Home Blog Page 55

Afhayeenka Gaashaandhigga oo ka warbixiyay howlgallo Ciidamada Qaranka ku dileen xubno katirsan khawaarijta

0

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Sheekh Abuukar Macalin, ayaa ka warbixiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee ay Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha Xaq u Dirirka deegaanka ka sameeyeen gobollada Galgaduud, Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Afhayeenku wuxuu sheegay in deegaanka Xiingaduud, oo u dhexeeya Camaara iyo Qod-qod, lagu dilay 11 xubnood oo ka tirsanaa khawaarijta, howlgalkaasna ay si wadajir ah u fuliyeen ciidanka Xaq u Dirirka deegaanka iyo kuwa Ahlusunna Waljamaaca. Howlgalku wuxuu dhacay sidii loo qorsheeyay, waxaana jab xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in howlgallo kale oo ay fuliyeen Kumaandooska Danab laga fuliyay deegaanada Miido iyo Harboole oo katirsan gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo lagu khaarajiyay horjooge sare oo lagu magacaabo Ibraahim Cabdi Raxmaan Sambuur, kaasoo khawaarijta la shaqeynayay tan iyo 2010-kii.

Afhayeenku ayaa bogaadiyay guulaha isdabajooga ah ay gaarayaan ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa degaaanka oo gobolada dalka ka wada howlagallo culus oo ka dhan ah khawaarijta.

Soomaaliya oo soo dhaweysay heshiiska xabad joojinta ee ay wada gaareen Dowladda DRC iyo kooxda hubeysan ee M23

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay heshiis xabad-joojin ah oo dhexmaray DRC Congo iyo kooxda hubeysan ee M23.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in tillaabada xabbad joojinta ay qeyb ka qaadaneyso nabadda iyo xasilloonida ka gobollada bari ee DRC Congo.

“Soomaaliya waxay si qoto dheer uga mahadcelinaysaa kaalinta dhexdhexaadinta ee ay qaadatay Dowladda walaalaha ah ee Qatar, taasoo gacan weyn ka geysatay fududeynta wadahadallada lagu qabtay magaalada Doha, kuna dhiirrigelisay labada dhinac in ay miiska wadahadalka isugu yimaadaan” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Dowladda Soomaaliya ayaa ku boorrisay dhinacyada in ay ka dhabeeyaan heshiiska xabbad joojinta ah, si loo helo nabad waarta.

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐭𝐚𝐠𝐠𝐚 𝐋𝐚𝐜𝐚𝐠 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐋𝐚 𝐃𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐫𝐠𝐚𝐠𝐢𝐱𝐢𝐬𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 Miro-𝐝𝐡𝐚𝐥 ah yeeshay

0

Kulanka guddiga oo uu shir-guddoominayay Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa looga dooday sidii loo dar-dar galin lahaa qorshe yaasha ka dhanka ah dhaqaale uruuriska kooxda argagixisada khawaarijta ah ee inta badan tibaatooyin ku haya bulshada Soomaaliyeed.

Shirka oo ay goobjoog ahaayeen xubnaha guddiga ee kala ah, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Cadaaladda, Wasaaradda Amniga, Wasaaradda Ganacsiga, Wasaaradda Isgaarsiinta, Hay’adda NISA, Hey’adda Warbixinada Maaliyadda iyo Hay’adda isgaarsiinta Qaranka ayaa laga soo saaray War-murtiyeedk hoos ku xusan.

𝐇𝐎𝐑𝐌𝐔𝐌𝐀𝐑𝐊𝐀 𝐋𝐀𝐆𝐀 𝐆𝐀𝐀𝐑𝐀𝐘 𝐃𝐄𝐆𝐀𝐀𝐋𝐀𝐃𝐀 𝐊𝐀 𝐃𝐇𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐀𝐇 𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐊𝐎𝐎𝐗𝐀𝐇𝐀 𝐊𝐇𝐀𝐖𝐀𝐀𝐑𝐈𝐉𝐓𝐀

Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa ay xoojisay dadaallada lagu burburinayo dhaqaalaha & maaliyadda kooxaha argagixisada ay u adeegsadaan maalgelinta hawlgalladooda guracan. Dowladdu waxay dejisay qorshe gaar ah oo lagu cuuryaaminayo dhaqaalaha argagixisada, si loo xaqiijiyo amniga, loogana hortago khataraha argagixisada.

