Home Blog Page 598

Saraakiil milateri oo sheegay inay xukunka ka tuureen Hoggaamiyihii Burkina Faso

In ka badan 10 askari ayaa la wareegay telefiishanka qaranka ee dalka Burkina Faso xilli dambe oo Jimcihii ah, iyaga oo shaaciyey in Lt. Col. Paul Henri Sandaogo Damiba oo ahaa hoggaamiyihii dalka ku qabsaday inqilaabka ee isu bedelay inuu madaxweyne ka noqdo dalkaas, in xilkii laga tuuray.

Sagaal bilood uun ka hor ayay ahayd markii uu Lt. Col. Damiba, uu inqilaabka ku qabsaday xukunka dalkaas.

War qoraal ah oo laga akhriyey telefiishanka ayaa lagu sheegay in Capt. Ibrahim Traore uu yahay hoggaamiyaha cusub ee ciidanka milateriga ee dalka Burkina Faso.

Hoggaamiyayaasha cusub ee milateriga ee Burkina Faso ayaa sheegay in la xidhay dhammaan xuduudaha dalka, isla markaana dalka lagu soo rogay bandow ka bilaabmaya 9-ka fiidnimo illaa 5-ta subaxnimo. Waxay ku dhawaaqeen in la kala diray dawladdii ku meel gaadhka ahayd iyo golihii qaranka.

Madaxweyne Damiba iyo xulafadiisa ayaa hore u inqilaabay madaxweyne si dimoqraadi ah loo soo doortay, isagoo la yimi ballan-qaadyo ah, inuu dalka ka dhigi doono mid ammaan ah.

Si kastaba ha ahaatee, rabshadaha ayaa ayaa u sii socday si aan kala joogsi lahay, waxaana sii kordhay niyad-jabka ay bulshadu ka muujisay hoggaamintiisa.

“Iyada oo la waajahayo xaalad amni oo ka sii daraysa, ayaa arrintaasi nagu dhiiri gelisay, haddaanu nahay saraakiisha sarsare iyo saraakiisha hoose ee ciidamada milaterigu, inaanu tallaabo qaadno, annaga oo rabna inaanu ilaalino amniga iyo sumcadda dalkayaga” ayuu yidhi afhayeen u hadlay ciidmada inqilaabka dhigay oo lagu magcaabo Capt. Kiswendsida Faaruuq Azaria Sorgho.

Madaxweynaha la sheegay in la inqilaabay Damiba ayaa hadda uun ka soo laabtay golaha guud ee Qaramada Midoobay, isaga oo metelaya dawladda Burkina Faso. Damiba ayaa khudbadiisii golaha guud, ku difaacay afgembigii uu sameeyey bishii January isaga oo ku tilmaamay inay ahayd arrin ku saabsan badbaadada qaranka ee dalkiisa.

 

[Dhageyso]Koonfur Galbeed oo Sheegtay in Macluul qarka u saranyihiin dadka ku nool Deegaano katirsan Gobolka Baay

0

Xilli Guud ahan Soomaaliya  ay ka jirto Abaar aad u daran ayaa maamulka koonfur Galbeed waxa uu qeylo dhaan ka muujiyey abaraaha ka jira qeybo katirsan maamulkaas si gaar ah Degmooyinka Baydhabo iyo Buurhakaba waxaana uu sheegay in xalaada halkaas ka jirta ay ka cabsiqabaan in ay isku badasho macluul.

Faah-faahino ka soo baxaya Askar katirsan ciidamada Xogga dalka Soomaliya oo dhimasho iyo dhaawac uu ka soo gaaray shil ka dhacay wadada xariirisa magaaloyinka Balcad iyo muqdisho

0

Faah-faahino dheerad ah ayaa ka soo baxaya  shil sababay dhimasho iyo  dhaawac oo ciidamo katirsan xoogga dalka ka soo gaaray markii uu rogmaday gaari Cabdi bilaha oo ay la socdeen.

[DHAGEYSO] Guddoomiyaha gobolka Gedo oo faah-faahin dheeraad ah ka bixyay weerar ay Al-shabaab ku dishay toban qof

0

Maamulka Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixiyey dhacdadii kooxda Argagixisada Al-shabaab dad rayid ah oo ceel ka qodayey deegaanka Girileey ay ugu geysteen xasuuq maalintii shalay aheed xilli deegankaas baahi weyn u  qabeen ceelbiyodkaas.

Taliye Farxaan Qaroole oo ku Shadiiday Shabeelaha Dhexe.

Ilaahay ha unaxariistee waxaa saaka ku shahiiday howlgal lagula dagaalamayey  khawaarijta S/Guuto Shahiid Farxaan Maxamuud Aadan ,Taliyihii Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir.

Howlgalka ayaa Ciidama Amaanku uga sifeynayaleen argagixisada xuduuda deegaan ee Gobolada Banaadir, Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha hoose.

