Home Blog Page 555

Guddoomiyaha Golaha shacabka oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika.

0
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Midowga Afrika ee Amb. Mohamed El-Amine Souef, La-taliyaha Dhanka Howlgalka Jeneraal Peter Omola Iyo Madaxa Siyaasadda ee ATMIS Mudane Babatunde Taiwo.
Guddoomiyaha iyo Saraakiisa howl-galka nabad ilaalinta ATMIS kulankooda ayaa diiradda lagu saaray adkeynta amniga goobta uu ka furmaayo shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed. Sidoo kale madaxda ATMIS ayaa waxay soo dhaweeyeen shirka waxayna ballan qaadeen in in ay ka shaqeyn doonaan sugidda amniga.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo xafiiskiisa ku qaabiley Wakiilka UNDP Soomaaliya

0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabiley Wakiilka Hay’adda Horumarinta Barnaamijyada ee  Qaramada Midoobay  (UNDP) ee Soomaaliya , Mr Jocelyn Mason.

Wasiirka Warfaafinta ayaa Wakiilka UNDP uga waramey dardar-gelinta hawlaha wacyigelinta ee wasaaraddu waddo gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda, arrimaha bulshada , dib u heshiisiinta, nabadeynta iyo xasilinta.

Wasiirka ayaa intaa ku darey barnaamij hawleedka wasaaradda ee sannadkan ay ka mid yihiin in shacabka si toos ah oo furan looga warbixiyo waxqabdka dowladda, taasina ay xoojineyso daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka.

Mr Mason, ayaa dhinaciisa bogaadiyay hawlaha baaxadda leh ee Wasaaradda Warfaafinta ay waddo ee dhinaca warbaahinta iyo wacyigelinta, waxaana uu faahfaahin ka bixiyay barnaamijyada UNDP ay ka taageerto Soomaaliya, gaar ahaanna hawlaha wacyigelinta ee wasaaradda ay waddo. Waxaa uuna ballanqaadey Wakiilka in UNDP ay kaalinteeda kaga aaddan taageerada Soomaaliya sii xoojineyso.

 

Dhaawacyada 28 Ruux oo la soo gaarsiiyay Muqdisho.

0

Magaalada Muqdisho ayaa la soo gaarsiiyey 28 qof oo qaba dhaawacyo kala duwan kuwaas oo ka mid ahaa dadkii saaka Khawaarijta Al-shabaab ku qarxisay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka iyo Taliska Xoogga dalka ayaa iska kaashaday soo qaadista dhaawacyada iyaga oo fulinaya Awaamiirta Madaxda Qaranka.

Argagixisada oo looga adkaaday Fagaarayaasha Dagaalka oo hataan naflacari ah ayaa beegsanaya dadka rayidka,iyadooo Dowladda ka go’antahay in ay talaabo adag ka qaado khawarijta caadeysatay dhibaateynta Shacabka.

Xildhibaano,masuuliyiin katirsan gobolka Banaadir,Hey’adda Maareyta Masiibooyinka Qaranka ayaa dhaawacyada kaga hortagay Garoonka Diyaaradaha Aadan cadde.

Gudoomiyha ururka haweenka ayaa sheegtey in ay aragtey tacadiyo bani aadanimada ka baxsan ay khawaarijta ay geysteen masjid cali gaduud.

0

Guddoomiyaha Ururka Haweenka gobalka Banaadir ayaa sheegtay in ay indhaheeda ku soo aragtay tacadiyo Bani aadanimada ka baxsan oo Khawaarijtu ka geysatay Masaajid Cali Guduud

Sidoo kale waxa ay sheegtey  iney dhibaato ku hayeen shacabka ayna ka wadanayeen       gabdhahooda

waxa ay sheegtey  gudoomiyha ururka haweenka jawaahir baarqab  in masaajidka oo ah  goob lagu cibaadeysto ay ka dhigeen meel ay ku tashkiiliyan oo ay fikirkooda qaldan ku siinayeen shacabka degan .

 

Madaxweynaha hirshabeele cali Guudlaawe oo tacsi u direy qoysaska iyo qaraabadda dadkii ku shahiidey qaraxa maxaas .

0

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo ku hadlaya Afka Goleyaasha Dowladda iyo Shacabka Hirshabeelle ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska iyo qaraabada ay ka baxeen Allaha u naxariistee dadkii maanta ku shahiiday qaraxii ay argagixisada cadowga ah ka geeysteen Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Khawaarijtu ay cadow ku yihiin nolosha iyo jiritaanka umadda Soomaaliyeed, Isagoo xusay in Khawaarijtu ay ku jabeen dagaaladii lala galay ee looga xureeyay deegaanada iyo degmooyinka Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa markale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed  in si wadajir ah ay uga qeybgalaan howlgallada dalka looga tirtirayo Khawaarijta alshabaab ee u taagan xasuuqa shacabka iyo beegsiga haldoorka dadkeenna.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.
Khawaarijtu waa u dhqan in qaraxyo ay ku weeraraan goobaha ay isugu yimaadaan shacabka, marna kana ka niyad jabi doonno ciribtirka khawaarijta.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo wax ka bedel ku sameeyay Guddiga Farsamada Shirka Dib u Heshiisiinta Koonfur Galbeed.

