Faah-faahino ka soo baxaya Qarax uu fuliyey qof naftii haliga katirsan Al-shabaab oo ka dhacay Xerada Tababarka Ciidanka Gen Dhagabadan

Date:

Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Naftii halige katirsan Argagixisada arxanka daran ee shabaab oo isku qarxiyey  Xerada Tababarka Ciidanka Gen Dhagabadan Ex Xero Nacnac.

Inta la xaqiijiyay 5 qof ayaa dhimatay 11 kalana wey ku dhaawacmeen kadib markii qof naftii hallige ah uu isku qarxiyay banaanka Xerada Tababarka Ciidanka Gen Dhagabadan Ex Xero Nacnac.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/Guuto Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay warbahainta qaranka  ayaa xaqiijiyay in qofka is qarxiyay damiciisu ahaa in uu ku dhex dhuunto dhalinyaro loo xareynayay dhiboow si ay ugu soo biiraan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed laakiin uu qarxay inta uusan gaarin bartilmaamedkii uu u socday.

Taliyaha ayaa sheegay in uu socdo baaritaan xooggan si looga hortago dhagarta Khawaarijta Al-shabaab.

 

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Al-shabaab ka sifeeyay deegaano muhiim ah oo istiraatijad weyn ugu fadhiyay khawaarijta ayna ka soo maleegi jireen qaraxyada iyo weerarada ay ku beegsanayaan shacabka Soomaaliyeed.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Tababar u furay Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka uga soo warama Gobollada Dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi...