Home Blog Page 576

DHAGEYSO:Maamulka Magaalada Buula-berde oo sheegay in ay isugu darsameen Abaaro daran iyo go’doominta ay galiyeen Magaaladaas Argagixisada Al-shabab.

MUQDISHO-JUUN18-6-2022-:Guddoomiyaha Magaalada Buulo Burte ee gobolka Hiraan mudana u go’doonsan halkaas Argagixisada Al-shabaab ayaa sheegay in xaalad adag oo dhanka Nolosha ah ay ka jirto Magaaladaas kaddib markii xoolaha intooda badan baabi’isay Abaarta, halka la waayay dallagii kasoo go’I jiray beeraha.

Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Sare oo maanta guud ahaan dalka ka bilaabanaya.

SAWIR HORE.

MUQDISHO-18-6-2022-:Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Sare ee  ay qaadeyso  wasaaradda waxbarashada  XFS  ayaa lagu waddaa in uu maanta Guud ahaan  dalka ka bilowdo marka laga reebo deegaanada maamul goboledyda  Somaliland iyo Puntland.

Madaxtooyada Galmudug Oo War Kasoo Saartay Dagaalkii Maanta Lagu Jabiyay Argagixisada Alshabaab.

War Qoraal ah oo kasoo Baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa lagu Bogaadiyay Shacabka Geesiyaasha ah ee Saaka Casharka U Dhigay Nabad diidkii soo Weeraray Baxda.
Qoraalka soo Baxay Madaxtooyada Galmudug Ayaa Lagu Yiri.
“Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ku bogaadiyay maamulka, shacabka iyo culimada degmada Baxdo, ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa qalabka sida, sida geesinimada leh oo ay saaka iskaga difaaceen weerarkii ay argagaxisadu kusoo qaaday degmada Baxdo.
Dowladda Galmudug ayaa ku ammaantay Ciidamada qalabka sida, maamulka iyo shacabka degmada Baxdo sida feejignaanta leh oo ay uga hortageen dhagar qabayaasha oo xogtooda la sii hayay, halkaasna ay kala kulmeen dharbaaxo, kagana carareen maydad gaaraya 70 oo ay kamid yihiin sedex ajaanib ah, hub iyo saanad fara badan iyo gaari ay ku diyaariyeen walxaha qarxa oo lala damacsanaa in lagu wax yeeleeyo shacabka degmada Baxdo.
Dowladda Galmudug waxa ay xaqiijinaysaa in weerarka kadib, Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa qalabka sida ay ka howlgaleen deeganada hoos taga degmada Baxdo oo ay ku baacsadeen haraadiga kooxdii argagaxisada ahaa ee weerarka soo qaaday, iyagoona halkaas ugu dhigay cashar lama ilaawaan ah.
Dowladda Galmudug waxa ay ku tilmaamtay dagaalkii saaka lagu jabiyay kooxda argagixisada, mid taariikhi ah, ayna mudantahay in geesinimada ay muujiyeen reer Baxdo in ay kaga tusaale qaataan shacabka Galmudug iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
Ugu danbeyntii, madaxweynaha Galmudug, waxa uu Eebbe uga baryey in uu caafimaad degdeg ah siiyo intii ku dhaawacantay, janadii Firdowsana ka waraabiyo intii ku shahiiday dagaalkii saaka”…

Madaxweynaha Qaranka Oo Boggaadiyay Guushii Shacabka Baxdo Ka Gaareen Argagixisadii Soo Weerartay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey shacabka deegaanka Baxdo ee Gobolka Galguduud sida naf-hurnimada leh oo ay isaga difaaceen argagixisada Alshabaab oo saaka weerar bahalnimo ah ku soo qaaday deegaankaas.

.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in khasaaraha xooggan ee Bulshada Baxdo iyo Ciidanka Xoogga Dalka ay gaarsiiyeen argagixisada soo weerartay ay muujinayso sida Shacabka Soomaaliyeed ay uga go’an tahay in si geesinimo iyo nafhurnimo leh iskaga dulqaadaan dhibaatada argagixisadu ay ku hayaan.