0
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa wax ka bedel ku sameeyay xubno ka tirsan Guddiga Farsamada ee Shirka Dib u Heshiisiinta Koonfur Galbeed isagoo magacaabay xubno cusub.

Taliyaha Booliska Puntland Sarreeye Guuto Mumin Abdi Shire oo kormeerey ciidanka.

0

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Sarreeye Guuto Mumin Abdi Shire ayaa kormeeray Talisyadda Ciidanka Booliska ee Gobolka Bari ee kala ah Qeybta C.I.D, Ciidanka Ilaalada waddooyinka ee Taraafiga, Qeybta Community Booliska, Taliska Hawl-galka Isku-dhafka amniga ee Gobolka Bari, Taliska Ciidanka Ilaalada gaarka ah Booliska ee SPU, Saldhiga Daruuraha.

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland ayaa warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidanka Booliska oo ku sugnaa goobaha uu booqday wuxuu ku faray dhammaan saraakiisha uu la kulmay dar-dargelinta amniga Diiwaan-gelinta Doorashooyinka, isla markaana taxadar badan laga yeesho dhammaan falalka lidka ku ah amniga xilliga Diiwaan-gelinta.

Dhammaan Kormeerada iyo kulamada uu la qaatay Laamaha amniga ayuu Taliyaha kala hadlay suggida amniga Goobaha Diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha ee dhawaan ka dhacaysa Gobollada Bari, Karkaar iyo Gardafuu.

Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa faray Saraakiisha Booliska ee u xil-saaran Amniga
goobaha Diiwaan-gelinta Codbixiyayaasha Gobollada Bari, Karkaar iyo Gardafuu inay tixgelin gaar ah siiyaan dadka baahiyaha gaarka ah qaba, isaga oo ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan Ciidamada.

 

Godoomiyaha maxaas oo ka Hadley weerero khawarijtu ka gaysatay Degmadaasi.

0

Godoomiyaha degmadda maxaas oo ka Hadley weerero fashilmey ay kuqaadeen  khawarijta degmadda maxaas.

“Waxa uu sheegey gudoomiyaha Ina ay Labba baabuur oo qaraxyo ah ay saaka fuliyeen khawaarijta qaraxa koowaad waxa  uu ka dhacy gudoomiyaha  gurigiisa meel u dhaw, waxaana jiro dhaawac iyo dhimasho sida uu sheegey gudoomiyaha,
Sido kale waxa jiro weerar kale ay soo qaaden khawaarijta inkastoo dhiboo celiyey oo laga adkaadey.

HOOS KA DAAWO 

 

kuwaan waa sawirada Goobta Qaraxyadu ka dhaceen

qaraxyadda maxaas
qaraxyadda maxaas

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan saagootin ah kula qaatay Madaxtooyada Qaranka Danjiraha Dowladda Itoobiya u fadhiyey dalkeenna

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan saagootin ah kula qaatay Madaxtooyada Qaranka Danjiraha Dowladda Itoobiya u fadhiyey dalkeenna Mudane Cabdifataax Cabdullaahi Xasan oo uu dhammaaday muddo xileedkiisa diblumaasiyadeed ee uu ku joogay Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Danjire Cabdifataax, doorka uu ka qaatay xiriirka iyo iskaashiga Labada dal, waxa uuna u rajeeyey mustaqbal wanaagsan.

Dhankiisa, Danjire Cabdifataax Cabdullaahi oo Madaxweynaha uga mahad-celiyey kulankan ayaa tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay wada-shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, inta uu ku guda jiray gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan xiriirka iyo iskaashiga diblumaasiyadeed ee ay la leeyihiin dalalka caalamka, gaar ahaan dalalka gobolka, si danaha dadka Soomaaliyeed loogu gaaro  iskaashi iyo wax- la qabsiga dalalka kale ee caalamka.

Wasiirka Xanaanada Xoollaha XFS oo amray dadka degan xarumaha wasaaraddu in ay baneeyaan.

0

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, dhirta iyo daaqa XFS Wasiir Xasan Xuseen Maxamed (Eelay) ayaa maanta dhagax dhigey Xafiisyo Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ay ku yeelan doonto dekeda Muqdisho.

Wasiirka oo ay wehlinayeen Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda iyo Wasiiru dowlaha ayaa dhagax dhigey xarumaha Wasaaradda ee Dekadda Muqdisho oo ka kooban sheybaarka Xoolaha, shahaado bixinta, xafiisyada Wasaaradda iyo goobaha xoolaha lagu nasiyo ee Dekadda.

Munaasabad kooban oo ka dhacday gudaha Dekedda Muqdisho ayuu Wasiir Eelay sheegay in ay ka go’an tahay in la dardargeliyo habsami u socodka shaqo ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS oo lafdhabar u ah hormarinta dhaqaalaha Soomaaliya,isagoo dhanka kalena amray dadka degan xarumaha wasaaradda in ay si deg deg ah uga guuraan si loogu adeego bulshada Soomaaliyeed.