Home Blog Page 54

Maamulka gobolka Banaadir oo go’aan ka soo saaray dhul-boob lagu hayey suuqa Bakaaraha

0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta kormeer ku tagay suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha, si looga jawaabo cabasho maalmahaan kasoo yeereysay ganacsatada suuqa, taasoo ku aaddan shaqsiyaad dhul-boob ka waday qaybo kamid ah suuqa.

Guddoomiyaha oo dhegaystay cabashada shacabka, ayaa waxa uu ku dhawaaqay go’aan kasoo baxay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo ah in aysan jirin cid barakicin karta ganacsatada iyo in uusan jirin amar kasoo baxay maamulka Gobolka Banaadir iyo madaxda Qaranka oo ku aaddan dhulka suuqa Bakaaraha oo ay leedahay dowladda Hoose ee Xamar.

Guddoomiye Muungaab oo arrintaasi ka hadlaayana waxa uu yiri: “Waxaan kusoo baxay qeylo-dhaantiinna, waxaana isoo diray madaxweynaha dalka Dr Xasan Sheekh Maxamuud; ma jiro qof sharciyad u haysta dhulkaan, mana jiro qof ama dad idin barakicin karta ee nabad ku shaqaysta. Qofkii idin soo aado annaga ayaa idinka qaban doonno, dadka damaca uga jiro dhulkaanna waxaan leeyahay iimaanka Alle ha idin geliyo”

Duqa Muqdisho ayaa shaaciyay in ay mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta shacabka iyo hantidooda, isagoo caddeeyay in aysan jirin cid ku xadgudbi karto suuqyada ganacsi ee Muqdisho, sida; Bakaaraha, Suuq Bacaad, Suuqa Xamarweyne iyo dhammaan suuqyada kale, isagoo digniin u diray dadka soo samaystay dokumentiyada been-abuurka ah oo rabo in ay ku qaataan dhulka dowladda.

Kormeerka maanta ee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa waxaa ku wehliyey Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda mudane Maxamed Axmed Diiriye, Agaasimaha Waaxda Suuqyada mudane Nuur Xuseen Xasan iyo Guddoomiyaha degmada Hawl-wadaag mudane Bashiir Cabdi Maxamed.

Ciidanka NISA oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeellaha Hoose

0

Ciidanka gaarka ah ee Gaashaan ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorsheysan oo ay xalay ka fuliyeen deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxa ay guud ahaan ku burburiyeen guri ay Khawaarijtu u isticmaaleysay kaydinta waxyaabaha qarxa, waxaana la beegsaday markii la dhammeystiray xogta ah in halkaas ay dhagaro ugu maleegayeen shacabka Soomaaliyeed.

Seddaxdii bishii hore ee Juun, howlgal sidaan oo kale ay Ciidanka Gaashaan ka fuliyeen isla deegaanka Dhanaane waxaa lagu dilay Horjoogihii Khawaarijta u qaabilsanaa deegaannada Dhanaane, Jilib Marka iyo Gandarshe.

 

 

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo gaaray Magaalada Baydhabo

0

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta gaaray magaalada Baydhaba, xarunta gobolka Baay, iyagoo halkaas u tagay howlo shaqo iyo kormeer amni.

Wafdiga Wasiirka waxaa si rasmi ah u soo dhaweeyay Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Xasan Cabduqaadir Maxamed, oo ay weheliyaan saraakiil sare oo ka tirsan hay’adaha amniga, iyo sidoo kale Guddoomiyaha Degmada Baydhaba.

Wafdiga Wasiirka Amniga Gudaha ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah: Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee XFS, Mudane Isaaq Maxamuud Mursal iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta XFS, Mudane Maxamed Aadan Maxamed.

Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta

0

Waxaa jira digniino ku aadan halista kooxda Khawaarijta ah ay mar walba la maagan yihiin shacbiga Soomaaliyeed, waxaana loo baahan yahay in laga digtoonaado, gaar ahaan lacagaha ay Baadda kaga aruuradaan Dadka kaalmada u baahan, iyadoo ay inta badan ay ku badan yihiin Dhulka Miyiga ah iyo kuwa Beeraleyda ah oo ay si khasab ah Lacago uga qaata.

