Hindiya oo hub u direysa Armenia si ay u xakameyso Turkiga iyo Pakistan

Date:

Hindiya ayaa dooneysaa inay dalka Armenia ka iibiso hub qiiamhiisa lagu sheegay Rs 2000 Crore (oo u dhiganta ku dhawaad $244 oo milyan oo doolar). Sanadkii 2020-kii Armenia waxa ay la dagaalantay dalka ay deriska yihiin ee Azerbaijan, oo la soo tebiyay inuu hub ka helay Turkiga.

 

Waxaa mar kale dib usoo cusboonaatay xiisadda ka dhex taagan labadan waddan, sidaas darteed, heshiiska dhanka hubka ah wuxuu muhiim u yahay Armenia.

 

Sida laga soo xigtay ilo wareedyo ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga, heshiiska wuxuu dhigayaa in marka hore ay Hindiya siiso Armenia gantaallada loo yaqaano Pinaka, waxaana gantaalka sameysay shirkadda DRDO.

 

Hindiya waxay gantaalkan horay u geysay xadka Shiinaha iyo Pakistaan, waana markii ugu horreysay oo gantaalka Pinaka uu helo codsi caalami ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo magacawday Guddiga Farsamada ee Wada-hadalka iyo Dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS...

Madaxweynaha JFS oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay isimada Puntland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shirka Arrimaha Bariga Afrika

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee ka qeybgalay...

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Ruushka oo Waraaqaha Aqoonsiga u Gudbiyay Madaxweynaha Belarus

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Ruushka, ahna...