Home Blog Page 556

Hay’adda Cunnada Adduunka WFP oo sheegtay in inta badan Bulshada Somaaliyeed ay Gaajo la ildaranyihiin

0

Muqdisho-19-7-2022:Waddamada Geeska Afrika waxaa ku dhufatay abaarta ugu xumeyd oo muddo 40 sana ah soo marta.

Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Galmudug oo gacanta ku dhigay Nin Maalmo ka hor Cabudwaaq ku dilay Taliye ku xigenkii Nabad Sugida Galmudug iyo Gabar la dhalatay

Muqdisho-19-7-2022;Ciidamada Xoogga Dalka Somaaliya ,kuwa Nabad Sugida ,Booliska Cabudwaaq  oo gacan ka helaya  kuwa daraawishta Galmudug ayaa maanta Taliska Booliska Dagmada Caabudwaaq kusoo bandhigay Nin lagu Magacaabo Axmed Dhagadheere oo labo Maalin kahor Gudaha Dagamada Caabudwaaq kudilay Allaha u naxaristee taliye kuxigeenkii Ciidanka Nabadsugida Galmudug Faarax Cumar Geelle iyo Walashiis Xaawo Cumar Geelle.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka oo la kulmay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuled maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Amb. Mehmet YILMAZ, .

Guddiga Gurmadka Qaraxii Shalay ka dhacay Magaalada Jowhar oo maanta booqday goobihii qaraxa uu ka dhacay

0
Muqdisho: 18, Luulyo, 2022: Madaxweynaha Dowladd Goboleedka  Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo Magacaabay Gudiga Gurmadka Qaraxii 17-kii Luulyo ee Magaalada Jowhar shalay ka dhacay  ayaa kormeer u kuur gal ah ku tagay goobta uu ka dhacay qaraxii shalay iyo Xaafadaha uu saameeyay.

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo maanta xukun ku riday Dhagarqabe katirsan Argagixisada Al-shabaab

0

Yacquub Cabdullaahi Cabdi Xasan “CabdiNaasir” ayaa u dhaawacmay August sanadkii tegay Rasaas ay ku fureen Ciidamada Amniga kadib Bam uu ku tuuray waaxda Taleex.

 

Ra’iisul Wasaare Hamse Abdi Barre oo maanta la kulmay xubno katirsan dowladda Finland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay, Suldaan Saciid Axmed, oo ah Mudane ka tirsan Baarlamaanka dalka Finland, ahna Ergayga cusub ee Finland u qaabilsan nabaddeynta Geeska Afrika.

Madaxweyne Dani oo la kulmay Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo uu hoggaaminayo Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan

0

Muqdisho,18, Luulyo, 2022: Madaxweynaha Dowladd goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga cusub ee Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Wafti ka socda Beesha Caalamka oo uu hoggaaminayo Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambassador, James Swan oo ay weheliyaan Madaxa ugu sareeya ee hay’adda UNFPA Soomaaliya Niyi Obuolape iyo Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Puntland, Guy Griffin.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha Abaaraha Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, waxaa si qoto-dheer loo dul-istaagey sidii Beesha Caalamku door muuqda uga qaadan lahayd ka jawaabidda xaaladda abaarta iyo u gargaaridda shacabka abaartu saamaysay, Amaanka, dardargelinta Dimuqraadiyeynta iyo mashaariicda horumarineed ee hay’addaha caalamiga ah ka wadaan Puntland.

Waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey kulanka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyaynta, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Jamaal Carab Yuusuf, Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta masiibooyinka, Cabdullaahi Cali Xirsi iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Maxamed Cabdirashiid Cali.

 

 

Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud oo maanta dalka dib ugu soo laabtay

Muqdisho, Luulyo 18. 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku saabsan hagaajinta xiriirka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti ku joogay dalkaas ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo maanta kormeeray xarunta ay ka socoto saxista Imtixaanka fasalka 12,aad ee dugsiga Sare

0

Muqdisho-18-7-2022:Wasiirka waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Hon.Eng. Cabdullahi Abuukar Xaaji, oo uu wehliyo Wasiiro dowlaha Wasaaradda Waxbarashadda, Hon. Abdirahman Mohamud Abdulle Jaabir, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashadda Mohamed Abbi Hassan, iyo tiro kamida agaasima-yaasha Waaxyaha ayaa kormeeray xarunta ay ka socoto saxista Imtixaanka fasalka 12,aad ee dugsiga Sare kaasi oo natiijadiisa lagu dhawaaqi doono dhowaan.

Wasiirka Waxbarashadda oo la hadlay macalimiinta Saxaysay Imtixaanka, ayaa kula dar-daarmay in ay masuuliyad buuxda iska saaraan u cadaalad falista ardayda Soomaaliyeed maadama natiijada imtixaanku ay qeyb wayn ka tahay mustaqbalka dalka, kan ardayga.

Wasaaradda waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ay qaado imtixaanka mideysan ee dugsiga sare sanadkii 8’aad oo xariir, ayada oo mudooyinkaas dalku sameeyay horumaro Waxbarasho sidoo kalana la meel mariyay sharciyo lagu hormarinaayo tayada Waxbarashadda dalka.

 

(DAAWO)Shil Diyaarad oo ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

0

Muqdisho-18-7-2022-:Shil Diyaarad ayaa haatan ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde