Home Blog Page 591

Maxkamad xukun ku ridday musharaxii hore ee Madaxweynaha Masar

Maxkamad ku taalla waddanka Masar ayaa Axadii xabsi dheer ku xukuntay musharrixii hore ee madaxweyne Abdel Moneim Aboul Fotouh iyo dhowr qof oo kale oo caan ah oo ka tirsan ururka Ikhwaanul Muslimiin ee la mamnuucay, iyadoo lagu soo eedeeyay inay qorsheynayeen inay afgembiyaan dowladda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan la qaatay danjiraha dalka Sacuudi Arabiya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay danjiraha dalka Sacuudi Arabiya Amb. Ahmed Bin Mohamed Almowallad.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo maanta xarigga ka jaray dugsiga hoose dhexe ee agoonta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo dhawaan loo dhisay qaab casri ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka  Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xarigga ka jaray dugsiga hoose dhexe ee agoonta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo dhawaan loo dhisay qaab casri ah.

Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud iyo Wafdi Balaaran oo  uu Horkacayo oo haatan gaaray Magalaada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Madaxweynaha 10aad ee Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hassan sheikh Maxamuud iyo Wafdi Balaaran oo  uu Horkacayo kuwaas oo ay ku Jiraan Xildhibaano,Wasiiro,Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka  iyo Saraakiil Katirsan Madaxtooyada Qaranka ayaa gaaray Haatan Magaalada baydhabo ee Gobolka Baay.

DAAWO:Toos, Baydhabo; Bulshada Koofur-gableed oo oo aragtiyadooda ka dhiibanaya Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyaddu maanta ku tagayo magaalada Baydhabo.

MUQDISHO-31-5-2022-Toos, Baydhabo; Bulshada Koofur-gableed Si gaar ah Magalaada Baydhabo oo oo aragtiyadooda ka dhiibanaya Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyaddu maanta ku tagayomagaalada Baydhabo


 

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada oo bogaadiyay, gargaarka ay dawladda Qatar keentay dalka oo maanta la qaybiyey.

MUQDISHO-31-5-2022-Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa bogaadiyay, gargaarka ay dawladda Qatar keentay dalka oo maanta la qaybiyey.

SAWIRRO:Qabanqaabada soo dhaweynta wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo si weyn looga dareemayo Magaalada Baydhabo.

Qabanqaabada soo dhaweynta wafdiga Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn looga dareemaya magaalada Baydhabo ee gobolka Baay oo jewi roob, xasillooni iyo deggenaan ah kusoo dhoweynaysa Madaxweynaha oo saacadaha soo socda ku  wajahan Magaaladaas.

SAWIRRO:Imtixaaankii dugsiyada dhaxe ee Galmudug Ee Gobolka Mudug oo maanta lasoo gaba-gabeeyay.

 Muqdisho-31-5-2022 – Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Maamulka Galmudug oo ay wehliyeen Agaasimaha guud ee wasaaradaasi iyo masuuliyiin kale ayaa maanta soo xiray imtixaanaadkii dugsiyada dhaxe ee Galmudug ee ka bilowday deegaanada galmudug Sabtidii tudabaadkan.

DHAGEYSO:Booliska Soomaaliya oo muqdisho ku qabtay kooxo Burcad ah.

Muqdisho-31-5-2022 – Ciidamada Booliska Soomaaliya Ayaa xalay howlgalo dad farabadan lagu soo qabqabtay Waxa ay  ka sameeyen Xaafado katirsan degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, kuwaas oo dadka kunool ay ka cabanayeen  maalmihii aan soo dhaafnay Kooxo Burcad ah oo dhac u geysanayay bulshada halkaas ku nool.

DHAGEYSO:Ciidamada amaanka Magaalada Dhuusa-mareeb oo howlgalo lagu sugayo amaanka ka sameeyay xaafadaha magaaladaasi.

Muqdisho-31-5-2022-Ciidamada amaanka Galmudug gaar ahaan Booliiska iyo Nabadsugida ayaa  xalay  howlgalo amniga lagu xaqiijinayo waxa ay ka sameeyeen Xafadaha Magaalada Dhuusamareeb  iyo Wadooyinka Soo gala.