MUQDISHO-JUUN 7-6-2022-:Dawladda Hindiya ayaa la baaxaa degaysa sidii ay u xakameyn lahayd cadhada diplomaasiyadeed ee ka imanaysa dalalka Islaamka taas oo ka dhalatay hadallo aflagaado xambaarsanaa oo laga sheegay diinta Islaamka iyo Nebi Muxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee, taas oo ay ku kaceen laba sarkaan oo ka tirsan xisbiga talada dalkaas haya ee Hindu nationalist Bharatiya Janata Party ee loosoo gaabiyo BJP.
Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha oo caawa kulan la qaatay Safiirka dowladda Shiinaha ee Soomaliya.
Muqdisho June, 06, 2022 – Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la yeeshay Safiirka dowladda Shiinaha ee Soomaliya, Ambassador FEI Shengchao.
Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha oo kulan la qaatay madaxda ugu saraysa ha’yadaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ka hawl-gala.
Muqdisho June, 06, 2022 – Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan fogaan arag ah la yeeshay madaxda ugu saraysa ha’yadaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ka hawl-gala oo ay ka mid yihiin; WFP, UNICEF, UNHCR, IOM, OCHA iyo kuwa kale.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaliya oo maanta la kulmay danjiraha dalka isu-tagga Imaaraadka carabta.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maanta kulan la yeeshay danjiraha dalka isu-tagga Imaaraadka carabta Amb. Mohamed Ahmed Othman Al Hammadi ayaa maanta kulankoodi waxaa uu ku saabsanaa adkeynta iyo soo celinta xiriirka walaaltinimo ee labada dal.
DAAWO:Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Magacaabay xubno kamid ah gollaha wasiiradda Maamulkaas
MUQDISHO-JUUN-6-6-2022-:Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa magacaabay xubno kamid ah gollaha wasiiradda Maamulkaas kadbib markii inta badan wasiiradii Koonfur galbeed ay Xildhibaano Noqdeen.
DAAWO:Dad kasoo barakacay abaaro ka jira qaar ka mid ah deegaanada dowladd goboleedka Koofur Galbeed oo gaaray Magaaladda Xudur.
MUQDISHO-JUUN-6-6-2022-:48dii saac ee lasoo dhaafay dad u badan waayeel iyo Haween caruurtooda dhabarka ku sida ayaa gaaray kaamka doonfelye oo ka mid ah kaamamka barakacayaasha ku yaala Magaalada Xuddur ee Caasimada Gobolka Bakool.
SAWIRRO:Madaxweyne Qoor-Qoor oo Magaalada Cadaado u gaaray dhisida Golle Deegaan oo Magaaladas yeelato.
DAAWO:Maxkamada darajada 1aad Ee ciidamada qalabka sida Qeybta 27aad oo maanta xukuno ku riday Askar katirsan Ciidamada Dowladda.
MUQDISHO-JUUN-6-6-2022-:Maxkamada darajada 1aad Ee ciidamada qalabka sida Qeybta 27aad ayaa maanta xukuno kala duwan kuriday Afar eedeysane oo uu xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka sida kusoo kala eedeeyay Dilal qorsheysan oo ay dad shacab ah ugeysteen iyo khalqal galin Amni .
Taliska Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga DalkA oo Maanta Magaalada Baydhabo kusoo Bandhigey Mid ka Mid Ah Kooxda Nabadiidka Argagixisada Al-shabaab
MUQDISHO-6-6-2022:Taliska Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Maanta Magaalada Baydhabo kusoo Bandhigey Cabdiraxmaan Baraka Xasan oo Magaca afgarashadiisu ay tahay(Lagooye) kaasi oo ka mid ahaa dhallinyarada fikirka qaldan ugu dagaalamayay kooxda isla markaana hada isaga soo baxsaday kooxda Al shabaab markii uu ogaaday in aysan u dagaalameyn wax diin la xariira.
SAWIRRO:Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo maanta la kulmay safiirka Wadanka Libya.
MUQDISHO-JUUN-6-6-2022-:Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumada Federaalka Soomaliya Abdirahmaan Ducaale Beyle ayaa maanta la kulmay safiirka wadanka Libya Yusuf Katim Al Kaylaani iyo Cali Madkuur Maxamed ahna uqaabilsanaha dhinaca Maaliyadda Safaarada Libya.
