Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS oo sheegay in Hadda wixii ka dambeeya waxa loo guurayaa in degmooyinka Khawaarijta laga saaray dowlad nimada lagaarsiiyo

Date:

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama ayaa caawa ka qayb galay munaasabad abaalmarinno lagu guddoonsiinayey shaqaalihii ugu dadaalka fiicnaa sannadkii 2022 ee Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha.

Munaasabaddan oo ahayd casho sharaf ayaa Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ugu hambalyeeyey shaqaalihii sannadkaasi tagay ugu dadaalka wanaagsanaa Wasaaradda, isagoo inta kalena kula dardaarmay inay kordhiyaan dadaalka isla markaana horumariyaan shaqada ay shacabka u hayaan.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa sheegay in Wasaaradda Qorshaynta ay gacanta ku hayso qorshaha guud ee qaranka, isla markaana looga baahan yahay shaqaalaheeda in sannad walba la horumariyo aqoontooda iyo shaqadoodaba.

dhinaca kale Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS ayaa sheegay in Hadda wixii ka dambeeya waxa loo guurayaa in degmooyinka Khawaarijta laga saaray dowlad nimada lagaarsiiyo”

+7

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...