Home Blog Page 58

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb-galay casho-sharaf uu u sameeyay Madaxweynaha Galmudug

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay ka qeybgalay xaflad casho-sharaf ah oo ka dhacday xarunta madaxtooyada Galmudug.

Xafladdan waxaa soo qabanqaabiyay Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, isagoo ku martiqaaday wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee safar shaqo ku jooga caasimadda Galmudug, Dhuusamareeb.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddadii uu halkaasi ku sugnaa xarigga ka jaray mashaariic horumarineed, isagoo sidoo kale xusay in Galmudug ay mareyso meel wanaagsan oo tusaale u noqon karta Dowlad-goboleedyada kale ee dalka.

Munaasabadda casho-sharafta ah waxaa kale oo ka qeybgalay xubno ka tirsan labada Aqal ee Dowladda Federaalka iyo maamulka Galmudug.

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray Xarummo muhiim u ah Galmudug 

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta xarigga ka jaray xarummo muhiim ah oo laga hirgeliyey caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, kuwaas oo qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo dowlad-dhiska iyo adeegyada bulshada.

Madaxweynaha ayaa ugu horreyn xarigga ka jaray Xarunta cusub ee Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka Galmudug, oo si casri ah loo dhisay, isaga oo khudbad bogaadin ah ka jeediyey Kalfadhiga 12-aad ee Golaha Wakiillada Galmudug.

“Maanta Galmudug waxa ay maraysaa meel wanaagsan oo ay tusaale ugu noqon karto Dowlad-goboleedyada kale ee dalka. Farxad bay ii tahay in aan goob joog u noqdo qorsheynta iyo fulinta mashaariicdan, kuwaas oo wax badan ka beddeli doona horumarinta iyo adkaynta maamulka Dowlad-goboleedka Galmudug”.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xarigga ka jaray Xarunta Dowladda Hoose ee degmada Dhuusamareeb oo loo qaabeeyey hannaan casri ah, taas oo bixin doonta adeegyada aas-aasiga ah, waxa uuna Madaxweynaha Jamhuuriyaddu ku ammaanay dowladda iyo shacabka Galmudug sida ay u hirgeliyeen mashaariicda loo qorsheeyey.

Ugu danbayntii, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray Xarunta Shaybaarka Tayada Dhismaha ee Jidadka, kaas oo lagu hubin doono tayada dhismayaasha iyo waddooyinka la hirgelinayo, si loo xaqiijiyo in ay waafaqaan heerarka la aqoonsan yahay.

Danjire Jibriil oo furay tartanka Lady Justice Joyce Aluoch ee lagu qabtay Jaamacadda USIU-Afrika

0

Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa lagu martiqaaday inuu furo tartanka sannadlaha ah ee Lady Justice Joyce Aluoch International Intervarsity ADR Moot, kaas oo lagu qabtay Jaamacadda United States International University,Africa (USIU,Africa), oo fadhigeedu yahay magaalada Nairobi.

Tartankan ayaa waxaa ka qaybgalaya arday ka kala socda jaamacadaha ugu waaweyn qaaradda Afrika, iyadoo sanadkan diiradda lagu saarayo xalinta khilaafaadka ganacsiga furan iyo murannada xuduudeed ee dalalka Afrika.

Danjire Jibriil oo khudbad muhiim ah ka jeediyay furitaanka tartanka, ayaa ka hadlay muhiimadda uu leeyahay ganacsiga xorta ah ee Afrika, isagoo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in xal waara loo helo caqabadaha hortaagan horumarka ganacsiga qaaradda.

Xafladda furitaanka waxaa sidoo kale ka qaybgalay Professor P.L.O. Lumumba, Lady Justice Joyce Aluoch, iyo madax kale oo caan ah.

Masuuliyiin ka tirsan Hirshabelle oo kormeer dhiirrigelin ah ku tagay deegaanka Xaaji Cali

0

Masuuliyiin ka tirsan Dowlad-goboleedka Hirshabelle ayaa gaaray deegaanka Xaaji Cali ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Wafdiga waxaa hoggaaminayay Xildhibaan Geeddi Oomane oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle, Taliyaha Qeybta Booliska Hirshabelle Jeneraal Xasan Dhicisow, iyo Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Shabeellaha Dhexe, Muuse

Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay xukuumadda Hirshabelle ku garab istaagayso ciidamada deegaanka ee ka qeyb qaadanaya howlgalka xoreynta gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidanka deegaanka ee ku sugan degmada Cadalle iyo nawaaxigeeda oo safarkan lagu dhiirrigelinayay, ayaa door muuqda ku leh dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda gobolka.

Masuuliyiinta ayaa ciidamada ku boorriyay in ay laba jibaaraan dadaalkooda, iyagoo ballan qaaday in maamulka Hirshabelle iyo dowladda Federaalka ay si buuxda u garab taagan yihiin howlgalka lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta   

0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun dil ah ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa kooxaha Khawaarijta. Labadan eedaysane ayaa horey Maxkamaddu ugu ridday xukun dil toogasho ah.

Xubnahan la toogtay ayaa kala ah:

Saleebaan Xuseen Nuur Cali, oo loo yaqaanay Cali iyo Siyaaf.

