In ka badan 120 qof oo ku dhimatay isbuurasho ka dhacday Indonesia

Date:

Ugu yaraan 129 qof ayaa ku dhimatay isbuurasho ka dhacday garoon kubadda cagta ah oo ku yaalla dalka Indonesia, sida ay sheegeen saraakiisha. Waxay saraakiisha ku tilmaameen dhacdadan masiibadii ugu ba’neyd ee ka dhacdo garoon kubadda cagta ah caalamka.

Isbuurashada ayaa dhacday markii ay booliska sunta dadka ka ilimeysiisa ay ku rideen dad dhigayay dibadbaxyo markii dambe isku baddalay rabshado.

Ku dhawaad 180 qof ayaa ku dhaawacmay isbuurashada kadib markii kooxda kubadda cagta Persebaya Surabaya ay ka adkaatay kooxda kale ee tartanka adag uu kala dhexeeyo ee Arema FC.

Wasiirka amniga ee dalka Indonesia ayaa sheegay in tirada dadka ciyaarta daawaneysay ay kor u dhaafeen 4,000 oo qof, tiradaas oo ka badneyd inta loogu talagalay garoonka.

Madaxweynaha Indonesia Joko Widodo ayaa amar ku bixiyay in dhamaan ciyaaraha horyaalka Indonesia la joojiyo ilaa inta baaritaan looga sameynayo masiibadan.

Muuqaallo la baahiyay ayaa muujinayay taageerayaasha oo ku kala orddaya gudaha garoonka kadib markii la yeeriyay seeriga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...