Dhawaan waxaa Kulanka isugu yimid 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 k𝐚 h𝐨𝐫𝐭𝐚𝐠𝐠𝐚 𝐋𝐚𝐜𝐚𝐠 d𝐡𝐚𝐪𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 l𝐚 d𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐫𝐠𝐚𝐠𝐢𝐱𝐢𝐬𝐚𝐝𝐚 oo uu shir-guddoominayay Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa waxaa looga dooday sidii loo dar-dar galin lahaa qorshe yaasha ka dhanka ah dhaqaale uruuriska kooxda argagixisada khawaarijta ah ee inta badan dhibaatooyin ku haya bulshada Soomaaliyeed, waxaa ka mid ahaa xubnaha Guddiga ee kala ah:- Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Cadaaladda, Wasaaradda Amniga, Wasaaradda Ganacsiga, Wasaaradda Isgaarsiinta, Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA, Hey’adda Warbixinada Maaliyadda iyo Hay’adda isgaarsiinta Qaranka ayaa ugu dambeyntii laga soo saaray War-murtiyeedk hoos ku xusan.

𝐇𝐎𝐑𝐌𝐔𝐌𝐀𝐑𝐊𝐀 𝐋𝐀𝐆𝐀 𝐆𝐀𝐀𝐑𝐀𝐘 𝐃𝐄𝐆𝐀𝐀𝐋𝐀𝐃𝐀 𝐊𝐀 𝐃𝐇𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐀𝐇 𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐊𝐎𝐎𝐗𝐀𝐇𝐀 𝐊𝐇𝐀𝐖𝐀𝐀𝐑𝐈𝐉𝐓𝐀 AH

War-saxaafadeedka kulankaasi kadib la soo saary ayaawaxaa lagu yiri:- “Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa ay xoojisay dadaallada lagu burburinayo dhaqaalaha & maaliyadda kooxaha argagixisada ay u adeegsadaan maalgelinta hawlgalladooda guracan. Dowladdu waxay dejisay qorshe gaar ah oo lagu cuuryaaminayo dhaqaalaha argagixisada, si loo xaqiijiyo amniga, loogana hortago khataraha argagixisada. Qorshaha cuuryaaminta maaliyadda argagixisadu, waa xeelado iyo tallaabooyin kala duwan oo loogu talagalay in lagu aqoonsado, la baaro, la xannibo, cadaaladana la horgeeyo. dhaq-dhaqaayada maaliyadeed ee sharci darrada ah”.

Qorshahan wuxuu dowladda ka caawiyay la-dagaalanka maalgelinta argagixisada & wuxuuna xoojiyey hufnaanta guud ee nidaamka maaliyeed dalka, isla markaana horseeday kobaca dhaqaalaha & xasiloonida dalka.

Inta u dhaxeysay 1da Janaayo ilaa 30ka June 2025-ka, dowladda ayaa qaaday tallaabooyin muhiim ah oo loo qorsheeyey in lagu bartilmaameedsado dhaqaalaha kooxaha khawaarijta, waxaana la gaaray guulaha hoose:

•𝐖𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐥𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐤𝐚 𝐛𝐚𝐝𝐚𝐧 𝟓𝟕𝟓 𝐭𝐞𝐥𝐞𝐟𝐨𝐧 𝐥𝐚𝐦𝐛𝐚𝐫 𝐨𝐨 𝐚𝐲 𝐚𝐫𝐠𝐚𝐠𝐢𝐱𝐢𝐬𝐚𝐝𝐮 𝐮 𝐚𝐝𝐞𝐞𝐠𝐬𝐚𝐧 𝐣𝐢𝐫𝐞𝐞𝐧 𝐜𝐚𝐛𝐬𝐢-𝐠𝐞𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚, 𝐡𝐚𝐧𝐣𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝𝐝𝐚, 𝐮𝐫𝐮𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 & 𝐤𝐞𝐲𝐝𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐥𝐚𝐜𝐚𝐠𝐚𝐡𝐚 𝐛𝐚𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐚𝐡.

