Home Blog Page 55

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan la qaatay hoggaanka Ururrada Bulshada Rayidka

0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cabdulqaadir Cilmi ( Cabdul) ayaa kulan la qaatay hoggaanka Ururrada Bulshada Rayidka ah.

Kulanka ayaa looga arrinsaday adkeynta xiriirka labada dhinac, ka wada-shaqeynta hortabinnada qaran, howlaha la xiriira dedaallada Wadajirka bulshada ee xoojinta difaaca iyo ilaalinta Midnimada Dalka Iyo sidoo kale in la iskaashado xal u helidda abaaraha ka jira qeybo badan oo dalka ah.

Mas’uuliyiin ka tirsan ururrada bulshada rayidka ah oo madasha ka hadlay ayaa adkeeyey sida ay mar weliba dowladda ugu garab taaganyihiin difaaca, ilaalinta midnimada iyo madaxbannaanida dalka iyo weliba u qareemidda howlaha lagu badbaadinayo dadka ay waxyeelleeyeen abaaraha.

Dhankiisa, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdulqaadir Cilmi (Cabdul) ayaa bogaadiyay dedaalka Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo kaalinta hormuudnimada leh ee ay ku leeyihiin Geeddiga Dowlad Dhiska Soomaaliya.

Wasiir Fiqi oo sheegay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsan codsiyo u soo dirsadeen dowladda

0

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Khawaarij waaweyn ay si toos ah ula soo xiriirayaan dowladda, iyagoo muujinaya rabitaankooda ah in ay isa soo dhiibaan, isla markaana codsanaya in cafis loo fidiyo.

“Khawaarij waaweyn ayaa nalasoo xiriiraya, iyagoo raba in ay isa soo dhiibaan oo cafis loo fidiyo, kadib markii ay waayeen meel ay ku nabad galaan”ayuu.yiri wasiir Fiqi

Wasiirku wuxuu xusay in arrintan ay timid kadib markii kooxahaasi ay waayeen meel ay ku nabad galaan, isla markaana cadaadis xooggan kala kulmeen howlgallada joogtada ah ee ay wadaan Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga

Waxa uu intaa ku daray in dowladda ay mar walba diyaar u tahay in ay soo dhaweyso cid kasta oo ka tanaasusho fikirka xagjirka ah, kana faa’iideysato barnaamijyada dib-u-dhaqan-celinta iyo cafiska si ay dib ugu biiraan bulshada.

Guddoonka labada Aqal ee BFS oo ganaaxay Xildhibaanno qalalaaso ka sameeyay fadhigii wadajirka ahaa

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo saaray go’aanno rasmi ah oo la xiriira joojinta fadhiyada guud ee wadajirka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka iyo sidoo kale fadhiyada Golaha Shacabka, kaddib qalalaase ka dhacay fadhigii wadajirka ahaa ee labada Aqal, kaas oo qabsoomay 28-kii Janaayo, 2026.

Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu digniin kama dambeys ah u diray xubno ka tirsan Golaha Shacabka oo lagu eedeeyey inay ku lug lahaayeen qalalaasihii ka dhacday fadhigaas, isagoo adkeeyay in la dhowro nidaamka, anshaxa, iyo xeer-hoosaadka Golaha, isla markaana la ilaaliyo sharafta iyo haybadda Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale qoraal kasoo baxay xafiiska Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa looga joojiyay ka-qeybgalka kulamada wadajirka labada Gole tiro 12 kulan ah Senatarrada kala ah Sanatar Leyla Nuur Maax iyo Sanatar Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), kaddib qalalaaso iyo ku xadgudub Xeerhoosaadka Golaha Aqalka Sare oo ay ku kaceen labada Sanatar intii uu socday kulan wadajir ah oo ay labada Gole yeesheen 28-kii Janaayo, 2026.

Qaabilaadihii dublumaasiyiinta iyo Difaaca Qaranka

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay qaabilay wufuud iyo diblumaasiyiin sarsare oo ka socda qaar ka mid ah dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya.

Kulamadan waxa ay qeyb ka yihiin xoojinta difaaca qaranimada kadib duulaankii qaawanaa ee Israa’iil kusoo qaadday midnimada dalkeena.

Qaabilaadda diblumaasiyiinta ayaa ka tarjumaysa sii xoojinta xiriirka caalamiga ah iyada oo la-tixgalinayo shuruucda iyo qawaaniinta dhaqanka diplomaasiyadeed iyo xeerarka u degsan dunida ee ilaalinta qaranimadda dalalka madaxa banaan, iyo in aan la farogalin arrimahooda gudaha.