Qorshaha cuurmaayinta maaliyadda argagixisadu, waa xeelado iyo tallaabooyin kala duwan oo loogu talagalay in lagu aqoonsado, la baaro, la xannibo, cadaaladana la horgeeyo. dhaq-dhaqaayada maaliyadeed ee sharci darrada ah.

Qorshahan wuxuu dowladda ka caawiyay la-dagaalanka maalgelinta argagixisada & wuxuuna xoojiyey hufnaanta guud ee nidaamka maaliyeed dalka, isla markaana horseeday kobaca dhaqaalaha & xasiloonida dalka.

Inta u dhaxeysay 1da Janaayo ilaa 30ka June 2025, dowladda ayaa qaaday tallaabooyin muhiim ah oo loo qorsheeyey in lagu bartilmaameedsado dhaqaalaha kooxaha khawaarijta, waxaana la gaaray guulaha hoose:

•𝐖𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐥𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐤𝐚 𝐛𝐚𝐝𝐚𝐧 𝟓𝟕𝟓 𝐭𝐞𝐥𝐞𝐟𝐨𝐧 𝐥𝐚𝐦𝐛𝐚𝐫 𝐨𝐨 𝐚𝐲 𝐚𝐫𝐠𝐚𝐠𝐢𝐱𝐢𝐬𝐚𝐝𝐮 𝐮 𝐚𝐝𝐞𝐞𝐠𝐬𝐚𝐧 𝐣𝐢𝐫𝐞𝐞𝐧 𝐜𝐚𝐛𝐬𝐢-𝐠𝐞𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚, 𝐡𝐚𝐧𝐣𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝𝐝𝐚, 𝐮𝐫𝐮𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 & 𝐤𝐞𝐲𝐝𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐥𝐚𝐜𝐚𝐠𝐚𝐡𝐚 𝐛𝐚𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐚𝐡.

•𝟐𝟏 𝐱𝐢𝐬𝐚𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐛𝐚𝐧𝐠𝐢 (𝐁𝐚𝐧𝐤 𝐀𝐜𝐜𝐨𝐮𝐧𝐭𝐬) 𝐚𝐲 𝐢𝐬𝐭𝐢𝐜𝐦𝐚𝐚𝐥𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐚𝐫𝐠𝐚𝐠𝐢𝐱𝐢𝐬𝐚𝐝𝐚 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐥𝐚 𝐱𝐢𝐫𝐚𝐲

•𝐈𝐧 𝐤𝐚 𝐛𝐚𝐝𝐚𝐧 𝟖𝟖 𝐱𝐢𝐬𝐚𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐠𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢 (𝐌𝐞𝐫𝐜𝐡𝐚𝐧𝐭𝐬) 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨 𝐢𝐬𝐭𝐢𝐜𝐦𝐚𝐚𝐥𝐚𝐲𝐚𝐲 𝐮𝐫𝐮𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐥𝐚𝐜𝐚𝐠𝐚 𝐛𝐚𝐚𝐝𝐚 𝐚𝐡 & 𝐥𝐚𝐜𝐚𝐠 𝐝𝐡𝐚𝐪𝐢𝐝𝐚 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐢𝐝𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐞 𝐥𝐚 𝐱𝐢𝐫𝐚𝐲.

•𝐖𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐜𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐥𝐚 𝐡𝐨𝐫𝐠𝐞𝐞𝐲𝐞𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐨 𝐛𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐭𝐢𝐫𝐬𝐚𝐧𝐚𝐚 𝐤𝐨𝐨𝐱𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐫𝐠𝐚𝐠𝐢𝐱𝐢𝐬𝐚𝐝𝐚 𝐤𝐮𝐰𝐚𝐚𝐬 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐠𝐚𝐚𝐫 𝐚𝐡 𝐮𝐠𝐮 𝐡𝐨𝐰𝐥𝐚𝐧𝐚𝐚 𝐮𝐫𝐮𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐥𝐚𝐜𝐚𝐠𝐚𝐡𝐚 𝐛𝐚𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐥𝐚𝐠𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐝𝐨 𝐠𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐬𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛𝐤𝐚

