Home Blog Page 57

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo kulan la qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dhabi Ports Group

0

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameerico), iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa magaalada Abu Dhabi kulan miro-dhal ah kula yeeshay Madaxa Fulinta ee shirkadda Abu Dhabi Ports Group u qaabilsan Qaaradda Afrika, Mudane Mohamed Eidha Almemhali.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray hal-abuurka casriga ah ee dekedaha, xoojinta wax-soo-saarka, iyo horumarinta istaraatiijiyadda mustaqbalka fog ee waddooyinka ganacsiga.

Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameerico) ayaa sheegay in kulankan uu astaan u yahay tallaabo muhiim ah oo horay loo qaaday dhanka hirgelinta iyo dhismaha deked casri ah oo cusub oo Muqdisho laga hirgeliyo, taas oo si weyn uga qeyb qaadan doonta kobaca dhaqaalaha dalka, horumarinta ganacsiga gobolka, iyo xaqiijinta horumar waara.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo maanta qaatay Kaarka Codbixinta Doorashada

0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta ka qaatay kaarka codbixinta doorashada Dowladaha Hoose Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Guddiga Madax-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Xildhibaan Cismaan Xaadoole, Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Guddoomiyaha Degmada Kaaraan, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan hay’adaha dowladda.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay doorashadu u leedahay xoojinta hannaanka dimuqraadiyadeed iyo xaqiijinta ka-qaybgalka shacabka, isaga oo muwaadiniinta ugu baaqay inay si buuxda uga qaybqaataan geeddi-socodka doorashada, ayna si xor ah u dhiibtaan codkooda.

Sidoo kale, waxa uu ammaanay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, hoggaamintiisa ku aaddan hirgelinta doorashooyin ku dhisan ka-qaybgal ballaaran, kuwaas oo ka duwan nidaamyadii hore ee xaddidayay codka shacabka.

Dhankiisa kale, Dr. Muungaab ayaa sheegay in xaaladda amni ee caasimadda ay tahay mid deggan, isla markaana hay’adaha ammaanku ay si buuxda u gudanayaan waajibaadkooda. Waxa uu xusay in horumar la taaban karo laga sameeyay sugidda amniga guud, isaga oo tilmaamay in ay jiraan dano gaar ah oo doonaya in magaaladu dib ugu laabato marxaladihii cakirnaa ee hore, sida dilal, qaraxyo iyo qalalaase amni.

Ugu dambayn, Duqa Magaalada Muqdisho ayaa bulshada caasimadda ugu baaqay inay kaalin mug leh ka qaataan ilaalinta nabadda iyo xasilloonida, isla markaana ay iska kaashadaan horumarinta nidaamka doorashooyinka iyo dowlad-wanaagga.

Madaxweynaha JFS oo ka tacsiyeeyey geerida Madaxweynihii hore ee Puntland

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, bulshada Puntland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, kaddib geerida naxdinta leh ee ku timid Madaxweynihii hore ee Puntland, Marxuum Jaamac Cali Jaamac.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuumku uu ka mid ahaa haldoorka Soomaaliyeed ee door muuqda ka soo qaatay horumarinta dowladnimada iyo adkeynta midnimada qaranka, isagoo xusay in uu si weyn uga soo shaqeeyey dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dib-u-heshiisiinta, taas oo muujinaysa kaalinta uu ku lahaa dhismaha iyo xoojinta qarannimada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Alle uga baryey Marxuum Jaamac Cali Jaamac inuu ku gallado Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa, iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖asaaraha XFS 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐬𝐫𝐚𝐱𝐚 𝐏𝐫𝐨𝐟. 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐢𝐢𝐟 𝐒𝐚𝐚𝐥𝐚𝐱 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐔𝐦𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Caawa ka qeyb galay munaasabad xarigga looga jarayey Masraxa Prof. Shariif Saalax Maxamed Cali, ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in furitaanka masraxa cusub uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo horumarinta waxbarashada, dhaqanka, fanka iyo cilmi-baarista, isla markaana uu dhiirrigelinayo hal-abuurka iyo doorka ay jaamacaduhu ku leeyihiin kobcinta aqoonta iyo wacyigelinta Bulshada.

“Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waa hoggaamiye, Waxaa ay hoggaamisaa Tacliinta sare ee dalka, Waxaana rajeynayaa in ay noqoto hoggaamiye wanaagsan, si ay booskaas u buuxisana waxaan ku dadaali doonaa in aan hormarinno”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Bulshada Soomaaliyeed la wadaagay in Sanadka soo aaddan ee 2026 ay dalka ka bilaaban doonto qodista iyo soo saarista Shidaalka taas oo wax weyn ka badali doonta nolosha dadka Soomaaliyeed.

Munaasabadda Xarigjarka Masraxa oo loogu magac daray Guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Ummadda sidoo kalena ka mid ahaa guddigii qorista Farta Soomaaliga Prof. Shariif Saalax Maxamed Cali waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, maamulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, aqoonyahanno, arday, iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha JFS oo qaatay Kaarka codbixinta ee Doorashada Golaha Deegaanka

0

Madaxweynaha Jamhuuridda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u qaatay Kaarka codbixinta ee Dooraahada Golaha Deegaanka ee Degmooyinka Gobka Babaadir.

“Waa fursad taariikhi ah in 57 sanno ka dib ay shacabka Soomaaliyeed fursad u heli doonaan inay si toos ah u doortaan dadka ku matali doona Golaha Deegaanka. In dadka Soomaaliyeed ay si xor ah oo toos ah wax u doortaan ma ahan ajande gaar ah ee waa waajib dastuuri ah oo ay Dowladdu fulinayso,” ayuu yiri madaxaeynaha.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay jirtay maalin isaga iyo rag badan oo saaxiibadiisa oo siyaaaiyiin ah dadka Soomaaliyeed inta soo hor istaagaan ay balan qaadeen in mas’uuliyiinta ka talinaya aayahooda iyo mustaqbalkooda ay gacantooda ku dooran doonaan oo iyagu go’aan ka gaari doonaan.

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Ballan-qaadkaas uu maalintaas sameeyay ayay tani u tahay tallaabadii u horeysay ee xaqiijinaysay.

Ra’iisul Wasaasare kuxigeenka Dalka oo saaka qaatay Kaarka Cod-bixinta Doorashada

0

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta qaatay Kaarka Cod-bxinta ee Gudigga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka, xilli dhawaan la filayo in bulshada Caasimadda ay u dareeraan Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka.

Mudane Saalax Axmed Jaamac oo horay iskaga diiwaan galiyay Degmada Hodan ee Gobalka Banaadir ayaa Saakana isla Degmadaas ka qaatay Kaarkiisa isaga oo Bogaadiyay Hanaanka shaqo ee Gudigga Doorashooyinka.

“Tani waa guul taariikhi ah oo dadka Soomaaliyeed u horseedi doonta in 56 Sanno kadib ay awood u yeeshaan go,aan ka gaarista Mustqbalkooda, In aad doorato Wakiilkaaga kugu matalaya siyaasadda Waxa ay kuu Fududeen doontaa inaad si fudud ula xisaabtanto”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeen Saalax ayaa xusay sida ay Xukuumadda DanQaran uga go,antahay in Dadka Soomaaliyeed loo celiyo Awoodda. Doorashada Golaha Deegaanka ee Magaalada Caasimada ah ayaa qorshuhu yahay in ay dhawaan bilaabato.

Dhanka kale Raisulwasaare ku xigeenka ayaa xalay waqti la qaatay, qaar ka mid ah bulshada caasimadda, isaga oo ku dhiirri galiyay in ay kaarka qaataan.

Wasiirka beeraha iyo wasiirka shaqada iyo shaqaalaha ayaa kormeer ku tegay degmada Hawlwadaag oo ay ka socoto kaar qaybinta

0

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Xil. Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), iyo Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Prof. Saalim Caliyow Ibroow, ayaa maanta Kormeer ku tagay Degmada Howl-wadaag.

Wasiirada iyo wafdiga ay hogaaminaayeen ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay degmada Guddoomiyaha Degmada Howl-wadaag, Mudane Bashiir Cabdi Maxamed iyo maamulka degmada, halkaas oo ka dhacay kulan muhiim ah oo lagula hadlay bulshada, gaar ahaan dhalinyarada.

