Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Guddiga La-dagaallanka Lacag-dhaqidda iyo Ka-hortagga Maalgelinta Argagixisada

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Guddiga Qaran ee La-dagaallanka Lacag-dhaqidda iyo Ka-hortagga Maalgelinta Argagaxisada (AML/CFT) ayaa ku adkeeyey dardar gelinta qorshaha qaran ee lagu curyaaminayo ilaha dhaqaale ee maal-geliya falalka arxan darrada ah ee khawaarijta Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab ee dhinacyada dhaqaalaha, fikirka iyo furimaha dagaalka, waxa uuna tilmaamay doorka muhiimka ah ee ganacsatada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin sidii dadka Soomaaliyeed looga dulqaadi lahaa xasuuqa, boobka iyo gumeysiga ay ku heyso argagixisadu.

Guddigan Qaran oo la aas-aasay sanadkii 2016-kii ayaa waxaa ku mideysan hay’ado dalka ee dhanka dhaqaalaha, amniga iyo garsoorka, iyadoo ay Madaxweynaha uga warbixiyeen baraarugga ganacsatada Soomaaliyeed ee ka dhanka ah argagixisada, waxa ayna tilmaameen sida ay hoos uga dhacayso baadda khawaarijtu ay ka qaadi jireen ganacsatada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku celiyey go’aankiisii ku aaddanaa ganacsatada la macaamisha argagixisada, waxa uuna sheegay in ciddii dhaqaale siisa argagixisada ay door ka qaateen qaraxyada iyo xasuuqa lagu gumaaday ardayda, hooyooyinka, waxgaradka iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee birmu-geydada ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha waxa uu faray in la dar dar geliyo qorshaha ciribtirka khataraha maaliyadeed, si dalka loogu diyaariyo in uu ka gudbo qiimaynta Hay’ada la dagaalanka Kahataraha maaliyadeed ee Bariga Dhaxe iyo Waqooyiga Afrika (MENAFATF).

Kulankan waxaa ka qeyb galay Raisul Wasaare Xamze Cabdi Barre Wasiirrada, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee, Maaliyadda, Cadaaladda, Amniga Gudaha, Ganacsiga iyo Warshadaha, Agaasimaha Guud ee Hey’adda Sirdoonkq Qaranka, Guddoomiyahq Bangiga Dhexe, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Agaasimaha Hey’adda Warbixinada Maaliyadeed (FRC).

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Tababar u furay Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka uga soo warama Gobollada Dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi...