Home Blog Page 58

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku hoggaaminaysa xal u helidda qalalaasaha Bariga Dhexe.

0

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Xamse Aadan, ayaa sheegay in Soomaaliya ay hoggaaminayso dadaallada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay si xal waara loogu helo qalalaasaha ka taagan Bariga Dhexe.

Hadalkan ayaa muujinaya doorka sii kordhaya ee Soomaaliya ku leedahay masraxa diblomaasiyadda caalamiga ah, gaar ahaan xilligan ay xubin ka tahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Hoggaaminta Soomaaliya ee dadaalladan waxay ka tarjumaysaa kalsoonida ay beesha caalamku ku qabto mowqifka iyo aragtida dowladda Soomaaliya ee ku saleysan nabadda, wada-hadalka, iyo xallinta khilaafaadka si siyaasadeed.

Soomaaliya, oo leh waayo-aragnimo dheer oo la xiriirta ka soo kabashada colaado iyo qalalaase, ayaa Golaha Ammaanka la wadaagaysa casharro muhiim ah oo ku saabsan dib-u-heshiisiinta, ilaalinta rayidka, iyo muhiimadda ay leedahay in xalalka lagu saleeyo wada-hadal iyo is-afgarad. Tani waxay siinaysaa Soomaaliya fursad ay codkeeda ugu muujiso mowqif dhexdhexaad ah oo ku saleysan sharciga caalamiga ah iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Aragti ahaan, doorka hoggaamineed ee Soomaaliya ee arrintan wuxuu sare u qaadi karaa sumcadda dalka ee caalamka, wuxuuna xoojin karaa xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay dalalka Bariga Dhexe iyo kuwa kale ee xubnaha ka ah Golaha Ammaanka. Sidoo kale, waxa uu fursad u yahay in Soomaaliya ay door muuqda ka qaadato dadaallada nabadeynta caalamka, iyadoo muujinaysa inay ka gudubtay marxaladdii ku koobnayd arrimaha gudaha oo keliya.

Gebogebadii, hadalka Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda wuxuu astaan u yahay isbeddel istaraatiiji ah oo ku aaddan siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, taas oo ku wajahan kaalin firfircoon, masuuliyad leh, kana tarjumaysa danaha qaranka iyo nabadda caalamiga ah.

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

0

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sii wada howlgal qorsheysan oo ka dhan ah maleeshiyaadka Khawaarijta, iyagoo ku baacsanaya dhulka howdka ah ee ku yaalla deegaanno ka tirsan dalka. Howlgalka ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah loogana sifeynayo goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan.

Howlgalka ayaa lagu beegsaday saldhigyo iyo meelaha ay isku uruursadaan Khawaarijta, waxaana ciidamada ay guulo la taaban karo ka gaareen, iyadoo la burburiyay goobo ay cadowgu u adeegsan jireen abaabul iyo dhagarro. Sidoo kale, ciidamadu waxay xaqiijiyeen ammaanka deegaannada la xoreeyay, si ay shacabka ugu noolaadaan nabad iyo xasillooni.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa sheegay in baacsigu sii socon doono ilaa gebi ahaanba laga ciribtirayo Khawaarijta, ayna ka goโ€™an tahay in la sugo amniga guud ee dalka iyo badqabka muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Shacabka ku nool deegaannada ay howlgalladu ka socdaan ayaa lagu wargeliyay inay la shaqeeyaan ciidamada, isla markaana ay ka fogaadaan goobaha ay hawlgalladu ka socdaan, si loo ilaaliyo badqabka guud.

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

0

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan muhiim ah ka yeelatay xaqiijinta adeeg hufan oo loo qabto shacabka Soomaaliyeed, iyadoo la raacayo hiigsiga fog iyo qorshaha istaraatiijiyadeed ee Wasaaradda.

Kulanka waxaa shir-guddoominayey Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Mudane Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux, waxaana ku weheliyey Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda iyo Agaasimaha Guud. Sidoo kale, kulanka waxaa ka soo qaybgalay dhammaan Agaasime-waaxeedyada kala duwan ee Wasaaradda.

Ujeeddada ugu weyn ee kulanka ayaa ahaa:

1′ Xaqiijinta adeeg hufan oo tayo leh oo loo qabto shacabka Soomaaliyeed.

2′ Xoojinta xiriirka shaqo ee u dhexeeya hoggaanka sare iyo Agaasime-waaxeedyada Wasaaradda.

Intii uu kulanku socday, Wasiirku waxa uu warbixin dhammaystiran ka dhegeystay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cumar Cali Afrax, kaas oo si faahfaahsan u soo bandhigay:

1′ Habsami u socodka hawlaha maalinlaha ah ee Wasaaradda.

2′ Qorshaha casriyeynta iyo dib-u-dhiska xarunta Wasaaradda.

3′ Istaraatiijiyadda fog ee horumarinta gaadiidka iyo duulista hawada dalka.