“Reer Baxdo, waxaad saaka cashar lama ilaawaan ah u dhigteen argagixisada idin soo weerartay. Waxaad dirteen farriin xambaarsan geesinimo oo muujinaysa in ay gabaabsi marayaan maalmihii argagixisda ku dhuumaaleysanayeen gudaha dalkeenna, si ay u dhibaateeyaan dadkeenna birma-geeydada ah.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle Jannatul Firdowsa uga baryey muwaadiniintii ku shahiiday weerarkan iyagoo difaacaya dhulkooda iyo dadkooda, sidoo kalena waxa uu caafimaad degdeg ah u rajeeyey dadka deegaanka ee ay waxyeeladu soo gaartay.

Ergayga Gaarka ah Ee Madaxweynaha U Qaabilsan Gurmadka Abaaraha Oo La Kulmay Danjiraha Canada.

0

Xubnaha safaaradda Kanada oo uu hoggaaminaayay xoghaya koowaad ee safaaradda ayaa warbixin ka siiyay Ergayga howlaha horumarinta iyo gargaarka isugu jira ee ay ku taageeraan Soomaaliya. Ergeyga oo dhankiisa uga mahadceliyay dowladda Kanada sida ay u garab qabanayaan Soomaaliya isaga oo ka duulaya ahaanshiyaha Kanada ee deeqbixiyaha afaraad ee dhaqaalaha ugu badan ugu deeqay Soomaaliya guga 2022.

Ergeyga ayaa marka laga tago kordhinta deeqda kala hadlay haddii qeyb ka mid ah dhaqaalaha horumarinta loo weecin karo howlaha gargaarka bini’aadannimo iyo abaaraha iyaga oo intaas ka dib ka wada hadley siyaalaha kala duwan ee ay Safaaraddu gacan uga geysan karto sare u qaadidda wacyiga iyo muujinta sawirada dhabta ah ee heerka Abaarta iyo sidoo kale saameynta guud ee Kanada ku yeelan karto hayadaha iyo waddama laga filan karo in ay gacan ka geystaan Abaarta.
Dhammaad

Ciidamada Galmudug iyo dadka deegaanka Baxdo oo waxyeello Culus u geystay Al-Shabaab

Wararka ka imaanaya magaaladda Baxdo ayaa sheegaya in dadka deegaanka iyo ciidamada maamulka Galmudug ay iska caabiyay weerar ay kooxda argagixisada Al-shabaab ku soo qaadeen dadka deegaankaasi.

In ka badan 16 maleeshiyaad ah oo ka mid ah kuwii soo qaaday ama soo weeraray deegaanka Baxdo ayaa lagu soo warmaya in lagu dilay halkaasi ,iyadoo kooxdaasi la tilmaamay in ay fursad u waateen in ay qaataan meydadkooda .

wararka ayaa inta ku daray in ay jiraan dhawacayo soo gaaray dadka deegaanka ,inkastoo aan la cadeyn tiradooda.

Ma ahan markii koobaad ee kooxaha argagixisada ay soo weeraraan deegaanka Baxdo, waxeyna mar walba iska caabin kala kulmaan dadka deegaanka iyo culimada Ahlu sunna oo halkaas ku leh madaaris waaweyn oo lagu aqristo duruusta iyo kitaabada diiniga ah.

R/W Xamse oo khadka teleefonka kula hadlay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida.

0

Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban Mudane Xamse Cabdi Barre oo khadka telefonka kula hadlay Madaxweyneynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafa Maxamed Cagjar ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo xaaladda dalka ku saabsan, isagoo ka guddoomay Hambalyo ku aadan magacaabistiisa.

Qoraal kooban oo uu Mudane Xamse Cabdi Barre ku daabacay bogiisa ayaa u qornaa sidan.

“Waxaan qadka telefoonka kula hadlay Madaxweynaha dowlad deeganka Soomaalida Itoobiya Mudane Mustafa Maxamed Cagjar isaga oo igu hambalyeeyay Xilka la ii magacabay.

Madaxweynaha waxaan ka wada hadalnay xaaladda Soomaalida dowlad deeganka Itoobiya iyo sida ay dowladda Soomaaliya ugu gaabisay mashaaricda Hormarinta Soomaalida kunool Jigjiga, Madaxweynaha Waxaan la wadagay in dowladda cusub ay garab tagan tahay walaalaheed JIGJIGA.

Ugu Dambeyntii waxaan ku heshiinay sidii Soomaalida Deegaanka u yahay Itoobiya ay qeyb ugu noqon lahaayeen Dowlad dhiska Soomaaliya.