•𝟐𝟏 𝐱𝐢𝐬𝐚𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐛𝐚𝐧𝐠𝐢 (𝐁𝐚𝐧𝐤 𝐀𝐜𝐜𝐨𝐮𝐧𝐭𝐬) 𝐚𝐲 𝐢𝐬𝐭𝐢𝐜𝐦𝐚𝐚𝐥𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐚𝐫𝐠𝐚𝐠𝐢𝐱𝐢𝐬𝐚𝐝𝐚 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐥𝐚 𝐱𝐢𝐫𝐚𝐲

•𝐈𝐧 𝐤𝐚 𝐛𝐚𝐝𝐚𝐧 𝟖𝟖 𝐱𝐢𝐬𝐚𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐠𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢 (𝐌𝐞𝐫𝐜𝐡𝐚𝐧𝐭𝐬) 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨 𝐢𝐬𝐭𝐢𝐜𝐦𝐚𝐚𝐥𝐚𝐲𝐚𝐲 𝐮𝐫𝐮𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐥𝐚𝐜𝐚𝐠𝐚 𝐛𝐚𝐚𝐝𝐚 𝐚𝐡 & 𝐥𝐚𝐜𝐚𝐠 𝐝𝐡𝐚𝐪𝐢𝐝𝐚 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐢𝐝𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐞 𝐥𝐚 𝐱𝐢𝐫𝐚𝐲.

•𝐖𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐜𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐥𝐚 𝐡𝐨𝐫𝐠𝐞𝐞𝐲𝐞𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐨 𝐛𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐭𝐢𝐫𝐬𝐚𝐧𝐚𝐚 𝐤𝐨𝐨𝐱𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐫𝐠𝐚𝐠𝐢𝐱𝐢𝐬𝐚𝐝𝐚 𝐤𝐮𝐰𝐚𝐚𝐬 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐠𝐚𝐚𝐫 𝐚𝐡 𝐮𝐠𝐮 𝐡𝐨𝐰𝐥𝐚𝐧𝐚𝐚 𝐮𝐫𝐮𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐥𝐚𝐜𝐚𝐠𝐚𝐡𝐚 𝐛𝐚𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐥𝐚𝐠𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐝𝐨 𝐠𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐬𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛𝐤𝐚

•𝐖𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐬𝐢 𝐠𝐮𝐮𝐥 𝐥𝐞𝐡 𝐥𝐨𝐨 𝐛𝐚𝐫𝐭𝐢𝐥𝐦𝐚𝐚𝐦𝐞𝐞𝐝𝐬𝐚𝐝𝐚𝐲 𝐥𝐚𝐧𝐚 𝐤𝐡𝐚𝐚𝐫𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐡𝐨𝐫𝐣𝐨𝐨𝐠𝐚𝐲𝐚𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐭𝐢𝐫𝐬𝐚𝐧 𝐚𝐫𝐠𝐚𝐠𝐢𝐱𝐢𝐬𝐚𝐝𝐚, 𝐤𝐮𝐰𝐚𝐚𝐬i 𝐨𝐨 𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐬𝐚𝐚𝐧𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚, i𝐲𝐚𝐝𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐰𝐞𝐲𝐧 𝐥𝐨𝐨 𝐰𝐢𝐢𝐪𝐚𝐲 𝐡𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐢𝐬𝐤𝐮 𝐱𝐢𝐫𝐧𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐛𝐚𝐤𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐤𝐨𝐨𝐱𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐫𝐠𝐚𝐠𝐢𝐱𝐢𝐬𝐚𝐝𝐚

•𝐖𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐥𝐚 𝐛𝐮𝐫𝐛𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐛𝐚𝐫𝐨 𝐤𝐚𝐧𝐭𝐚𝐫𝐨𝐨𝐥𝐨 𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐨𝐱𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐫𝐠𝐚𝐠𝐢𝐱𝐢𝐬𝐚𝐝𝐚 𝐮 𝐚𝐝𝐞𝐞𝐠𝐬𝐚𝐧𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐮𝐫𝐮𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐥𝐚𝐜𝐚𝐠𝐚𝐡𝐚 𝐛𝐚𝐚d𝐝𝐚 𝐚𝐡 & 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐦𝐨 𝐥𝐚𝐜𝐚𝐠𝐚𝐡𝐚 𝐤𝐮 𝐤𝐞𝐲𝐝𝐢𝐲𝐨.