Cabdqaadir Abuukar Axmed, oo magacyada Afgarashada lagu yaqaanay Nasru-diin iyo Saabir

Labada xubin ayaa lagu fuliyay xukunka dilka toogashada ah, kadib markii lagu helay dambiyo la xiriira dilal ay ka fuliyeen caasimadda Muqdisho. Maxkamadda Ciidamada ayaa xukunkooda ku saleysay caddeymo buuxa oo laga helay falalkii amni-darro ee ay horey u geysteen.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu soo dhaweeyey Dhuusamareeb

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay wehelinayaan wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka ah iyo saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ayaa soo gaaray magaalada Dhuusamareeb, xarunta dowlad-goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha waxaa si diirran ugu soo dhoweeyey Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ku-xigeenkiisa Mudane Cali Daahir Ciid, guddoonka iyo xildhibaannada Golaha Wakiillada Galmudug, bulshada iyo odayaasha dhaqanka.

Inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kulammo la yeelan doona madaxda Galmudug iyo qaybaha bulshada, isaga oo xarigga ka jari doona mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey deegaannada Galmudug.

Sidoo kale, safarka Madaxweynaha ayaa ku saleysan dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, isagoo xoogga saari doona abaabulka bulshada iyo dhiirrigelinta ciidamada naftooda u huraya xoreynta dalka.

Buur-Hakaba oo laga hirgeliyay garoon diyaaradeed

0

Degmada Buur-Hakaba ee Gobolka Baay, waxaa maanta cagadhigatey Diyaaradaha ugu horeysey oo kuwa xamuulka qaada ah, Kadib markii dhawaan la soo gabagabeeyey Dhismaha garoon diyaaradeed oo kiddo halkaas ka socday.

Duulimaadyada Diyaaradaha ayaa si aad ah baahi weyn ay uqa qabeen bulshada Degmada waana mid fududeyn Doonta Safarada Duulimaadyada Degmada Buur-hakaba.

Shacabka degmada ayaa si aad ah u soo dhoweeyay una bogaadiyay tallaabadan horumarka leh ee degmadu ay ku yeelatay garoon diyaaradeed oo basho weyn u qabeen Bulshada deegaanka.

Ra’iisul wasaare 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚” 𝐈𝐬𝐥𝐚-𝐱𝐢𝐬𝐚𝐚𝐛𝐭𝐚𝐧𝐤𝐮 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐮𝐮 𝐧𝐨𝐪𝐨𝐧 𝐝𝐨𝐨𝐧𝐚 𝐬𝐢𝐟𝐨 𝐬𝐚𝐥𝐝𝐡𝐢𝐠 𝐮 𝐧𝐨𝐪𝐨𝐭𝐚 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚”

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ku guda jira barnaamijka la-xisaabtanka Xukuumaddiisa, ayaa maanta su’aallo ka weydiiyey wasaaradaha kala ah, Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta, Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Amniga Gudaha, Gaashaandhigga, Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada, isaga oo dul istaagay waxyaabaha uga hirgalay qorshaha wax-qabadka sannadlaha ah ee Xukuumadda.

Isla-xisaabtankan ayaa diirradda saaraya mideynta dadaalka dowladda, taasi oo xoojinaysa kalsoonida shacabka ay ku qabaan hay’adaha dawladda, maadama Qorshaha Xukuumadda uu yahay mid ka jawaabaya baahiyaha shacabka, isla markaana horseed u noqonaya dowlad-wanaag.

Wasaaradahan ayaa sanadkan hirgeliyey waxqabadyo muuqda, oo ay ka mid yihiin xoojinta nidaamka Federaalka, dib-u-heshiisiinta bulshada, iskaashiga caalamiga ah iyo difaaca danaha Qaranka, adkeynta amniga gudaha iyo tayeynta ciidamada qalabka sida, dib-u-xoreynta, iyo horumarinta adeegyada cadaaladda iyo dib-u-eegista dastuurka dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay joogtaynayso isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta ayna noqon doonto sifo saldhig u noqota hirgalinta qorshayaasha dowladda.

Wasaaradda gaashaandhigga oo soo dhoweysay saraakiil ka socota Ingiriiska

0

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda gaashaandhigga mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay wafdi ka socday Wasaaradda Gaashaandhigga Boqortooyada Ingiriiska oo uu hoggaaminayay Korneel Richard Grover.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimo farsamo iyo hawlaha wada-shaqeynta maamul ee labada wasaaradood, gaar ahaan sidii loo dardar-gelin lahaa dhinacyada maamulka iyo taageerada tababarrada shaqaalaha.

Wasiir Fiqi oo kormeeraya furimaha dagaalka Shabeellaha dhexe

0

Wasiirka gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallim Fiqi oo ku guda jira booqashadiisa furimaha hore ee dagaalka, ayaa maanta tegay deegaanka Raaga-Ceelle ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Wasiir Fiqi ayaa kulan xogwareysi ah la qaatay hoggaanka ciidanka qaranka iyo bulshada ee ku sugan halkaas, isaga oo bogaadiyay geesinimada iyo adkaysiga ay muujiyeen ciidamada inta uu socday dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab.

Wasiirka gaashaandhigga ayaa ku celiyay sida ay Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ugu mideysan yihiin taageerada iyo garab istaagga ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka, isagoo ku ammaanay guulaha ay ka gaareen cadawga, wuxuuna xusay in taageerada shacabka iyo dadaalka ciidamada ay horseedi doonaan in Soomaaliya ku guulaysato dagaalka Khawaarijta.