Home Blog Page 555

Jarmalka oo 5 milyan oo Dollar ugu deeqday Soomaaliya.

0

Dowladda Jarmalka ayaa Soomaaliya ugu deeqday 5 milyan oo doolar si kor loogu qaado awoodda dalka uu u leeyahay in tallaal nafo lagu badbaadinayo la gaarsiiyo bulshooyinka fogfog iyo kuwa ay adagtahay in la gaaro.

lacagtaan ayaa qayb ka ah dadaallada Hay’adda UNICEF ay kula jirto dowladaha caalamka si ay tallaalada u gaarsiiyaan meelaha fog-fog ee miyiga iyo deegaannada ku xeeran iyo dadka ku barakacay abaaraha iyo colaadaha.

“Jarmalku waxa uu arkaa muhiimadda ay leedahay in qof walba iyo meel kasta la gaaro.waxa ay muujisay in tani ay muhiim tahay, abaarta hadda jirtana ay mar kale caddaynayso,” ayuu yiri Martin Stein, Madaxa Gargaarka Bani’aadamnimada ee Soomaaliya ee safaaradda Jarmalka ee Nairobi.

“Waxaan u baahanahay gargaar degdeg ah laakiin uma baahnin inaan dayacno dadaalkayaga ku aaddan dhisidda kaabayaal waara. Covid-19 ma noqon doonto xaalad degdeg ah oo caafimaad oo u dambaysa, nasiib darrose abaarta hadda ayaa noqon doonta tii u dambaysay.

lacagtaan ay bixisay dowladda Jarmalka ayaa ka taageeri doonta Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya si ay u balaariso barnaamijkeeda tallaalka COVID-19 iyada oo la abuurayo kaabayaal caafimaad si ay u taageeraan barnaamijyada tallaalka ee kor loo qaaday ee cudurrada kale sida jadeecada iyo oof wareenka. Kor-u-qaadista COVID-19, iyada oo beegsan doonta dadka ku nool kaamamka barakacayaasha gudaha, xaafadaha magaalada, iyo bulshooyinka miyiga ah. Qorshaha waxaa ka mid ah in la geeyo tallaallo wareeg ah oo si gaar ah u bartilmaameedsada dadka reer guuraaga ah iyo bulshooyinka fogfog.

lacagtaan ay bixisay dowladda Jarmalka ayaa ka taageeri doonta Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya si ay u balaariso barnaamijkeeda tallaalka COVID-19 iyada oo la abuurayo kaabayaal caafimaad si ay u taageeraan barnaamijyada tallaalka ee kor loo qaaday ee cudurrada kale sida jadeecada iyo oof wareenka. Kor-u-qaadista COVID-19, iyada oo beegsan doonta dadka ku nool kaamamka barakacayaasha gudaha, xaafadaha magaalada, iyo bulshooyinka miyiga ah. Qorshaha waxaa ka mid ah in la geeyo tallaallo wareeg ah oo si gaar ah u bartilmaameedsada dadka reer guuraaga ah iyo bulshooyinka fogfog.

Tabarucaada dowladda Jarmalka waxa ay ku soo beegantay xilli boqolkiiba 10 ka mid ah dadka ku nool Soomaaliya si buuxda looga tallaalay COVID-19, taas oo aad uga hoosaysa bartilmaameedka WHO ee 70 boqolkiiba bartamaha sanadkan 2022.

Ciidanka xoogga dalka oo howlgal ka sameeyay Shabellaha Hoose.

Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheeysan ka fuliyay degaanka leego &yaaq bariweyne ee Gobolka Shabellaha Hoose

Taliyaha ururka 64-Aad Ciidanka xoogga Dalka Cali Cabdullaahi Halac oo  howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay in ujeedka howlgaku ahaa sidii Argagixisada Al-shabaab looga saari lahaa degaanadasi loona xaqiijin lahaa Amniga shacabka ku nool degaanadasi oo uu cadwgu dhibaata badan ku hayay,waxa una intaa hadalkisa ku sii daray taliyaha in howlgalka ay ku soo qabteen xubna katirsan Al-Shabaab oo xiliyada qaar weeraro ka geeysan jiray degaanada howlgalka laga sameeyay.

