Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

Date:

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan muhiim ah ka yeelatay xaqiijinta adeeg hufan oo loo qabto shacabka Soomaaliyeed, iyadoo la raacayo hiigsiga fog iyo qorshaha istaraatiijiyadeed ee Wasaaradda.

Kulanka waxaa shir-guddoominayey Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Mudane Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux, waxaana ku weheliyey Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda iyo Agaasimaha Guud. Sidoo kale, kulanka waxaa ka soo qaybgalay dhammaan Agaasime-waaxeedyada kala duwan ee Wasaaradda.

Ujeeddada ugu weyn ee kulanka ayaa ahaa:

1′ Xaqiijinta adeeg hufan oo tayo leh oo loo qabto shacabka Soomaaliyeed.

2′ Xoojinta xiriirka shaqo ee u dhexeeya hoggaanka sare iyo Agaasime-waaxeedyada Wasaaradda.

Intii uu kulanku socday, Wasiirku waxa uu warbixin dhammaystiran ka dhegeystay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cumar Cali Afrax, kaas oo si faahfaahsan u soo bandhigay:

1′ Habsami u socodka hawlaha maalinlaha ah ee Wasaaradda.

2′ Qorshaha casriyeynta iyo dib-u-dhiska xarunta Wasaaradda.

3′ Istaraatiijiyadda fog ee horumarinta gaadiidka iyo duulista hawada dalka.

Wasiir Maxamed Faarax Nuux ayaa ku bogaadiyey Agaasimaha Guud iyo dhammaan madaxda waaxyada dadaalka iyo shaqada adag ee ay u hayaan qaranka. Waxa uu Agaasime-waaxeedyada faray:

1′ In kor loo qaado tayada adeegga iyo dardargelinta hawlaha mudnaanta leh.

2′ In la dejiyo qorshe-hawleedyo iyo yoolal istaraatiijiyadeed oo la xiriira sannadka cusub ee 2026.

3′ In la xoojiyo isku-xirka iyo wada-shaqeynta waaxyada si loo gaaro natiijooyin wax ku ool ah.

Kulankan ayaa ku soo dhammaaday jawi is-afgarad iyo wada-tashi, iyadoo madaxda iyo shaqaalaha Wasaaraddu ay ballan-qaadeen inay sii xoojinayaan dadaalladooda ku aaddan horumarinta shaqada Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...