Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta hoygiisa Muqdisho ku qaabilay masuuliyiin ka socota Hay’adda Naafada Qaranka oo uu hoggaminayo Guddoomiyaha mudane Maxamed Cabdullahi Jaamac.
SAWIRRO:Guddoonka Golaha shacabka oo shahaado sharaf gudoonsiiyey Guddoomiyihii guddiga Amniga Doorashooyinka.
Guddoonka golaha shacabka BJFS ayaa shahaado Sharaf guddoonsiiyay Guddoomiyihii guddiga Amniga Doorashooyinka ahna Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) iyo Taliyaha Ciidanka ATMIS qeybta 1-aad Gen. Keith Katungi.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ergay gaar ah u magacaabay arrimaha abaaraha
Wasiirka gaashaandhigga dawladda FS oo la kulmay dhigiisa dalka Tanzania
Wasiirka Wasaaradda gaashaandhigga XFS , Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Daarusalaam ee caasimadda dalka Tanzaniya wasiirka Difaaca iyo adeegga Qaranka Dalkaasi marwo, Stergomena Lawrence Tax.
Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Tanzaniya, gaar ahaan arrimaha amniga gobolka iyo iskaashiga labada Wasaaradood ee difaaca.
Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya , Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ugu mahad celiyay dowladda Tanzaniya soo dhoweynta diirran ee ay isaga iyo wafdigiisu u sameeyeen.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho oo maanta u safray Magaalada Konyo ee Dalka Turkiga.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta Safar shaqo oo maalma kooban qaadan doona u ambabaxay Magaalada Konyo ee Dalka Turkiga.
Madaxweyne Mustafe Muxummed Cumar oo maanta xarunta madaxtooyada kulan kula qaatay masuuliyiintii ay hoggaaminaysay madaxa gargaarka bini’aadannimada ee hay’adaha Qaramada Midoobay.
Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa xarunta madaxtooyada kulan kula qaatay masuuliyiintii ay hoggaaminaysay Dr. Catherine Sozi, madaxa gargaarka bini’aadannimada ee hay’adaha Qaramada Midoobay oo ay weheliyaan safiiradda 5 waddan iyo hay’adaha deeq-bixiyayaasha.
Madaxweyne Hassan Sheikh maxamuud oo u magacaabay Mudane Hussein Macallin Maxamuud lataliyihiisa Amniga Qaranka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Xuseen Macallin Maxamuud Sheekh-Cali, Lataliyaha Amniga Qaranka.
DEG-DEG:Ra’iisal wasaare Rooble oo shaqada ka joojiyay wasiirka arrimaha debadda Cabdisaciid Muuse Cali .
Ra’iisal wasaaraha XFS Mahamed Xuseen Rooble ayaa baabi’iyay warqad wasaaradda Arrimaha dibadda ay ku fasaxday Markab waday dhuxul sharci daro ah oo ku xernaa xeebaha dalla Cumaan.
DEG-DEG:Turkiga oo qorsheynayo in uu sameeyo howlgal milatri.
Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay in dhawaan uu billaabi doono howlgal cusub oo militari oo laga sameyn doono xadka dhanka koonfureed, si loola dagaallamo khatarta argagixisada ee halkaasi ka jirta.
Taliyaha Ciidanaka booliska Maamulka Puntland Oo xafiiskiisa ku qaabilay Madax kasocota Hay,ada UNODC.
Taliyaha Ciidanaka booliska Maamulka Puntland Oo xafiiskiisa ku qaabilay Madax kasocota Hay,ada UNODC.
