Home Blog Page 597

Wasiirka Maaliyadda XFS oo shir gaar ah kula yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya Madaxda Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF

0

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Elmi M. Nur oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda ayaa shir gaar ah kula yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Madaxda Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo ay hoggaaminayso #Laura_Jaramillo oo ah Madaxa IMF ee Soomaaliya.

Shirkaan ayaa looga hadlay dib-u-eegista hufnaanta Maaliyadda iyo hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa hiigsanaysa horumar Maaliyadeed iyo isku filnaansho dhaqaale iyadoo xoogga la saarayo kor qaadista dakhliga gudaha dalka.

 

Aqoon Isweydaarsi ay ka soo qeyb galeen Wasiirka Wasaaradda Haweenka, Qaar ka mid ah Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda, Guddiyadda Shaqaalaha heer Federaal, heer Maamul Goboleed & Gobolka Banaadir oo furmay

0

Aqoon Isweydaarsigaa oo ay ka soo qeyb gashey Wasiirka Wasaaradda Haweenka, Qaar ka mid ah Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda, Guddiyadda Shaqaalaha heer Federaal, heer Maamul Goboleed & Gobolka Banaadir iyo Masuuliyiin ka socoto qeybaha kala duwan ee Hay’adaha Dowladda.

Ugu horreyn Agaasimaha Guud ee Guddiga Qaranka Shaqaalaha ayaa ka qeybgalayaasha ku soo dhaweeyey Aqoon Isweydaarsiga. Intaas ka dib, Wasiiradda Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Aadanaha DFS marwo,Hon Khadija Mohamed Diriye ayaa aqoon isweydaarsiga si rasmi ah si u furtay iyada oo sheegtay Wasaaradda Haweenka ahmiyaddeeda ugu horreysa ay tahay awoodsiinta iyo kobcinta haweenka waxa ayna Guddiga Shaqalaaha uga mahadcelisay in ay soo qaban qaabiyaan kulankaan muhiimka u ah haweenka soomaaliyeed

Kusimaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye Kuxigeenka Guddiga Shaqaalaha Mudane Cali Muumin ayaa (Ali Korufule)ka hadlay ujeeddada kulankan iyo Sababta Guddiga u soo qaban qaabiyey Aqoon Isweydaarsiga. Kusimaha Guddoomiyaha ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay awoodsiinta iyo kobcinta haweenka ku jira shaqaalaha dowladda heerar keeda kala duwan. Guddoomiyaha ayaa xusay in haweenka ku jira shaqaalaha dowladda aanan lagu aqoonin qiyaano isla markaasna ay markasta safka hore uga jiraaan adeeg bixinta iyo u adeegidda shacabka Soomaaliyeed.

Intaas ka dib, waxa kalimadahooda qaatay iyaga oo si qoto dheer uga hadlay awoodsiinta iyo kobcinta Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha JFS, Guddoomiyaha Akadeemiyada, Guddoomiyaasha Guddiyada Shaqaalaha heer Dowlad Goboleed.

Aqoon Isweydaarsigan oo ah midkii seddaxaad oo uu Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka Dowladda ayaa socon doono muddo seddax maalin iyada oo lagu soo bandhigi doono xogta haweenka ku jira Shaqaalaha heer federaal, heer dowlad goboleed. Sidoo kale, inta uu socdo kulanka waxa lagu soo bandhigi doonaa guulaha laga gaaray barnaamijkan, caqabadaha iyo soo jeedinnada ku aaddan kobcinta iyo awoodsiinta Haweenka ku jira Shaqaalaha heerarka kala duwan.

Ugu dambayn, geba-gabada aqoon isweydaarsigan ayaa laga soo saari doona sidii kor loogu qaadi lahaa Haweenka Shaqaalaha Dowladda heerarkooda kala duwan.