Wasiir Maxamed Faarax Nuux ayaa ku bogaadiyey Agaasimaha Guud iyo dhammaan madaxda waaxyada dadaalka iyo shaqada adag ee ay u hayaan qaranka. Waxa uu Agaasime-waaxeedyada faray:

1′ In kor loo qaado tayada adeegga iyo dardargelinta hawlaha mudnaanta leh.

2′ In la dejiyo qorshe-hawleedyo iyo yoolal istaraatiijiyadeed oo la xiriira sannadka cusub ee 2026.

3′ In la xoojiyo isku-xirka iyo wada-shaqeynta waaxyada si loo gaaro natiijooyin wax ku ool ah.

Kulankan ayaa ku soo dhammaaday jawi is-afgarad iyo wada-tashi, iyadoo madaxda iyo shaqaalaha Wasaaraddu ay ballan-qaadeen inay sii xoojinayaan dadaalladooda ku aaddan horumarinta shaqada Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya.

Aqalka sare oo Ansixiyay sharciga daawada iyo agabka caafimaadka.

0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Mariam Hussein, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka iyo Hayโ€™adda Daawada, ayaa goob-joog ka ahaa ansixinta Sharciga Daawada iyo Agabka Caafimaadka Soomaaliyeed oo maanta ka dhacday Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Fadhiga Golaha oo uu Shir-guddoominayay Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad ee Golaha Aqalka Sare, Senator Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde), kaas oo si rasmi ah u furay kalfadhiga ayadoona uu kooramka ku xadir ahayeen 28 Xubnood, intaa kadib, Guddoomiyaha Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Aqalka Sare, Sen. Prof. Dr. Osman Dufle, ayaa Golaha ka jeediyay Akhrinta Saddexaad ee hindise-sharciyeedka, si ay Senatoradu ugu codeeyaan ansixintiisa, ayadoona uu sharcigani waxa uu laf-dhabar u yahay horumarinta iyo tayeynta nidaamka caafimaadka Dalkeena.

Kadib, Guddoomiye Ku-Xigeenka oo Shir-guddoominayay ayaa codsaday in cod loo qaado sharciga, waxaana ogolaaday 27 Senator, halka hal Senator uu ka gaabsaday, intaa kadib ayuu ku dhawaaqay natijada rasmi ah isagoo sheegay in Aqalka Sare ay cod aqlabiyad ah ku ansxiyeen Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Hayโ€™adda Daawada iyo Agabka Caafimaadka Soomaaliyeed.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Maryama Mohamed Hussein, oo Golaha ka jeedisay hadal qiima leh iyaddo marka hore mahadcelisay Golaha Aqalkan Sare, dhanka kalana sheegatay in maanta ay thay maalin taariikhi ah oo u soo hoyatay bahda Caafimaadka Soomaaliya, sidookalena carrabka ku adkaysay in sharcigani door weyn ka qaadan doono maamulida, hubinta tayada iyo helitaanka daawo waxtar u leh bulshada.

Sidookale, Dr. Maryama ayaa cadaysay in Sharcinagan uu si wax ku ool ah uga hortagi doono daawooyinka been-abuurka ah iyo kuwa tayadoodu liidato, iyadoo la gilin doono hanaanka caalamiga ah ee xakameynta dawooyinka khatart ku ah caafimaadka bulshada.

Ugu danbeyntii Wasiiru Dowlaha ayaa si gaar ah ugu mahadcelisay Guddoonka iyo Senatorada ee ansixiyay sharcigan muhiimka ah, iyada oo ku nuuxnuuxsatay in Wasaaradda Caafimaadku ay ka goโ€™an tahay hirgelinta sharcigan si loo xaqiijiyo danaha caafimaad ee bulshada Soomaaliyeed.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay qaar ka mid ah hoggaanka Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed

0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Cilmi ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay qaar ka mid ah hoggaanka Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha la xiriira ka hortagga khilaafaadka horseeda colaadaha sokeeye iyo xoojinta dedaallada dib-u-heshiisiinta ee lagu xallinayo colaadaha beelaha ee ka jira qaybo ka mid ah dalka, si loo adkeeyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed iyo dowladnimada.

Sidoo kale, waxaa kulanka si gaar ah looga hadlay doorka muhiimka ah ee ay odayaasha dhaqanku ku leeyihiin ilaalinta midnimada, madaxbannaanida dalka, xoojinta nabadda iyo ka hortagga faragelinta shisheeye, iyada oo la adkeynayo iskaashiga u dhexeeya hoggaanka dhaqanka iyo Wasaaradda.

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeedayaa kulan la qaatay Madaxa Hayโ€™adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ee Soomaaliya

0

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulan la qaatay Madaxa Hayโ€™adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ee Soomaaliya Peterschmitt Etienne iyo wafdi uu hoggaaminayay.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Koonfur Galbeed iyo Hayโ€™adda FAO, gaar ahaan dhinacyada horumarinta beeraha, sugnaanta cunnada, la tacaalidda saameynta isbeddelka cimilada, iyo taageerada beeraleyda ku dhaqan deegaannada Koonfur Galbeed iyo sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka abaaruhu saameyeen.