“Dowladdu waxay ku guuleysatay dadaalladan iyada oo kaashanayso shacabka & shirkadaha ganacsiga ee gaarka loo leeyahay. waxaana wacyigelin ballaaran loo sameeyey bulshada si ay uga digtoonaadaan khataraha maalgelinta khawaarijta, isla markaana uga qayb qaataan la dagaalanka maalgeinta khawaarijta iyo sidoo kale, dadaalladan ayaa ka hirgalay xeerarka kala duwan ee dowladda. Ujeeddadu waa in la dhiso iskaashi qaran oo mideysan, lagana hortago khataraha khawaarijta xeer kasta” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda Federaalka, ayaa xustay in iyadoo ka duulayso waajibaadka dastuuriga ah ee ka saran dhowrista sharciga, iyo ilaalinta shacabka Soomaaliyeed, ayaa sheegtay inay ka go’an tahay fulinta qorshayaasha qaran ee ka-hortaga lacag dhaqida iyo la-dagaalanka maalgelinta argagixisada.

Ugu dambeyn, dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag uga digaysaa in bulshada iyo ganacsatada Soomaaliyeed ay ku lug yeeshaan falalka la xiriira baadda ay argagixisada shacabka ka qaado, sida bixinta, uruurinta, fududeynta lacagaha ama agab loo isticmaali karo hawlaha argagixisada. Qof kasta oo lagu helo maalgelin argagixiso, waxaa laga qaadi doonaa taabooyin adag oo sharciga waafaqsan.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga XFS Maxamuud Abuukaate oo kulankaasi ka hadlay ayaa yiri:- “Waxaan ganacsatada uga digeynaa inay lacago baad ah siiyaan khawaarijta.”

Haddaba qoraal ay soo saartay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), kaasi oo daba socd qoraalka ay soo saareen Guddigaasi ayaa lagu sheegay in ay dabagal iyo baaris ku haysaa hantida iyo dhaq-dhaqaaqyada maaliyadeed ee Argagixisada, waxa ayna si gaar ah isha ugu haysaa uruurinta Baadda ay Khawaarijtu ugu yeerto Zakawaadka. Sidaas darteed ayuu lagu yiri qoraalka , “ganacsatada iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed, waxaa looga digayaa in ay qayb ka noqdaan ama ay ku lug yeeshaan arrinkaasl”.

Qoraalka ayaa waxaa lagu yiri:- “Qof kasta oo bixiya Baadda ay Khawaarijtu ugu yeerto Zakawaadka, waxa uu ku dhacayaa dembiyada maalgelinta Argagixisada ee ku xusan shuruucda dalka, iyo xeerarka caalamiga ah ee khuseeya ka-hortagga iyo la-dagaalanka maalgelinta Argagixisada. Haddaba, ciddii lagu helo bixinta Baadda Argagixisada, waxaa laga qaadayaa tallaabo deg-deg ah oo waafaqsan shuruucda dalka iyo go’aannada maamul ee khuseeya. Ganacsade/muwaadin, waxaa lagu xasuusinayaa in Hay’adaha amniga ee ay khusayso aad la soo wadaagto wax kasta oo la xiriira Baadda ay Khawaarijtu qaaddo iyo culays kasta ee aad Argagixisada kala kulantid.

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qeybgalay kulan looga hadlayay adkeynta dhaqanka

0

Danjire Jabriil Ibrahim Cabdulle iyo xubno ka tirsan Dublamaasiyiinta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa ka qaybgalay xaflad aad u qiimo badan oo lagu xusayay Xarunta Cilmi Baarista iyo wax-akhriska ee Awjaamac Cumar Ciise. Xarunta oo jirsatay mudo Labo iyo toban sano ah ayaa ah mid ka turjumeysa hidaha iyo aqoonta iyo midnimada umadda Soomaaliyeed.