 

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo qaabbilay Agaasimaha ILO ee Geeska Afrika

0

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo qaabbilay Agaasimaha ILO ee Geeska Afrik

Muqdisho , October, 2, 2022- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Biixi Iimaan Cige ayaa maanta la kulmay Mudane Alexio Musindo , Agaasimaha xafiiska ILO ee waddamada Soomaaliya , Itoobiya , Jabuuti iyo Koonfurta Suudaan.

Kulanka ayaa looga hadlay qorshaha sannadeedka Hay’adda ee Soomaaliya , halkaa oo warbixin la xiriirta ay ku soo bandhigeen ILO, iyadoo sidoo kale laga hadlay xoojinta iskaashiga, taageerrada dadaallada Wasaaradda ee la xiriira horumarinta Shaqada , shuruucda iyo badqabka Shaqada iyo shaqaalaha.

“ Hay’adan ILO , waxay muhiimad u leedahay dadaalladeenna horumarinta leh ee Shaqada iyo Shaqaalaha .” ayuu yiri Wasiir Biixi.

Agaasimaha Hay’adda Shaqada Adduunka ILO ee waddamada Geeska Afrika , Alexio Musindo oo boggaadiyay sida ay uga go’antahay hoggaanka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada horumarinta wada-shaqeynta labada dhinac , ayaa sidoo kale sheegay inay ka go’antahay dhammeystirka iyo fulinta qorshayaasha shaqo ee wasaaradda.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog u ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali.

 

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka XFS oo maanta Xafiiska ku qaabiley wafdi ka socdey World Bank iyo Global Financing Facility (GFF)

0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan oo maanta Xafiiska ku qaabiley wafdi ka socdey World Bank iyo Global Financing Facility (GFF)

Boqortooda Ingiriiska oo sheegtay in ay taageerayso dadka ku wax yeeloobay Abaarta Dalka ka jirta.

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay danjiraha Dalka Ingiriiska Marwo Kate Foster.

Nairobi waxaa maanta ka furmay shirka Dowladda Soomaaliya iyo Hay,adda IMF ee hannaanka dib-u-eegista iyo horumarinta maaliyadda Dalka

0
Magaalada Nairobi waxaa maanta ka furmay shirka Dowladda Soomaaliya iyo Ha,adda IMF ee hannaanka dib-u-eegista iyo horumarinta maaliyadda Dalka,

Wasiirka Arimaha Gudaha XFS iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo daahfuray Shirweyne looga hadlaayo Nidaamka Casriga ah ee Diiwaangelinta Madaniga

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa daah-furay shirweyne looga hadlaayo Nidaamka Casriga ah ee Diiwaangelinta Madaniga taasi oo ay ka qeybgalayaan Maamul Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.

In ka badan 120 qof oo ku dhimatay isbuurasho ka dhacday Indonesia

0

Ugu yaraan 129 qof ayaa ku dhimatay isbuurasho ka dhacday garoon kubadda cagta ah oo ku yaalla dalka Indonesia, sida ay sheegeen saraakiisha. Waxay saraakiisha ku tilmaameen dhacdadan masiibadii ugu ba’neyd ee ka dhacdo garoon kubadda cagta ah caalamka.

DHAGEYSO:-Laamaha Amniga Kismaayo oo baritaano amniga lagu xaqiijinayo Ka sameeyey Xaafadaha Magaaladas

0

Ciidanka Booliska Maamulka  Jubbaland ayaa howlgalo Balaraaran oo lagu xaqiijinaayo amniga  ka sameeyey dhamaan xafadaha kala duwan ee Magaalada Kismaayo ee Caasimada Gobolka Jubbada Hoose.

Hindiya oo hub u direysa Armenia si ay u xakameyso Turkiga iyo Pakistan

0

Hindiya ayaa dooneysaa inay dalka Armenia ka iibiso hub qiiamhiisa lagu sheegay Rs 2000 Crore (oo u dhiganta ku dhawaad $244 oo milyan oo doolar). Sanadkii 2020-kii Armenia waxa ay la dagaalantay dalka ay deriska yihiin ee Azerbaijan, oo la soo tebiyay inuu hub ka helay Turkiga.