•𝐖𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐬𝐢 𝐠𝐮𝐮𝐥 𝐥𝐞𝐡 𝐥𝐨𝐨 𝐛𝐚𝐫𝐭𝐢𝐥𝐦𝐚𝐚𝐦𝐞𝐞𝐝𝐬𝐚𝐝𝐚𝐲 𝐥𝐚𝐧𝐚 𝐤𝐡𝐚𝐚𝐫𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐡𝐨𝐫𝐣𝐨𝐨𝐠𝐚𝐲𝐚𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐭𝐢𝐫𝐬𝐚𝐧 𝐚𝐫𝐠𝐚𝐠𝐢𝐱𝐢𝐬𝐚𝐝𝐚 𝐤𝐮𝐰𝐚𝐚𝐬 𝐨𝐨 𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐬𝐚𝐚𝐧𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚, 𝐚𝐲𝐚𝐝𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐰𝐞𝐲𝐧 𝐥𝐨𝐨 𝐰𝐢𝐢𝐪𝐚𝐲 𝐡𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐢𝐬𝐤𝐮 𝐱𝐢𝐫𝐧𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐛𝐚𝐤𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐤𝐨𝐨𝐱𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐫𝐠𝐚𝐠𝐢𝐱𝐢𝐬𝐚𝐝𝐚

•𝐖𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐥𝐚 𝐛𝐮𝐫𝐛𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐛𝐚𝐫𝐨 𝐤𝐚𝐧𝐭𝐚𝐫𝐨𝐨𝐥𝐨 𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐨𝐱𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐫𝐠𝐚𝐠𝐢𝐱𝐢𝐬𝐚𝐝𝐚 𝐮 𝐚𝐝𝐞𝐞𝐠𝐬𝐚𝐧𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐮𝐫𝐮𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐥𝐚𝐜𝐚𝐠𝐚𝐡𝐚 𝐛𝐚𝐚𝐝𝐚 𝐚𝐡 & 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐦𝐨 𝐥𝐚𝐜𝐚𝐠𝐚𝐡𝐚 𝐤𝐮 𝐤𝐞𝐲𝐝𝐢𝐲𝐨.

Dowladdu waxay ku guuleysatay dadaalladan iyada oo kaashanayso shacabka & shirkadaha ganacsiga ee gaarka loo leeyahay. waxaana wacyigelin ballaaran loo sameeyey bulshada si ay uga digtoonaadaan khataraha maalgelinta khawaarijta, isla markaana uga qayb qaataan la dagaalanka maalgeinta khawaarijta.

Sidoo kale, dadaalladan ayaa ka hirgalay xeerarka kala duwan ee dowladda. Ujeeddadu waa in la dhiso iskaashi qaran oo mideysan, lagana hortago khataraha khawaarijta xeer kasta.

Dowladda Federaalka, ayadoo ka duulayso waajibaadka dastuuriga ah ee ka saran dhowrista sharciga, iyo ilaalinta shacabka Soomaaliyeed, Waxaa ka go’an fulinta qorshayaasha qaran ee ka-hortaga lacag dhaqida iyo la-dagaalanka maalgelinta argagixisada.

Ugu dambeyn, dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag uga digaysaa in bulshada iyo ganacsatada Soomaaliyeed ay ku lug yeeshaan falalka la xiriira baadda ay argagixisada shacabka ka qaado, sida bixinta, uruurinta, fududeynta lacagaha ama agab loo isticmaali karo hawlaha argagixisada. Qof kasta oo lagu helo maalgelin argagixiso, waxaa laga qaadi doonaa taabooyin adag oo sharciga waafaqsan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Talyaaniga xoojinta xiriirka labada dal

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Sabti ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Safiirka Jamhuuriyadda Talyaaniga u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Pier Mario Daccò Coppi, isaga oo kala hadlay dhinacyada ugu muhiimsan xiriirka labo geesoodka ee u dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah. Kulanka ayaa diiradda lagu saarray muhiimadda ay leedahay dhowridda xiriirka taariikhiga ah ee soo jireenka ah iyo qoto-dheereynta iskaashiga qeybaha muhiimka ah.