Soomaali heshiisa, dunidane la heshiisa”.

Ergayga gaarka ah ee arrimaha Beni-aadannimada oo daahfuray barnaamijka Gurmadka Deg-degga ah…

0

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan gurmadka abaaraha ayaa maanta daah furay Barnaamijka Gurmadka Degdega ah ee looga jawaabayo abaaraha dalka ka taagan.

Barnaamijka oo ay iska kaashadeen Hay’adaha Qaramada Midoobay ee IOM, WFP iyo UNICEF ayey maalgelisay Dawlada Ingiriiska.

Ergayga ayaa munaasabadii furitaanka u mahadceliyey Dawlada Ingiriiska, isagoo xusay in Dawladda Soomaaliya ay ka go’an tahay xiriirinta iyo fududeeynta gargaarka lagu taakulaynayo dadka ay abaaruhu wax yeeleeyeen.

Wuxuu kaloo ergeyga ka mahadceliyey jawaabta degdeg aha ee ay dawladaha deeqaha bixiya iyo kuwa Qaramada Midoobay ka baxiyeen qayladhaantii ergayga.

Maxkmadda Ciidanka Oo Xukun ku wada Riday Lamaane ka Tirsanaa Kooxda Daacish..

 Dayib Macalim Maxamed Xasan iyo Xaliimo Cabdi Mursal Ibraahim ayaa loo wada haystaa in ay ka tirsan yihii Daacish.

Dayib ayaa ku Eedeysan Samaynta Qaraxyada halka Xaliimo ay ahayd soo dhawaynta Maleeshiyada Daacish iyo Kaydinta Hubka ay dhibta ku gaysanayaan, waxaana Eedeysanayaasha la xiray March Sanadkan.

05-tii may Bishii ina dhaaftay ayaa lagu xeray xabsiga dhexe Garsuga ahaan, isla xilligaas Garsoorka ayaa ka dalbaday Xeer Ilaalinta in ay la Yimaadaan Cadaymo dhamaystiran oo lagu Maxkamadayn karo Dayib Macalim Maxamed Xasan iyo Xaliimo Cabdi Mursal Ibraahim.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Baaritaan dheer kadib Maxkamadda Ciidamada Waydiistay in la maxkamadeeyo raggan billowgii June, isla xilligaas ayay Maxkamadda aqbashay dhegeysiga Dacwadda laba Eedeysane.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda ka hor Cadeeyay Labada Eedeysane in ay is Qabeen laakiin ay isku Guursadeen Magacyada Mustaf iyo Xaawo, waxa ay Maxkamadda ka hor sheegeen Eedeysanayaasha in Horjoogahooda uu isku Doonay, Sidoo kalane uu u dhiibay Magacyada Mustaf iyo Xaawo.

Qareenada Eedeysanayaasha ayaa Maxkamadda ka Codsaday in loo Naxariisto, loona fiiriyo Qodobada Dambiga Fududeeyo, maadaama Eedeysanayaasha lala soo Qatay agabkii Qaraxyada ay u isticmaalayeen iyo Qarax diyaarsan.

Dhowr Fadhi kadib Maanta ayay Maxkamadda kuwada xukuntay min 15-sano oo  Dayib Macalim Maxamed Xasan iyo Xaliimo Cabdi Mursal Ibraahim, Sida uu dhinacyada Dacwadda u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Ciidamada.

XALIIMO CABDI MURSAL

Howlgalka Midowga Yurub oo Qalab Ciidan Kuwareejiyay Wasaaradda Difaaca Qaranka+SAWIRO

Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Taliska ciidanka xoogga ayaa agab ciidan oo casri ah kala wareegay howlgalka Midowga Yurub.

Taliyaha ciidanka Lugta ee Soomaaliya Janaraal, Maxamed Tahliil Biixi ayaa sheegay in qalabkan uu muhiimad gaar ah u leeyahay howlaglka ciidanka xoogga, wuxuuna xusay in guulaha ciidanka ay qayb ka tahay adeegsiga qalabka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda gaashaandhigga Xasan Maxamed Siciid Samatar ayaa midoga Yurub ugu mahad celiyay tababarrada iyo qalabaynta ciidanka xoogga, wuxuuna ciidanku faray inay sidii loogu tala galay u adeegsadaan.

SNTV