Intii uu socday kulanka, Wasiirradda waxay dhalinyarada ku boorriyeen inay qaataan kaarka codbixinta, iyagoo xusay in mustaqbalka horumarka iyo go’aan-qaadashada degmada ay si toos ah ugu xiran tahay ka qaybgalka shacabka iyo codkooda.

Sidoo kale, Wasiirrada waxay tilmaameen in la fududeyn doono habraaca qaadashada kaarka bulshada, si muwaadiniinta si habsami leh ugu helaan adeegyada ay xaqa u leeyihiin, isla markaana ay uga qayb qaataan hanaanka doorasho ee hufan.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaalada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xoojinayo ka qaybgalka bulshada, wacyigelinta muwaadiniinta iyo hirgelinta nidaamyo caddaalad ah oo ay bulshadu codku leedahay.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka XFS oo xalay la caweeyey bulshadda, kuna boorriyay ka qeybgalka doorashada

0

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xalay la kulmay bulsho ka kala timid degmooyinka Magaalada Muqdisho, isaga oo kala hadlay muhiimadda ay leedahay ka qeybgalka doorashada loo madlan yahay inay ka qabsoonto caasimadda 25-ka bishan.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa bulshada ku boorriyay inay qaataan kaarka codaynta, si ay si buuxda uga qeyb qaataan doorashada, una gutaan waajibaadkooda muwaadinimo, isagoo xusay in dowladdu ka go’an tahay xaqiijinta doorasho xor iyo xalaal ah oo ku dhacda jawi ammaan ah.

Dhankooda, shacabka la kulmay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa uga mahad celiyay dowladda hawlaha la xiriira diyaarinta doorashooyinka iyo sugidda amniga Magaalada Muqdisho, iyagoo muujiyay kalsooni iyo taageero ay u hayaan dadaallada socda.

Kulanka Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS waxaa qeyb ka ahaa Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf (Al-Cadaala) iyo masuuliyiin kale.

 

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Serbia

0

Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Isaak Mursal, ayaa kulan rasmi ah la yeeshay dhigiisa Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Serbia, Mudane Damjan Jović.

Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxaa si toos ah looga wadalay xiriirka saaxiibtinimada soo jireenka ah ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Serbia, waxaana laga hadlay xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee labadda dal.

Wadahadalladu waxaa diiradda lagu saaray arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin iskaashiga siyaasadda, horumarinta dhaqaalaha, iskaashiga farsamooyinka cusub technologiyadda casriga ah, waxbarashada, amniga, iyo kordhinta wada-shaqeynta labada dal ee fadhiyadda caalamiga ah, kuwaas oo dhammaantood horseed u noqonaya xoojinta aragtida siyaasadda arrimaha dibadda ee labada waddan.

Labada Wasiir waxay mar kale xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay dardargelinta wadatashiyada siyaasadeed ee joogtada ah, waxayna adkeeyeen muhiimada ay leedahay ilaalinta danaha wadajirka ah iyo ballanqaadyada labada dal si loo sii xoojiyo xiriirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Serbia.

Ugu dambayn, Wasiir-ku-xigeen Mursal ayaa uga mahadceliyay Dowladda Serbia soo dhoweynta diirran ee ay ku qaabileen magaalada Belgrade, isaga oo ku celiyay in Soomaaliya ay diyaar u tahay sii ballaarinta iskaashiga labada dal si ay uga faa’iidaystaan labada shacab.

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

0

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameerico) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socdayu Dalka Suudaan oo uu hoggaaminaayay Safiirka udalkaasi u fadhiya Soomaaliya Mudane Abdelrahman Khalil Ahmed (Afandi).

Wafdiga Safiirka Dowladda Suudaan u fadhiya Soomaaliya waxaa qeyb ka ahaa Maamulka sare ee Jaamacadda Al Neelain university iyo Daarusalaam oo kamid ah jaamacadaha ka howlgala dalka Suudaan, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay booqasho ku joogay Magaalada Muqdisho.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Maxamed Cali Ameeriko ayaa ka guddoomay Maamulka Jaamacadda Daaru Salaam oo sidoo kale kulankan qeyb ka ahaa deeq waxbarasho oo ay ugu talagaleen Maamulka Dekadda.

Kulanka qaabilaadda waxaa goob joog ka ahaa Maareeye ku-xigeenka Dekadda Muqdisho Mudane Ismaaciil Aw-muuse.