Intii kulanka lagu guda-jiray waxaa lagu fallanqeeyay kor-u-qaadidda dadaallada wadaagga ah ee dhinacyada horumarinta, waxbarashada iyo amniga, si la mid ah sare-u-qaadida xiriirka diblomaasiyadeed. Labada dhinac ayaa waxa ay markale caddeeyeen ka go’naanshahooda hore-u-dhaqaajinta dano wadaagga iyo iskaashiga si loo taageero koritaanka iyo xasilloonida Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiikiisa ku qaabilay danjiraha Ururka Jaamicadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiikiisa ku qaabilay Danjiraha Ururka Jaamicadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya, Mudane, Abdalla Cuteybi, waxa ayna ka wada hadleen xoojinta iskaashiga ka dhexeeya dowladaha xubnaha ka ah Ururka Jaamicadda Carabta ee ku aaddan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa la wadaagay Danjiraha, guulaha ay ku tallaabsatay dowladda Soomaaliya ee dhinacyada horumarka dhaqaalaha, siyaasadda iyo amniga, waxa uuna uga mahadceliyay doorka Ururka Jaamicadda Carabta wada-shaqaynta wanaagsan ee kala dhexaysa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Danjire Cabdalla Cuteybi, ayaa sheegay in ay dalkeenna imaan doonaan wafdi sare oo ka socda Jaamicadda Carabta kuwaas oo dalka ka hirgalin doona mashaariic, isaga oo xusay doorka wanaagsan ee Soomaaliya ku leedahay horumarinta iskaashiga dalalka ku mideysan Ururka Jaamicadda Carabta.

 

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo furay shirka wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari

0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ahna Guddoomiyaha sanadlaha ah ee Wasiirrada Gaashaandhigga ee wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari (EASF), ayaa maanta si rasmi ah u furay maalinta shanaad ee Shirka 34-aad ee Hay’adaha Sare ee EASF, oo ka socda magaalada Muqdisho.

Wasiir Fiqi oo khudbad muhiim ah ka jeediyay furitaanka, ayaa si diirran u soo dhaweeyay wafdiyada ka socda dalalka xubnaha ka ah EASF, isagoo uga mahadceliyay doorkooda firfircoon iyo sida ay uga go’an tahay nabadda, xasilloonida, iyo iskaashiga difaaca ee gobolka.

“Sharaf weyn bay noo tahay in aan martigelinno shirka sanadlaha ah ee EASF, annagoo guddoon u ah sanadkan. Tani waxay muujineysaa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta nabadda, xasilloonida iyo horumarka gobolka Afrikada Bari,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka ayaa sidoo kale si gaar ah u dul istaagay caqabadaha amni ee ka jira gobolka oo ay ka mid yihiin argagixisada, xagjirnimada, isbeddelka cimilada iyo qalalaasaha siyaasadeed — isagoo ku baaqay in dalalka xubnaha ah ay si wadajir ah uga jawaabaan khatarahaas iyagoo mideysan.

Intii uu khudbaddiisa jeedinayay, Wasiirka ayaa caddeeyay kalsoonida uu ku qabo talooyinka kasoo baxay shirarkii hore ee khubarada iyo taliyeyaasha, wuxuuna xusay in shirkan maanta uu fursad yahay lagu ansixinayo qorshayaal muhiim u ah mustaqbalka EASF.

Wasiir Fiqi ayaa u mahadceliyay Xoghaynta EASF iyo waddamada xubnaha ka ah dadaalkooda joogtada ah, isagoo rajo ballaaran ka muujiyay in shirka Muqdisho uu noqon doono mid lagu xoojiyo iskaashiga iyo nabadda guud ee gobolka Afrikada Bari.

Sidoo kale, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa bogaadiyay dowladaha xubnaha ka ah AUSSOM oo si hagar la’aan ah u garab istaagay Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan xilliyadii adkaa ee lasoo dhaafay. Waxa uu xusay in dadaalladaasi ay horseedeen miro-dhal muuqda oo dhanka nabadeynta ah, taas oo marag u ah in iskaashiga dhab ah uu keeni karo guulo la taaban karo.

