Home Blog Page 556

Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo maanta ka qeybgalay shirweynaha 1-aad ee tayodhowrka qaranka

0

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta  XFS  Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta ka qeybgalay shirweynaha 1-aad ee tayodhowrka qaranka.

(SAWIRO) Wasiirka Ciyaaraha XFS oo Maanta Gaaray Magaalada Kismaayo

0

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa lagu soo dhoweeyay magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa Kismaayo ku soo dhoweeyay xubno ka tirsan labada gole ee dowlad goboleedka Jubbaland oo Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaruhu horkacayo xubno ka tirsan bahda Sports-ka Jubbaland iyo xiriirrada ciyaaraha kala duwan ee Jubbaland.

Wasiir Maxamed Barre Maxamuud ayaa Kismaayo u tegay si uu soo xiro tartanka degmooyinka Kismaayo oo todobaadyadii la soo dhaafay halkaas ka socday.

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa xoogga saaray in la dhiirri-geliyo ciyaaraha gobolllada iyo degmooyinka si ay mustaqbalka usoo baxaan xul qaran oo gobolllada dalka ka kala yimid.

[DAAWO] Qaar ka tirsan dadkii dhaawacyada culus ka so gaaray Qaraxii Hotel Xayaat oo la gaarsiiyey magaalada Riyaadh ee dalka Sucuudiga

0
Qaar ka tirsan dadkii dhaawacyada culus ka so gaaray Qaraxii Hotel Xayaat ee dhawaan Argagixisada Al-shabaab weererka ku qaaday ayaa la gaarsiiyey magaalada Riyaadh ee dalka Sucuudiga.

[DAAWO] Maxkamadda Ciidamada oo saaka toogasho ku fulisay laba Rag ah

0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa Shucayb Cabdullaahi Maxamed & Saadaq Cabdi Jabaar Cumar ayaa saaka ku fulisay xukunkii dilka toogashada ahaa oo ay horay ugu Xukuntay Maxkamadda Ciidamada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Khudbad Ka Jeediyay Shirka Arrimaha Deegaanka Iyo Isbaddalka Cimmilada Ee Jabuuti.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey shirka deegaanka iyo isbaddalka cimmilada ee Jabuuti ayaa soo bandhigay qorshaha Soomaaliya ee ku aaddan ka hortagga xaalufinta iyo nabaad guurka deegaanka.

Madaxweynaha oo dul istaagay saamaynta baaxadda leh ee isbeddelka Cimiladu ay ku yeelatay guud ahaan gobolka, gaar ahaan Soomaaliya, ayaa tilmaamay in ay lagama maarmaan tahay in wadamada gobolku ay yeeshaan wadashaqeyn dhow oo wax looga qabanayo caqabadaha ka dhasha cimilada isbadalaysa.
“Soomaaliya, waxa ay ku jirtaa xaalad abaareed kaddib markii afar xilli roobaad oo isku xiga ay baaqdeen sababo la xiriira isbeddelka cimilada. Waxaan xoogga saaraynaa wax ka qabashada xaalufinta deegaanka oo sal u ah mushkiladda dunida oo dhan saameysay ee isbaddalka cimmilada, inagoo dhawaan daah furnay Hindisaha Qaran ee Soomaaliya Cagaar ah, kaasi oo mudnaan gaar ah siinaya daryeelka dhirta, dib u cagaarinta dalka iyo kobcinta wacyiga dadweynaha ee ilaalinta deegaanka.”
Shirka oo ay ka qeyb galeen wufuud heer caalami iyo kuwa ka socday dalalka gobolka ayaa la iskula meel dhigay tallaabooyin wadajir ah oo wax looga qabanayo saameynta Isbeddelka Cimilada ee Wadamada gobolka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa dhanka kale si wadajir ah xariga uga jaray, xarunta cilmi baarista deegaanka oo laga hirgaliyey dalka Jabuuti.

Ruushka oo duqaymo la beegsaday xarumaha tamarta ee Ukraine

Kaaliye u dhow Madaxweyne Zelensky ayaa sheegay in ku dhawaad hal milyan iyo bar qoysas ah oo ku kala nool Ukraine ay koronto la’aan yihiin, iyadoo mowjado cusub oo weerarro ah uu Ruush-ku la beegsaday kaabayaasha tamarta ee muhiimka ah.

[DHAGEYSO] Dad ku dhintay daadad Xalay ku soo rogmaday Xaafado katirsan Magaalada Qardho ee Maamulka Puntland

0

Daad xoogan ayaa kusoo rogmaday xalay Xaafado katirsan magaalada Qardho ee gobolka Karkaar ee Puntland, kadib markii Roobab xoogan ay xalay iyo shalay galabtii ka da’deen degaano ku teedhsan Magaalada Qardho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xalay Isbitaalka Ciidanka xoogga ku booqday Dhaawacyada Ciidamo dagaal culus kula galay Argagixisada Al-Shabaab degaanka Masjidka Cali Gaduud

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Xalay ku booqday Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dhaawacyada Ciidamo Shalay dagaal culus kula galay kooxda Khawaarijta Deegaanka Masjidka Cali Gaduud ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

(SAWIRRO) Madaxweyne Xasan sheekh oo Caawa Gaaray Dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku gaaray dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey garoonka diyaradaha magaalada Jabuuti Madaxweynaha Jamhuuriydda Jabuuti, mudane Ismaaciil Cumar Geelle.