Home Blog Page 584

Ciidanka Kumaandooska Danab oo gobolka Shabeelada Hoose ku qabtay Argagixiso katiran Al-shabaab.

MUQDISHO-JUUN-6-6-2022-:Ururka 4aad Guutada16aad  ee Kumaandooska Danab Ee XDS Ayaa Howlgal Qorsheeysan Oo Lagu Baacsanayo Maleeyshiyada Naflacaariga Ah Ee Al-Shabaab Ka sameeyay Deegaano katirsan Gobolka Shabeelada Hoose .

Dowladda UK oo sheegtay in ay hub u diri doonto Ukraine.

MUQDISHO-JUUN-6-6-2022:-Xoghayaha gaashaandhigga ee waddanka Britain, Ben Wallace, ayaa waxa uu ku dhawaaqay in UK ay tiro aan badneyd oo ah hubka laga rido gantaallada ridada dheer iyo rasaasba u diri doonto Ukraine.

Madaxweynaha maamulka Galmudug oo caawa guddomiyey kulan ay yesheen Golaha Wasiirada Maamulkaas .

Madaxweynaha Dowladd goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa shir gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Galmudug, iyadoona Wasaaradda Arimaha Guduaha, Federaalka iyo Dib uheshiisiinta Galmudug ayaa soo jeedisay laba hindise sharciyeed si golaha ay uga doodaan, una ansixiyaan.

Haweeney lagu magacaabo Aamino Maxamuud ayaa meydkeeda galabta laga soo saaray Suuliga xaafad ka tirsan magaalada Baydhabo.

Haweeney lagu magacaabo Aamino Maxamuud ayaa meydkeeda galabta laga soo saaray Suuliga xaafad ka tirsan magaalada Baydhaba ee gobolka Bay, kadib baaritaan socday maalmihii lasoo dhaafay oo Aamina la weysanaa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo maanta kormeer indha indheyn ah ku tagay xarunta weyn ee Baarlamaanka JFS..

Muqdisho June 05,2022-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maanta kormeer indha indheyn ah ku tagay xarunta weyn ee Baarlamaanka JFS, taas oo Guddoomiyuhu sheegay in dib u dhis lagu sameyn doono.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Dowladda Itoobiya MogamedRafie oo Muqdisho yimid.

MUQDISHO-JUUN-5-6-2022-:Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Dowladda Itoobiya MogamedRafie Abaraya ayaa Goordhow ka  soo dagay Garoonka Aadan Cabdulle halkaas oo ay ku soo dhoweeyeen Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Cismaan, Wasiirka Amniga C/laahi Maxamed nuur iyo  Safiirka Itoobiya ufadhiya Soomaaliya C/fataax C/laahi Xasan iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta qaabilay Danjiraha Dowladda Qadar .

MUQDISHO-JUUN -5-6-2022-:Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Senator Abdi Hashi Abdullahi wuxuu maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qadar u fadhiya Soomaaliya Danjire Xasan bin Xamze Haashim.

Wasaaradda Caafimaadka DGKGS oo daahfurtay Olalaha Talaalka Cudurka Dabeysha.

Muqdisho-Juun Axad 05/06/2022:- Wasaradda Caafimadka DGKGS ayaa Maanta si rasmi ah ugu daahfurtay Magalada Baydhabo wareegii sadexaad ee talaalka Dabeysha (mOPV3).

SAWIRRO:Saraakiil ka tirsan Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Maamulka Galmudug oo Tababar u soo xiray Ciidamo loo diyaarinayo dagaalka Al-shabaab

MUQDISHO-JUUN-5-6-2022:-Saraakiil ka tirsan Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Maamulka Galmudug oo Tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan Dadka Deegaanka Wisil kuwaas oo loo diyaariyay Xoraynta Koonfurta Gobolka Mudug oo Argagixisada Qeybo ka jogaan.

Ukraine oo ka carootay hadal ka soo yeeray madaxweynaha Faransiiska

MUQDISHO-JUUN-5-6-2022-:Wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine ayaa si kulul ugu jawaabay madaxweynaha waddanka Faransiiska Emmanuel Macron kaddib markii uu sheegay inay muhiim aheyd in Ruushka aanan lagu bahdilin duullanka uu soo qaaday.