Home Blog Page 557

Duqa Degmada Gaalkacyo oo Maanta Degmadaas ku soodhaweeyey Wafdi Balaaran uu horkacayay Madaxa Hay’adda Qaxootiga Aduunka

0

Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Xasan oo uu Wehliyo Guddoomiye ku xigeenka Gobolka mudug Ahmed Shire Qodaar ayaa Maanta  Degmada Gaalkacyo ku soodhaweeyey Wafdi Balaaran uu horkacayay Madaxa Hay’adda Qaxootiga adduunka (UNHCR) Filippo Grandi.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo lagu soodhaweeyey Aqalka Boqortooyada dalka Luxembourg

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa lagu soo dhoweeyay Aqalka Boqortooyada dalka Luxembourg waxa uuna la kulmay Boqor Albert Félix Marie Guillaume oo Luxembourg Maamula.

[DAAWO] Bulshada Ku nool  degmada Buula-Burde ee Gobolka Hiiraan oo si isxilqaan ah dib u dhis ugu sameynaya Buundada degmada Buula-Bu

0
Bulshada Ku nool  degmada Buula-Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa  si isxilqaan ah dib u dhis ugu sameynaya Buundada degmada Buula-Burde oo Khawaarijta ay isku dayeen in ay burburiyaan.

 

 

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu wehelinayo Madaxweynaha Puntland oo xarigga ka jaray wajiga koowaad ee dhismaha Dekedda Garacad ee Gobolka Mudug

Muqdisho, Oktoobar 22, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xarigga ka jaray wajiga koowaad ee dhismaha Dekedda Garacad ee Gobolka Mudug.

[SAWIRRO]Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo gaaray magaaladda Maxaas ee Gobolka Hiiraan

0

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo hogaaminaya xildhibaano heer federaal iyo kuwa dowlad goboleed iyo saraakiil ciidan ayaa gaaray magaaladda Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

[TOOS U DAAWO] Xuska munaasabadda lagu xasuusanaayo labo halyeey oo qoriga u qaatay la dagaalanka kooxda Argagixisada oo Muqdisho ka socta

0
Xuska munaasabadda lagu xasuusanaayo labo halyeey oo qoriga u qaatay la dagaalanka kooxda Argagixisada ayaa ka socota magaalada Muqdisho.

Guddiga baaraya weerarkii 6-dii January lagu qaaday xarunta Congress-ka oo u yeeray Donald Trump

0

Guddida Congress-ka ee baadhaya weerarkii lagu qaaday aqalka baarlamaanka ee Maraykanka bishii January 6-deedii ee sannadkii 2021 ayaa go’aan yeedhmo ah oo rasmi ah (subpoena) u diray madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Donald Trump, iyaga oo ka dalbanaya inuu ka markhaati furo arrimo badan oo la xidhiidha dhacdadii lagu weeraray golaha baarlamaanka si loo afgembiyo natiijada ka soo baxday doorashadii madaxtinimada ee sannadkii 2020.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo ku fulisay dil toogasho ah askarigii dilay Wasiir Cabaas Siraaji

0

Waxaa goor hore oo saaka ah maxkamadda ciidamada qalabka sida ay xukun dil ah ku fulisay Axmed Cabdullahi Cabdi oo oo bishii May ee 2017 dilay wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska xukumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre alle ha u naxariistee Cabaas C/llaahi Sheekh Siraaji.

Madaxweyne Dani oo xalay Magaalada Garoowe kulan soodhaweyn ah ugu sameeyey Madaxweyanaha degaanka soomaalida

0

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay  casho sharaf ugu sameeyay Qasriga Madaxtooyada Puntland,  Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Mudane Mustafe Muxumed Cumar iyo Wafdi uu hogaaminayo oo shalay galinkii danbe booqasho ku tagay magaalada  Garoowe.

Madaxweynaha Qaranka Oo Daahfuray qorshaha Soomaali Cagaar ah.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo daah furay qorshaha Qaran ee Soomaaliya cagaar ah ayaa ku beeray guriga Ummadda geed ka mid ah 10 Malyan oo geed oo lagu dhireynayo dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay ahmiyadda dhirtu ay u leedahay dalkeenna oo abaaro soo noq-noqday ay aafeeyeen, saameyn xoogganna ay ku yeelatay duruufihii adkaa ee dalku soo maray, taas oo sababtay nabaad-guur xooggan oo saameeyey nolasha iyo deegankaba.

“Burburkii ku dhacay dalka kaliya ma saameyn dadka ee dhibaato xooggan ayuu gaarsiiyey deegaanka Soomaaliyeed, waxaa naga guuray xayawaanaadkii iyo dhirtii uu caanka ku ahaa dalkeennu. Dib u dhiska dowladnimada waa in ay barbar socotaa dib u cagaarinta deegaanka iyo kobcinta wacyiga dadweynaha ee ku aaddan daryeelka deegaanka.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray hay’adaha dowladda in ay hormuud u noqdaan qorshahan oo dhireeyaan xarumaha ay ku shaqeeyaan, sidoo kale waxa uu ugu baaqay haweenka Soomaaliyeed oo taariikh ahaan door wanaagsan ka qaata daryeelka deegaanka in ay guryaha iyo goobaha ganacsiga ay ku tallaalaan geedahan waxtarka u leh deegaanka ee ay dowladdu diyaarisay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faray Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Xukumadda Federaalka Soomaaliya in ay labada bilood ee sannadka ka dhiman ay ku abuuraan Caasimadda 100,000 oo geed si loogu gudbo dhireynta caasumadaha dowlad-goboleedyada iyo guud ahaan degmooyinka iyo deegaannada dalka.