magaalada Nairobi

0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa si rasmi ah u furay shir heer sare ah oo diiradda lagu saarayo maalgelinta iyo xoojinta nidaamka caafimaadka Soomaaliya.

Shirkan, oo muhiim u ah horumarinta iyo tayeynta nidaamka caafimaadka dalka, waxaa ka soo qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Guuleed Cabdijaaliil, Wasiirrada Caafimaadka ee Dowlad-goboleedyada Soomaaliya iyo Gobolka Banaadir, saaxiibada caalamiga ah ee taageera horumarinta caafimaadka Soomaaliya, agaasimeyaasha waaxyaha Wasaaradda, iyo daneeyayaal kale oo muhiim ah.

Shirka ayaa diiradda saaraya mideynta dadaallada, xoojinta wada-shaqeynta, iyo hirgelinta hannaan maalgelin oo waara, si loo xaqiijiyo adeegyo caafimaad oo tayo leh, la heli karo, isla markaana gaara dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir-dawlihii hore ee Wasaaradda Amniga oo bogaadiyey guulaha laga gaaray sugidda amniga caasimadda

0

Wasiir-dawlihii hore ee Wasaaradda Amniga, Mudane Farxaan Cali Axmed, oo la hadlay warbaahinta qaranka, ayaa bogaadiyey isbeddelka amni ee laga dareemayo caasimadda, isaga oo sheegay in amniga hadda jira uu suurto-geliyey in bulshada ay si nabad ah oo aan cabsi lahayn u wataan nolol-maalmeedkooda habeen iyo maalin.

“Saddex sano ka hor suurtagal ma ahayn in qofku keligiis habeenkii adeegto, halka maanta amniga ka jira caasimadda uu suurto-geliyey dhaqdhaqaaq habeen iyo maalin ah,” ayuu yiri wasiir-dawlihii hore.

Waxa uu intaa ku daray in horumarkan dhanka amniga ah uu ku yimid dadaal iyo hawlkarnimo ay dowladda gelisay sugidda amniga caasimadda, isaga oo si gaar ah u bogaadiyey ciidamada amniga doorka weyn ee ay ka qaateen xaqiijinta nabadgelyada.

“Dowladda waxaan ku bogaadinayaa sida ay uga dhabeysay ballanqaadkeedii ku aaddanaa sugidda amniga,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Muddadii u dambeysay waxaa isbadal weyn laga dareemayay amniga caasimadda marka loo eego bilooyinkii hore, taas oo keentay in siyaasiyiin iyo shacabka Soomaaliyeed ay dowladda ku ammaanaan dadaallada ay ku bixinayso sugidda amniga caasimadda iyo guud ahaan dalka.

25-carruur Soomaaliyeed oo adeeg caafimaad oo muhiim ah ka helay Talyaaniga

0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda JFS, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa ka qeyb-galay munaasabad lagu soo dhowaynayey carruur tiradoodu dhantahay 25 qof, kuwaas oo dalka Talyaaniga loogu sameeyay adeeg caafimaad oo dhanka wadnaha ah.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, ayaa uga mahadceliyey Shirkadda Hormuud Salaam Foundation, iyo Safaaradda dowladda Talyaaniga ay ku leedahay Soomaaliya, oo iska kaashaday sidii adeeg caafimaad oo dhammaystiran loogu samayn lahaa carruurta Soomaaliyeed ee waxba looga qaban waayey dalka gudihiisa.

Mudane Jibriil, ayaa dhakhaatiirta qalliimada u sameeyay ku ammaanay dadaalka naf-hurnimadda leh ee ay u sameeyeen carruurta Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ka muuqato in si wanaagsan loo daweeyay xaalladooduna soo ficnaanayso.

 

Wasiir Daa’uud Aweys” Xukuumadda DanQaran waxay ahmiyad gaar siisay horumarinta Dalxiiska Dalka”

0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ahmiyad gaar ah siisay horumarinta dalxiiska, isla markaana ay sameysay daraasad gaar ah oo diiradda lagu saarayo dalxiiska Soomaaliya iyo horumarkiisa.

Wasiirka wuxuu sheegay in la asteeyay goobaha dalxiiska uu dalkeenna lahaa, in la dejiyay qorshe ku saabsan Dalxiiska Soomaaliya, in dib loo soo nooleeyo adeegyadii dalxiis ee uu dalka lahaan jiray iyo Machad laga barto arrimaha Dalxiiska.

