MUQDISHO-JUUN-5-6-2022-:Taliyihii hore ee qeybta 27-aad ee Ciidanka xoogga dalka Janaraal axmad Tareedisho ayaa ka hadlay weerarkii ay dhawaan dadka degaanka ay ku qaadeen xubno katirsan Argagixisada Al-Shabaab oo sugnaa degaan hoostaga magaalada Beledweeyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
DHAGEYSO:Guddoomiyaha Gobolka Jubbada Dhexe oo ka deyriyey Xaalada nolasha shacabka ku nool gobolkaas oo gacanta ay ku hayaan Argagixisada Al-shabaab.
MUQDISHO-JUUN-5-6-2022:-Guddoomiyaha Gobolka Jubbada Dhexe ee Maamulka Jubbaland Haajir Bile Sugaal ayaa sheegay in xaalad liidato oo dhanka nolasho ah ay ka jirto degaano iyo Degmooyin katirsan Gobolka Jubbada dhexe, waxaana uu sheegay in dadka sidoo kale Abaarta u dheertahay in deganadaas ay gacanta ku hayaan Argagixisada Al-shabaab oo aan ogoleen in dadkaas gurmad helaan.
Guddiga shaqaalaha rayidka oo maanta kormeer ku sameeyay qaar ka mid ah wasaaradaha dowladda.
Muqdisho-Juun-4_6_2022:-Xafiiska Guddi-Hoosaadka Kormeerka, Anshaxa & Abaalmarinta ee Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka Dowladda oo uu hor kacayo Gudoomiyaha Guddi-hoosaadka Mudane Aadan Macalin Maxamed (Aadan Jeeg) ayaa maanta Wasaaradaha Warfaafinta iyo Haweenka ka daahfuray Barnaamijka Dhaqangelinta Isticmaalka Aaladda suul-saarka ee Xaadarinta Shaqaalaha Rayidka Dowladda kaas oo dhawaan lagu tababaray howl-wadeennada waaxda shaqaalaha ee hay’adaha loo xiray aaladda xaadirinta shaqaalaha.
Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Gurmadka Abaaraha oo u kuur galay xaaladda dad kusoo barakay magaalada Muqdisho.
Muqdisho June, 04, 2022:- Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Gurmadka Abaaraha ayaa u kuur galay xaaladda dad kusoo barakay magaalada Muqdisho, balse hadda wajahaya xaalad nafaqo darro ah.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomali oo maanta Qaabilay Safiirka Jaamacada carabta u fadhiya dalkeenna.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Jaamacada carabta u fadhiya dalkeenna Amb. Salah Elguneid.
Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta qaabilay Danjiraha Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi wuxuu maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta u qaabilsan Soomaaliya Danjire Maxamed Axmed Alcusmaan.
DAAWO:Maamulka degmada Mahadaay oo ku baaqay in gurmad deg deg ah lala soo gaaro.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo maanta dib ugu Soo noqday Magaalada muqdisho.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta dib ugu Soo noqday Magaalada muqdisho kadib safar shaqo oo maalmihii la soo dhaafay uu ku joogay dalka Turkiga.
Maamulka Gobolka Soomaalida Itoobiya Iyo Maamulka Puntland oo iska kaashanaya Arimaha Amniga iyo La dagaalanka Argagixisada.
Waxaa Gobolka Doollo ee ismaamulka Gobolka Soomaalida Itoobiya socdaal ku gaaray wafti balaaran oo ka socda Maamul Goboleedka Puntland.