Booliska Soomaaliya oo xiray dhalinyaro ku Eedeysan qalqal-gelin amni

0

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin dadweyne iyo qalqal-gelin amni.

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Macallin Mahdi, ayaa sheegay in eedeysanaha la horgeyn doono maxkamadda awoodda u leh si sharciga loo waafajiyo.

Sidoo kale, Ciidanka Booliska ayaa xiray eedeysane Yuusuf Xasan Cali (Yuu Boss), kaas oo isagana loo haysto ku lug lahaanshaha kicin dadweyne iyo qalqal-gelin amni.

Horjoogaal Khawaarijta ka tirsan oo lagu khaarijiyay howlgal laga fuliyay Gobolka Hiiraan

0

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaanka Aboorey ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta.

Taliyaha Ururka 8-aad Guutada 18-aad qeybta koowaad ee kumaandooska Gorgor Dhamme Naqiib Cabdullaahi Xersi oo hoggaaminayay howlgalka ayaa xaqiijiyay in la khaarajiyay horjoogayaal ku howlanaa farsameynta qaraxyada si ay shacabka Soomaaliyeed ugu dhibaateeyaan.

Howlgallada ka socda gobollada Dalka ayaa jab xooggan lagu gaarsiiyay Khawaarijta, iyagoo ku waayay horjoogayaal iyo maleeshiyaad tiro badan oo dadka masaakiinta ah dhibaateyn jiray.

Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu, waxa ayna ka wada-hadleen dardargelinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo xoojinta xiriirka taariikhiga ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay sii xoojinayso doorkeeda diblomaasiyadeed, si looga miro-dhaliyo danaha guud ee ay wadaagaan labada dowladood, gaar ahaan xilliyada ay Soomaaliya ku jirto marxaladda muhiimka u ah dib-u-soo-kabashada amniga iyo dhaqaalaha.

Dhankiisa, Danjire Wang Yu ayaa xaqiijiyey in Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha ay ka go’an tahay joogteynta iyo ballaarinta xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal, isaga oo caddeeyey in ay sii xoojinayso taageerada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan amniga, maalgashiga iyo horumarka dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey dowladda Shiinaha taageerada hagar-la’aanta ah iyo garab-istaagga midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isaga oo bogaadiyey doorka muuqda ee Shiinaha ee ku aaddan dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo kaalmada bini’aadanimo.

Soomaaliya oo Ka Qayb gashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Hindiya iyo Carabta

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali , ayaa ka mid ahaa Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta, kuwaas oo kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Hindiya, Mudane Narendra Modi, munaasabadda furitaanka kulankii labaad ee Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Hindiya iyo Carabta, oo lagu qabtay magaalada New Delhi.

Kulankan wuxuu astaan u yahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday xoojinta iskaashiga u dhexeeya Hindiya iyo dalalka Carabta, iyadoo diiradda la saaray horumarinta wada-shaqeyn, wadahadal wax ku ool ah, iyo iskaashi dhab ah oo gacan ka geysanaya xasilloonida iyo barwaaqada wadajirka ah.

Soomaaliya waxay mar kale caddeyneysaa sida ay uga go’an tahay diblomaasiyad dhismeed oo heer gobol ah, iyo dhisidda iskaashiyo miro-dhal ah oo wax ku ool u ah danaha iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir kula qaatay magaalada Jigjiga Madaxda Gobolka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si diirran loogu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha Garaad Wiil-waal ee magaalada Jig-jiga ayaa halkaas kulammo kula qaatay Ra’iisul Wasaare Mudane Abiy Axmed iyo Madaxweyne Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxda Gobolka ayaa Jigjiga kaga arrinsanaya xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Geeska Afrika, xal u helidda caqabadaha taagan iyo xoojinta iskaashiga dhaqaale, iyadoo Dowladda Soomaaliya ay mudnaanta siinayso xoojinta dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu xaqiijinayo adkaynta midnimada iyo qarannimada Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Jigjiga waxa uu ka qeyb galayaa xarig-jarka Mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey Deegaanka Soomaalida, kuwaas oo waxtar leh dhaqaalaha iyo adeegyada Gobolka.

Madaxweynaha JFS oo si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Jigjiga

0

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sidoo kale soo gaaray Jigjiga.

Wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa qeyb ka ah Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Jaamac iyo masuuliyiin kale, Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Mudane Mustafe Cumar ayaa hoggaaminaya soo dhaweynta bulshada deegaanka.