Sidoo kale, Wasiir Daa’uud Aweys oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in Xukuumadda Soomaaliya ay dhiiragelineyso shaqsiyaadka iyo shirkadaha ka shaqeeya horumarinta arrimaha Dalxiiska, wuxuuna qiray in dalxiiska qeyb libaax leh ka qaadan karo kobaca Dalkhliga Dalka.

Wasiirka Qorsheynta XFS oo la kulmay Wakiilka UNFPA ee Soomaaliya

0

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene) ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay, Wakiilka UNFPA ee Soomaaliya, Dr. Mary Otieno.

Kulankan ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyay xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda iyo UNFPA, gaar ahaan dhinacyada qorsheynta horumarineed, isku-duwidda mashaariicda, kormeerka iyo qiimeynta barnaamijyada kala duwan.

Labada dhinac waxay ka wada hadleen sidii loo hubin lahaa in dhammaan mashaariicda iyo barnaamijyada la fulinayo ay si buuxda ula jaanqaadaan Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) iyo Dukumintiga Barnaamijka UNFPA ee Dalka, iyadoo xoogga la saarayo hufnaan, isla-xisaabtan, iyo saameyn waarta.

Sidoo kale, Mudane Beenebeene iyo Dr. Mary Otieno waxay mar kale adkeeyeen go’aankooda ku aaddan xoojinta wada-shaqeynta iyo iskaashiga joogtada ah ee u dhexeeya Wasaaradda iyo UNFPA, si loo dardar-geliyo hirgelinta yoolalka wadajirka ah ee horumarinta bulshada iyo tayeynta adeegyada muhiimka ah ee dalka.

 

 

 

RW Xamsa Cabdi Bare oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Turkiga

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Turkiga oo uu hoggaaminayo Agaasimaha waaxda Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Amb. Ali Onaner, iyo Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan Soomaaliya Mudane Amb. Alper Aktaş.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Turkiga, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada amniga, iyo la-dagaallanka argagixisada, si loo xaqiijiyo xasilloonida dalka iyo guud ahaan gobolka.

Ra’iisul Wasaaraha Xamsa, ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Turkiga taageerada hagar-la’aanta ah ee ay mar walba la garab taagan yihiin Soomaaliya, isaga oo xusay in Turkigu yahay saaxiib istiraatiiji ah oo door muuqda ka qaatay taageerada dhanka amniga, ilaalinta midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dhankiisa Amb. Ali Onaner, oo ka mahadceliyay qaabiladda Ra’iisul Wasaaraha, ayaa adkeeyay in dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Turkiga ay mar walba garab taaganyihiin dowladda Soomaaliya, ayna sii xoojinayaan xiriirka wada-shaqayneed ee labada Dowladood.

 

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Guddoomiyey Shirka Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa guddoomiyey shirka Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda Koonfur Galbeed, kaas oo ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada ee magaalada Baydhabo.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha shaqo ee wasaaradaha, xoojinta isku-xirka hay’adaha dowladda, saameynta abaaraha, iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee mudnaanta u leh adeegyada bulshada.

Intii uu socday shirka, waxaa sidoo kale laga hadlay caqabadaha jira iyo sidii xal waara loogu heli lahaa, si loo helo maamul hufan oo wax ku ool ah.

Madaxweynaha ayaa Agaasimiyaasha Guud ku bogaadiyey dadaalkooda, isaga oo kula dardaarmay in ay xoojiyaan hufnaanta shaqada, isla-xisaabtanka, iyo u adeegidda shacabka. Waxa uu sidoo kale adkeeyey in la dardargeliyo fulinta siyaasadaha iyo barnaamijyada horumarineed ee Dowladda Koonfur Galbeed.

Ugu dambayn, Madaxweyne Laftagareen ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay wadashaqeyn joogto ah, hoggaan wanaagsan, iyo mas’uuliyad qaadasho, si loo xaqiijiyo horumar waara iyo adeegyo tayo leh oo ay helaan bulshada Koonfur Galbeed.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Agaasimaha Guud Arrimaha Dastuurka ee Wasaaradda Caddaaladda

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Agaasimaha Guud Arrimaha Dastuurka ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, u magacaabay Mudane Saalax Xiireey Kheyre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Mudane Saalax kula dardaarmay hufnaan iyo xil-gudasho.