Shirka 34-aad ee Wasiirrada Gaashaandhigga dalalka Afrikada Bari oo Mogadishu ka socda

0

Shirka 34-aad ee Wasiirrada Gaashaandhigga dalalka ciidanka heeganka Afrikada Bari oo Maalintii shanaad ka socda Mogadishu.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku rajo weyn tahay in la hirgeliyo himilooyinkii loo aas aasay ururka, isagoo u mahadceliyay dalalka Soomaaliya ka taageera adkeynta amniga gaar ahaan la dagaalanka argagaxisada.

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta si diirran ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Komoros, Mudane Youssoufa Mohamed Ali Wasiirka Komoros ayaa Muqdisho u yimid inuu ka qaybgalo Shirka 34-aad ee Hay’adaha Sare ee Ciidamada Heeganka Afrikada Bari (EASF).

Wasiir Youssoufa Mohamed Ali, oo ka mid ah madaxda sare iyo taliyeyaasha Ciidamada dalalka xubnaha ka ah EASF ee ka qaybgalaya shirkan, ayaa uga mahadceliyay dowladda Soomaaliya soo dhaweynta iyo martigelinta wanaagsan ee loo fidiyay.

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga, Mudane Cumar Cali Cabdi, ayaa dhankiisa hoosta ka xariiqay in ka qaybgalka wasiirrada gaashaandhigga ee dalalka xubnaha ka ah EASF uu yahay caddayn muuqata oo muujinaysa sida ay uga go’an tahay waddamada gobolka inay si buuxda isaga kaashadaan xoojinta nabadda, xasilloonida, iyo difaaca guud ee Afrikada Bari.

Shirkan oo ah mid muhiimad gaar ah u leh amniga gobolka, ayaa lagu wadaa in lagu gorfayn doono qorshayaal iyo istaraatiijiyado lagu horumarinayo awoodda ciidamada EASF iyo ka jawaabista caqabadaha amni ee ka jira gobolka.

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya iyo Itoobiya, oo ujeeddadiisu tahay in lagu qiimeeyo heerka fulinta heshiisyadii laga gaaray shirkii ugu horreeyay ee Guddiga Wasiirrada Wadajirka ah ee ka dhacay Muqdisho, ayaa saaka ka furmay Hotel Hilton ee magaalada Addis Ababa.

Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada Bariga Afrika, ayaa shirka diiradda ku saaraya kordhinta iskaashiga labada shacab, kobcinta ganacsiga iyo dhaqaalaha, xoojinta waxbarashada, caafimaadka, horumarinta xirfadaha dhalinyarada, iyo iskaashiga amniga iyo wadajirka gobolka.

Mudane Mohamed Issac Fatiir, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada Bariga Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, ayaa sheegay in wada-hadallada la xoogga saarayo xoojinta xiriirka dadweynaha labada dal, iyadoo diiradda la saari doono arrimaha amniga, horumarka, iyo riyooyinka ay wadaagaan labada shacab.

Dhankiisa, Mudane Zerihun Abebe, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, ayaa furitaanka shirka ka sheegay in uu gogol xaar u yahay wada-hadallo lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah. Waxa uu tilmaamay in laga doodi doono fursado iskaashi oo cusub, sida ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka, shaqaalaha iyo xirfadaha, iyo duulista rayidka.

Shirkan ayaa labada dhinac diiradda ku saarayaan iskaashiga siyaasadda, amniga, ganacsiga, dhaqanka, dalxiiska, warbaahinta, waxbarashada, caafimaadka, iyo adeegga hawada iyo duulimaadyada.

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad uu xilka kula wareegayay Taliyaha cusub ee Hawlgalka Tababarka Midowga Yurub (EUTM – Somalia), General Marco Manzone.

Wasiirka ayaa taliyaha cusub ugu hambalyeeyay xilka loo igmaday, isagoo u rajeeyay guul iyo inuu sii xoojiyo iskaashiga dhanka tababarka iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay Taliyaha xilka wareejiyay, General Giusseppe Zizzari, dadaalkii iyo hoggaamintii wanaagsanayd ee uu muujiyay intii uu xilka hayay, gaar ahaan doorkiisii muuqday ee horumarinta iskaashiga milatari ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.