Xaruntani ayaa ah buundo isku xirta jiilasha soo koraya iyo odoyaasha dhaqanka, dhallinyaraduna codkooda ku dhiibtaan, Soomaalinimadana lagu xuso, lagu ilaaliyo, laguna gudbiyo dhanka iyo taariikhda Soomaaliya iyada oo la isticmaalayo aaladaha sida; Sheekooyin, gabayo, doodo, farshaxan iyo bandhigyo. xarunta ayaa u taagan tahay ilaalinta hidahayada iyo dhaqankeena hodanka ah.

Xafladdii xalay ayaa aqoonsi gaar ah lagu siiyay mutadawiciinta ka shaqeeya Xarunta taabagaliyayna barnaamijyada xarunta soo gudbiso.

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle oo ka hadlay xafladda ayaa yiri, “Waxaa aad ii qiiro galiyay sheekooyinka iyo aragtida caawa lagu soo bandhigay xafladaan, taas oo nawada xasuusisay in dhaqankeena nool yahay”

Danjire Jabriil iyo Marwa Fardowso Jaamac Yuusuf ayaa gudoonsiiyay shahaado Sharaf dadkii kaalinta ka geeystay guulaha ay xarunta gaartay..

 

 

 

Hay’adda NISA oo baaris ku haysa hantida iyo dhaqdhaqaaqa maaliyadeed ee argagixisada

0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugidda Qaranka (NISA), waxa ay dabagal iyo baaris ku haysaa hantida iyo dhaq-dhaqaaqyada maaliyadeed ee Argagixisada, waxa ayna si gaar ah isha ugu haysaa uruurinta Baadda ay Khawaarijtu ugu yeerto Zakawaadka. Sidaas darteed, ganacsatada iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed, waxaa looga digayaa in ay qayb ka noqdaan ama ay ku lug yeeshaan arrinkaas.

Qof kasta oo bixiya Baadda ay Khawaarijtu ugu yeerto Zakawaadka, waxa uu ku dhacayaa dembiyada maalgelinta Argagixisada ee ku xusan shuruucda dalka, iyo xeerarka caalamiga ah ee khuseeya ka-hortagga iyo la-dagaalanka maalgelinta Argagixisada. Haddaba, ciddii lagu helo bixinta Baadda Argagixisada, waxaa laga qaadayaa tallaabo deg-deg ah oo waafaqsan shuruucda dalka iyo go’aannada maamul ee khuseeya.

Ganacsade/muwaadin, waxaa lagu xasuusinayaa in Hay’adaha amniga ee ay khusayso aad la soo wadaagto wax kasta oo la xiriira Baadda ay Khawaarijtu qaaddo iyo culays kasta ee aad Argagixisada kala kulantid.

 

Wasiirka Gaashaanshiga Jasiiradda Komoros oo si hab-maamuus leh looga sagootiyay Muqdisho

0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cumar Cali Cabdi, oo uu wehlinayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, ayaa maanta si hab maamuus sare leh ugu sagootiyay Wasiirka Gaashaandhigga ee Jasiiradda Komoros, Mudane Yousoufa Mohamed Ali, Taliyaha Ciidanka Difaaca Rwanda, General Mubarakh Muganga iyo wakiillo kala duwan oo ka socday dalalka xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari (EASF), kuwaas oo ka qeybgalay Kalfadhiga 34-aad ee Hay’adaha Siyaasadda ee EASF, oo muddo shan maalmood ah ka socday magaalada Muqdisho.

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay dhammaan wufuudda iyo ka-qaybgalayaasha shirka, kuwaas oo door muuqda ka qaatay wada-hadalladii muhiimka ahaa ee looga gol lahaa xoojinta iskaashiga Ciidanka Heeganka, adkeynta amniga gobolka, iyo kobcinta wadajirka siyaasadeed iyo ciidan ee dalalka ku midoobay EASF.