Ciidamada dowlada ayaa dhawanahan degaanna badan oo katirsan Gobolka Shabellaha Hoose kawaday howlgalo lagu baac sanayo kooxaha Argagixisada Al-Shabaab,waxana inta uu howlgalku socda Maleeshiyada laga xoreeyay degaanno badan oo hoos taga Gobolka Shabeellaha Hoose

Madaxweyne Ahmed madoobe oo la kulmay wakiilka hay’ada UNICEF ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada maamulkaasi ku qaabilay wakiilka hay’ada UNICEF ee Soomaaliya Marwo Wafaa ElFadil Saeed Abdelatef iyo wafdi ay hogaaminaysay oo booqasho ku tagtay Jubaland.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheikh Aadan Madoobe oo maanta la kulmay danjiraha dowladda Ingriiska u qaabilsan dalkeenna

0

Muqdisho Luulyo 19,2022,Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Ingriiska u qaabilsan dalkeenna marwo Kate Foster.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS oo maanta qaabilay ergayga gaarka ah ee Dowladda Finlad u qaabilsan arrimaha nabadaynta geeska Afrika

0

MUQDISHO-19-7-2022-:Guddoomiyaha Aqalka Sare BFS ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee Dowladda Finlad u qaabilsan arrimaha nabadaynta geeska Afrika Mudane Suldaan Saciid Axmed ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Finland.

Guddoomiyaha iyo ergayga ayaa kawada hadlay arrimo kala duwan oo ay ugu muhiimsanaayeen hannaanka nabad ku soo dabaalidda geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya iyo kaalinta dowladda Finland ka qaadan karto, gurmadka abaaraha, dib u heshiisiinta, tababarrada iyo dowlad wanaagga.

[MUQAALO &SAWIRO] Dowladda Soomaaliya oo maanta Gargaar Raashin ah u dirtay Degmada Buurdhuubo

0

MUQDISHO-19-7-2022-:Wasaradda Gargaarka XFS ayaa maanta gargaar Raashin ah  u dirtay Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya taas oo kamid ah dhulka sida weyn ay abaarta u saameysay.

[DHAGEYSO]Deegaano ka tirsan Gobalka Mudug oo laga soo sheegayo Xaalad adag oo dhanka Nolasha ah

MUQDISHO-19-7-2022-:Bulshada ku nool Deegaanka  Galgalad ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaalado Nolal xumo oo ka jira Deegaankaas kuwaa soo saamayn ku yeeshay Dadka iyo Duunyada sida Biyaha, Caafimaadka.

[MUQAALO &SAWIRO]Wasiirka Arimaha gudaha Galmudug oo gaaray Magaalada Galinsoor

Muqdisho-19-7-2022:Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arimaha gudaha Maamul goboleedka Galmudug ayaa Maanta  gaaray Magaalada galinsoor ee gobalka galguduud.

Hay’adda Cunnada Adduunka WFP oo sheegtay in inta badan Bulshada Somaaliyeed ay Gaajo la ildaranyihiin

0

Muqdisho-19-7-2022:Waddamada Geeska Afrika waxaa ku dhufatay abaarta ugu xumeyd oo muddo 40 sana ah soo marta.

Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Galmudug oo gacanta ku dhigay Nin Maalmo ka hor Cabudwaaq ku dilay Taliye ku xigenkii Nabad Sugida Galmudug iyo Gabar la dhalatay

Muqdisho-19-7-2022;Ciidamada Xoogga Dalka Somaaliya ,kuwa Nabad Sugida ,Booliska Cabudwaaq  oo gacan ka helaya  kuwa daraawishta Galmudug ayaa maanta Taliska Booliska Dagmada Caabudwaaq kusoo bandhigay Nin lagu Magacaabo Axmed Dhagadheere oo labo Maalin kahor Gudaha Dagamada Caabudwaaq kudilay Allaha u naxaristee taliye kuxigeenkii Ciidanka Nabadsugida Galmudug Faarax Cumar Geelle iyo Walashiis Xaawo Cumar Geelle.