Waxaan ilaahay u weydiinaynaa naxariistisii jano sareeyaha iyo shuhaadadii la geeriyootay, sidoo kalana inta ku dhaawacantay ilaahay ha u booga dhayo.

Argagixisada naf la caariga ahi, marnaba nagama weecin doonto hadafkeena ah xaqiijinta Amaanka Dalka iyo ciribtirka Argagaxisada,sidaasi waxaa yiri G/le Sadiiq Duudishe Afhayeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed

Soomaaliya Iyo Itoobiya Oo 10 Qodob ku Heshiiyay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddo labo maalmood ah Booqasho rasmi ah ku joogay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka ee Itoobiya, kaddib martiqaad uu ka helay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadallo laba geesood ah yeeshay.

Intii uu socday wadahadalka labada hoggaamiye waxaa ku wehlinayey masuuliyiin sare oo ka tirsan labada dal, iyagoo isla eegay arrimaha ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan in la iska kaashado dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xagjirnimada, xoojinta dhaqaalaha iyo is-dhexgalka gobolka.

labada hoggaamiye ayaa isla qaatay:

1. In la kobciyo, lana xoojiyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo Labada shacab, kaas oo sal looga dhigayo qadarinta qarannimada iyo midnimada labada dal.

2. Waxay ku celiyeen go’aankooda ah inay si wax ku ool ah isaga kaashadaan dagaalka ka dhanka ah cadowga ay wadaaageen labada dal ee Argagixisadda iyo Xag-jirnimada, waxa ayna fareen hay’adaha amniga xoojinta iyo tayeynta iskaashiga amni ee ka dhaxeeya.

3. Labada Hogaamiye waxay bogaadiyeen howlgalada ka dhanka ah argagixisada ee ka socda Gobollada Soomaaliya, gaar ahaan duulaankii ugu dambeeyay ee ciidamada XDS ay ku qaadeen Al Shabaab.

4. Madaxdu waxay ugu baaqeen Golaha Amaanka Qaramada Midoobay in ay tixgaliyaan codsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ah in laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran dalka in ka badan 30 sano, si loo xaqiijiyo in Ciidamada Soomaaliyeed ay dalkoodaa ka xoreeyaan Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada ah.

5. Waxa ay hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in la wada shaqeeyo, la yareeyo saameynta dibadda iyo faragelinta laga yaabo inay wiiqdo nabadda iyo xasilloonida gobolka iyo dadaalka wadajirka ah ee la dagaalanka argagixisada.

Si taas loo gaaro, waxay ku heshiiyeen in ay yeeshaan wada-tashiyo laba geesood ah oo joogto ah iyo in la iska kaashado golayaasha loo dhan yahay iyo kuwa goboleedba, korna loo qaado danaha guud ee ku salaysan is-xtiraamka labada dhinac iyo madaxbannaanida labada dal.

6. Waxaa la bogaadiyay Ciidamada Difaaca Itoobiya ee sida geesinimada leh ugu huray naftooda nabadda, xasiloonida iyo dowlad dhiska Soomaaliya.

7. Madaxdu waxay xuseen in labada dal iyo guud ahaan dalalka gobolka ay soo foodsaareen abaaro soo noqnoqday iyo masiibooyin kale oo dabiici ah, kuwaas oo ay keeneen isbeddelka cimilada, khatarna ku ah nolosha dadka deegaanka.

Waxay ku nuuxnuuxsadeen in ay lama huraan tahay in arrimahan la iska kaashado, loona baahan yahay in la laba jibbaaro dadaallada looga gudbi karo caqabadahaas.

Waxay sidoo kale ugu baaqeen saaxiibada caalamiga ah in ay sii wadaan taageerada bulshooyinka ay abaartu saameysey.

8. Madaxdu waxay ku heshiiyeen in la kordhiyo deeqaha waxbarasho iyo tababarada ee Itoobiya ay siiso shacabka, shaqaalaha, ciidamada ammaanka iyo hay’adaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

9. Labada hoggaamiye waxa ay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay balaarininta iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada Ganacsiga, maalgashiga, Isgaarsiinta, amniga iyo siyaasadda.

10. Madaxdu waxa ay fareen xafiisyada dawladda in ay sameeyaan guddiyada isku dhafka ah ee Wasaaradaha, sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah, si looga doodo loona dejiyo tilmaamaha iyo hababka fulinta ee arrimaha danaha labada dhinac.

 

Ciidanka Dowlada Oo Lawareegay Deeganka Basra.

 

Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa si buuxda ula wareegay deegaanka Basra ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgal Qorsheysan Waaberigii Saakay ay Deegaanka Basra ay ka fuliyeen Ciidamada Amniga Dowladda Soomaaliya ay kula wareegeen deegaanka Basra iyo Tuulooyinka Hoosyimaada.