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa yiri “ Waxaan rajeyneynaa inaan sii wadno iskaashiga iyo horumarka aan wadaagno ee amniga si loo xaqiijiyo xasiloonida iyo barwaaqada goobolka Bariga Afrika”.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo 300 ka tirsan shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar u wareejiyay Waaxda Nadaafada

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa 300 oo ka tirsan shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar u wareejiyay Waaxda Nadaafada iyo Bilic soo celinta Dowladda Hoose ee Xamar si loo dardargeliyo Nadaafada iyo Bilicda Caasimadda.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Maamulka Gobolka uu muddooyinkaanba ku howlanaa; dib u qaabeynta iyo howlgelinta shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar, dib-u-habeynta nidaamka maaliyadda iyo sameynta xeer nidaamiye qaabeynaya shaqada shaqaalaha, si qof weliba uu u heli xuquuqdiisa aasaasiga ah, isla markaana bulshada caasimadda ay u helaan adeegyada ay ugu baahan yihiin dowladda hoose ee xamar.

“Bulshada canshuur bixiyeyaasha ah waa in ay helaan adeegyada kala duwan ee aasaasiga ah sida; in ay helaan dugsiyo waxbarasho oo lacag la’aan ah, adeeg caafimaad, jidad hagaagsan oo nadaafad iyo bilic leh” ayuu yiri Guddoomiye Muungaab oo xusay in canshuurta laga qaado muwaadinka uu noqon doonno mid dib loogu celiyo.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sheegay in waaxda nadaafada aysan noqon doonin mid ku shaqeysa oo kaliya iskoobe, balse dhawaan ay heli doonaan gawaari waa weyn oo casri ah, xarumo iyo xafiisyo ay ku shaqeeyaan.

Wasiirka Beeraha oo daah furay tababar 30-dhallinyaro ah lagu barayo cilad bixinta iyo ku shaqeenta cagafta

0

Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka JFS Xil. Mohamed Abdi Hayir ayaa daah furay barnaamijka tababarka farsmada gacanta ee cagafyada kaas oo 30 dhalinyaro lagu bari doono cilad bixinta iyo ku shaqeenta cagafta.

Tababarkaan oo ay iska kaashan doonaan wasaarada Beeraha iyo Waraabka JFS, shirkada Gaalooge iyo shirkada CASE IH ee dalka Italy ayaa socon doono mudo lix bilood ah.

Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Jamuuriyada Fadaralka Somaliya iyo Shirkada Gaalooge ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo lagu xoojinaayo iskaashiga labada dhinac ee tababarka farsama yaqaanada, bandhigyada iyo tijaabinta qalabka beeraha iyo hormarinta tiknoolijiyada beeraha dalka.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS ayaa dadaal badan ku bixineysa sida loo soo saari lahaa dhalinyaro farsamo yaqaano iyo injineero beeraha ah kuwaas oo awood u leh inay xaliyaan caqabadaha beeralayda Soomaaliyeed ka heesta dhanka mashiinada iyo tiknoolijiyada beeraha.

Afhayeenka Gaashaandhigga oo ka warbixiyay howlgallo Ciidamada Qaranka ku dileen xubno katirsan khawaarijta

0

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Sheekh Abuukar Macalin, ayaa ka warbixiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee ay Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha Xaq u Dirirka deegaanka ka sameeyeen gobollada Galgaduud, Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Afhayeenku wuxuu sheegay in deegaanka Xiingaduud, oo u dhexeeya Camaara iyo Qod-qod, lagu dilay 11 xubnood oo ka tirsanaa khawaarijta, howlgalkaasna ay si wadajir ah u fuliyeen ciidanka Xaq u Dirirka deegaanka iyo kuwa Ahlusunna Waljamaaca. Howlgalku wuxuu dhacay sidii loo qorsheeyay, waxaana jab xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in howlgallo kale oo ay fuliyeen Kumaandooska Danab laga fuliyay deegaanada Miido iyo Harboole oo katirsan gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo lagu khaarajiyay horjooge sare oo lagu magacaabo Ibraahim Cabdi Raxmaan Sambuur, kaasoo khawaarijta la shaqeynayay tan iyo 2010-kii.

Afhayeenku ayaa bogaadiyay guulaha isdabajooga ah ay gaarayaan ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa degaaanka oo gobolada dalka ka wada howlagallo culus oo ka dhan ah khawaarijta.