Madaxweyne Laftagareen ayaa uga mahadceliyay Hayโ€™adda FAO doorka ay ka qaadato taageerada horumarinta wax-soo-saarka beeraha iyo adkaynta nolosha bulshada, isaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga wadajirka ah.

Madaxa Hayโ€™adda FAO ee Soomaaliya ayaa bogaadiyay dadaallada Dowladda Koonfur Galbeed ee horumarinta beeraha iyo sugnaanta cunnada, wuxuuna ballanqaaday in Hayโ€™addu sii wadi doonto taageerada ay siiso bulshada ku nool deegaannada Koonfur Galbeed.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa Muqdisho ku soo dhaweeyey wafdi ballaaran

0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Dhucle ayaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magalaada Muqdisho ku soo dhaweeyey wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Gaadiidka iyo Kaabayaasha ee Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Turkiga Mudane DurmuลŸ รœnรผvar.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda ayaa uga mahadceliyey Wasiirka booqashadiisa uu ku yimid dalka, isagoo tilmaamay muhiimadda ay u leedahay xoojinta xiriirka labada dal ee kor u qaadista iskaashiga kaabayaasha dekadaha iyo horumarinta adeegyada istaraatiijiga ah ee badda.

Inta ay wafdigu ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho, waxay ay kulamo rasmi ah la yeelan doonaan madaxda sare ee Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya, kuwaas oo diiradda lagu saari doono xoojinta iskaashiga, iyo horumarinta wax wada qabsiga la xiriira kaabayaasha dhaqaalaha.

Ciidamada xooga dalka ayaa si buuxda ula wareegay jabad -godane

0

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa si buuxda ula wareegay deegaanka Jabad-godane ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib howlgallo culus oo ka socday saacadihii lasoo dhaafay.

Ciidamada ayaa weli aagaas ka wada howlgallo ay ku baacsanayaan firxadka Khawaarijta, waxaana dhulka howdka ah daadsan meydadka maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha looga dilay howl

 

Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Turkiga

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Muqdisho ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Jamhuuriyadda Turkiga, kuwaas oo u yimid wadahadallo heer sare ah oo lagu xoojinayo xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal.

Intii uu socday kulanka, Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan ilaalinta midnimada, madaxbannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee dalka, isagoo sidoo kale xusay doorka muuqda ee Turkigu ka qaato taageeridda Soomaaliya fagaarayaasha caalamiga ah, oo ay ku jirto Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Kulanka waxaa ka qeyb galay Mudane Cali Onaner, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, iyo Mudane Alper AktaลŸ. Safirka Turkiye u fadhiyo somalia. Labada dhinac ayaa isla qaatay in la sii amba-qaado wadatashiyada joogtada ah iyo iskaashiga ku aaddan dhinacyada mudnaanta u leh labada dal, si loo sii xoojiyo xiriirka istaraatiijiyadeed ee Soomaaliya iyo Turkiga.

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š, ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ ๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐๐ก๐ข๐ฌ๐š๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ฑ๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐๐ก๐ž๐ฑ๐ž ๐ž๐ž ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š

0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo laga hirgelin doono dhisme casri ah oo beddelaya xaruntii qadiimiga ahayd ee la dhisay sanadkii 1980, ujeedkana yahay in dhismaha cusub daboolo baahiyaha iyo waajibaadka wasaaradda.

Raโ€™iisul Wasaaraha, ayaa xusay in tallaabadani ay ka mid tahay siyaasadda Xukuumadda DanQaran ee lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha dalka, laguna xoojinayo hayโ€™adaha dowliga ah, isaga oo tilmaamay in dhisamahan uu qeyb weyn ka qaadanayo fududeynta howlaha shaqo ee wasaaraddani ay u hayso bulshada Soomaaliyeed ayna yarayn doonto culayskii ka jiray dhanka xafiisyada iyo rugaha shaqada ee wasaaradda.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyadda ay tahay halbowlaha dhaqaalaha iyo horumarka dalka, wuxuunna bogaadiyay dadaalka Wasiirka Mudane Biixi Iimaan Cige iyo bahda wasaaradda ee ku aaddan casriyeynta iyo dib-u-habaynta kaabeyaasha dakhliga dalka.

โ€œWaxa aan ku faraxsanahay in maanta aynu dhagax-dhigayno xarun dhexe oo weyn oo badqabkeeda iyo tayadeda la hubiyey si fiicaanna loo qalabeeyay, dhisamahan marka uu dhammaado waxa aad yeellan doontaan xafiisyo ay ku howlgali doonaan dhammaan shaqaalaha iyo madaxda wasaaradda, waanna idiinku hambalyeynaya tallaabada wanaagsan ee aad u qaadeen dhanka tayeynta adeeggaโ€. Ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa diyaarisay naqshad casri ah oo ka tarjumaysa xafiisyada la dhisi doono iyo sida loo hubiyey badqabka deegaanka iyo korontada, waxaanna ka qeyb qaadanaya dhisamaha xarunta cusub Bangiga Horumarinta Afrika, oo door muhiim ah ka qaadata horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha dalkeenna.