Tuulooyinka ay sida buuxda ula wareegeen Ciidamada oo gaaraya 9 tuulo ayaa kala ah.
1. Basra
2. Sapyo
3. Bahdaad
4 . Beled Al Kariim
5. Baldooska
6. Alifoow
7. Muryaley
8. Daniga Balow
9. Buula Xansholey

Waxayna dhammaantood ku teedsanyihiin Wabiga Shabeelle.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur oo ladlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka ay burburiyeen Saldhiggii ugu weynaa Maleeshiyaadka Alshabaab ee Deegaanada ay la wareegeen, islamarkaana aysan jirin wax iska cabin ah oo ay ciidamadu la kulmeen inta howlgalku Socday.

Deegaanka Basra oo ah degaan Istiraatiiji ah iskuna xira gobalada Shabeellaha Hoose iyo Shabaalaha Dhexe.

Sidoo kale Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa Basra kulahaa Saldhig wayn oo ay kasoo abaabulijireen dhagarta ay usoo maleegaan umadda Soomaaliyeed.

Shirka Ban-baxa Wasaaradda Hawlaha Guud DFS Oo Lasoo Gabagabeeyay.

0

Shirka Ban-baxa Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta DFS oo soconayey muddo laba maalmood ah ayaa lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho.

Shirka oo ay ka qayb galayaan Agaasimaha Guud, Agaasime waaxeedyada, La taliyeyaasha & u qayb sanayaasha mashaariicda ayaa socondoonayey labo maalmood.

Qaybihii hore ee shirka ayaa waxaa shir godoominayey Wasiiru dowlaha Wasaaradda Hawlaha Guud S/G Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe) ayaa lagu soobandhigay warbixinno la xiriira sida lagu horumarin lahaa shaqada Wasaaradda.

Waaxyaha Qorshayta, Dib u dhiska, Guriyeynta, Taya dhowrka Qalabka dhismaha & Madax Mashruuca dhismaha Waddooyin Gobolada (RIP) ayaa jeediyey shaqooyinka ay hayaan & qorshayaashooda.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta DFS Mudane Ismaaciil Cabdiraxmaan Sh. Bashiir oo sooxiray shirka ayaa ku bogaadiyey agaasimayaasha & madax qaybeedyada Wasaaradda shaqada ay hayaan.

Waxaa si gaar ah looga dooday warbixinna laga soojeediyey qodobada kala ah

-Mandateka Wasaaradda
-Siyaasadda & Shuruucda
– Diyaarinta Qorshe hawleedka Wasaaradda
-Caqabadaha & Xalkooda

Ugu dambayn waxaa la isku raacay in si deg deg ah loo dhaqan galiyo qodobada ka soobaxay shirka.

Nin ka Mid ahaa Alshabaab oo Isku Soo Dhiibay Nabad Sugidda KGS.

Maxamed Xasan Nuur Oo katirsana Ururka Argigixisada Al-Shabaab ayaa isu soo dhiibay Ciidanka Hay’ada Nabad Sugida Iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ee Ku sugan Degmada Xudur Ee Xaruunta Gobolka Bakool.

Maxamed ayaa argigixsada kamid ahaa mudo labo sano asagoona ka qeybqaatay dagaalo dhowr ah Oo ka dhacay Gobolada Dalka.

Maxamed ayaa sheegay in ay Ciidanka Nabadsugida si wanaagsan usoo dhaweyeen isagoona dhalinyarada Argigixisada qaladay ugu baaqay inay isu soo dhiibaan maadaama Dalka Oo dhan ka bilowday howlgalo lagu citibtiraayo Argigixisada.

RW Xamse oo ka tacsiyeeyay Geerida Shahiid Nabadoon Cilmi Xagar.

AUN waxaa Saaka Dagaal ka Dhacay Deegaanka Qoxle ku Geeriyooday Nabadoon Cilmi Xagar Guure oo ka Mid ahaa Hoggaanka Dhaganka Hiiraan isla markaan Hormuud u Ahaa Kacdoonka Shacabku Kaga Soo horjeeseen Malayshiyada Alshabaab.

Reysul wasaaraha Qaranka ayaa Qoraal uu Ku Baahiyay Bartiisa Facebook kaga Tacsiyeeyay Geerida Nabadoom Xagar.

“Waxaan ka tacsiyaynayaa geeridda xaqa ah ee kutimid Nabadoon Cilmi Hagar Guure oo maanta ku shihiiday dagaal ka dhacay jiidda hore ee dagaalka ee deegaanka Ceel Qooxle ee gobolka Hiiraan”

RW Xamse ayaa Sidoo Kole Yuri. “Mujaahid Cilmi wuxuu kamid ahaa odayaashii ugu horreeyay ee diiday gumeysiga iyo dhibaatada ay dadka Soomaaliyeed ku hayso argagixisadu, Wuxuuna astaan iyo halbeeg u yahay jihaadka iyo dabargoynta ka dhanka ah kuwa dadkeenna nabadda iyo xasiloonida u diiday”

“Waxaan Eebbe uga baryayaa in uu Mujaahid Cilmi ka waraabiyo Jannadiisa midda ugu sareysa.” Ayuu Hadalkiisa Kusoo Xiray.