Home Blog Page 54

Soomaaliya iyo Ruushka oo kala saxiixday heshiis is afgarad Caafimaad

0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Mudane Dr. Cali Xaaji Adam, iyo Wasiir-ku-xigeenka Caafimaadka ee Dowladda Federaalka Ruushka Mudane Oleg Salagay, ayaa magaalada Geneva ku kala saxiixday Heshiis Is-afgarad (MoU) lagu xoojinayo iskaashiga caafimaad ee labada dowladood.

Heshiiskan ayaa ka turjumaya xiriirka qotada dheer ee dhinaca caafimaadka labada dowladood, isaga oo diiradda saaraya horumarinta nidaamka daryeelka caafimaadka, tayaynta iyo tababaridda shaqaalaha caafimaadka, wadaagidda khibradaha iyo cilmi-baarista, ka hortagga iyo daaweynta cudurrada faafa iyo kuwa aan faafin, nidaaminta daawooyinka iyo qalabka caafimaadka, daryeelka hooyada iyo dhallaanka, hirgelinta tiknoolajiyada dhijitaalka ah, daawada nukliyeerka, iyo dhiirrigelinta dalxiiska caafimaadka.

Iskaashigan cusub ayaa door muhiim ah ka qaadanayaa horumarinta tayada adeegyada caafimaadka iyo xoojinta awoodda hay’adaha caafimaadka ee dalka.

Wasiirrada labada dal oo kulan gaar ah yeeshay, ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka qotada dheer ee dhinaca caafimaadka, iyagoo adkeeyay in heshiiskan is-afgaradka ah loo dhaqan-geliyo si wax ku ool ah, loogana miro-dhaliyo natiijooyin muuqda oo u adeegaya danaha wadajirka ah.

 

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen guddiga heer qaran ee la-dagaallanka tahriibinta iyo ka ganacsiga dadka

0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa guddoomiyay shir ay yeesheen guddi heer qaran ah oo dhowaan uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, kuwaas oo ka shaqeynaya arrimaha la-dagaallanka tahriibinta iyo ka ganacsiga dadka.

Shirka waxaa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Wasiiru Dowladaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyo Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta dadaallada lagu ciribtirayo tahriibinta iyo ka ganacsiga dadka, iyo xoojinta iskaashiga hey’adaha dowladda ee ku hawlan arrimahan.

Kulan Muqdisho ku dhexmaray Wasiirka Gaashaandhigga XFS & Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Danjire Francesca Di Mauro.

Intii uu kulanku socday, Wasiirka waxaa lala wadaagay warbixin ku saabsan adeegyada caafimaadka, taageerada farsamo iyo tan agab ee Midowga Yurub ku taageero Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo awoodda iyo diyaar-garowga ciidamada.

Kulankan waxa uu ku soo beegmay munaasabadda wareejinta agab, gaadiid iyo dhammaysitirka mashaariicda ay ka mid yihiin dhismaha Xarunta Dhaxe ee War-Isgaarsiinta ee Villa Baydhabo iyo dhismaha Usbitaalk Qaybta 27-aad ee CXDS ee Buulo Burde.

Kulanka waxaa goob-joog ka ahaa Taliyaha Xarunta Hawlgallada Wadajirka ah (JOCC), Sareeye Gaas Maxamed Bariise, wakiillo ka socda Hawlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM-S), Xafiiska Qaramada Midoobay ee Adeegyada Mashaariicda (UNOPS), iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS).

Ra’iisul Wsaaraha XJFS oo xarigga ka jaray waddo casri ah oo laga hirgaliyey Degmada Wadajir ee Muqdisho

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray waddo casri ah oo dhererkeedu yahay ku dhowaad 2km, taas oo laga hirgeliyey Degmada Wadajir, gaar ahaan Buulo-Xuubey, dhismaha waddadan oo qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda DanQaran ay ku horumarinayso kaabayaasha muhiimka ah ee Caasimadda Muqdisho.

Waddadan ayaa Ra’iisul Wasaaruhu horey u dhagax-dhigay 4-tii Nofeember 2025, waxaana lagu hirgeliyey muddo 3 bilood gudahood, iyada oo loo dhisay si casri ah, tayo sare leh, taas oo muujineysa isbeddelka dhanka dhismaha waddooyinka ee ka jira caasimadda, si loo helo dhismaha kaabayaal waara oo u adeegaya shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in horumarka kaabayaasha dhaqaalaha ee Caasimadda uu yahay tiir muhiim u ah kobaca dhaqaalaha, fududeynta isku socodka, qurxinta bilicda magaalada iyo xoojinta amniga, isaga oo tilmaamay in waddadan ay door weyn ka qaadan doonto isbeddelka muuqaalka Degmada Wadajir.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in 10 sano ka hor aan la filayn in xaafaddan ay gaarto heerkan horumarineed, balse dadaal wadajir ah oo u dhexeeya Xukuumadda DanQaran, Maamulka Gobolka Banaadir iyo shacabka ay suuragelisay in Muqdisho ay maanta ka mid noqoto caasimadaha sida xawliga ah u kobcaya ee caalamka, isaga oo uga mahadceliyey maamulka gobolka Banaadir dadaalka ay ku bixinayaan horumarinta caasimadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan deegaanka in ay ilaashadaan, amniga, bilicda, quruxda waddooyinka iyo hantida danta guud, isla markaana ay ka shaqeeyaan in magaca iyo sumcadda Muqdisho aan dib loogu celin dhibkii ay soo martay. Isaga oo sidoo kale, kula dardaarmay in dhirayn iyo cagaarin lagu daro dhismaha waddooyinka, si loo helo magaalo qurux badan.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu xusay in Xukuumadda DanQaran ay sii wadi doonto hirgelinta mashaariic waaweyn oo horumarineed, kuwaas oo wax ka beddelaya nolosha shacabka, isla markaana xoojinaya kaalinta Muqdisho ee caasimad casri ah.

Wafdi sare oo uu horkacayo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo gaaray Baydhabo

0

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa-bannaan iyo Xuduudaha Qaranka Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, Guddoomiye Mudane Yuusuf Cabduqaadir Maxamed iyo Xoghayaha Gudiga Mudane Xuseen Nuunow Cali ayaa maanta soo gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Socdaalka Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa qayb ka ah kormeer iyo wadatashi ku saabsan hawlaha doorashooyinka iyo qiimeynta diyaar-garowga habsami u socodka howlaha la xiriira geeddi-socodka dimuqraadiyadda dalka.

Inta uu ku sugan yahay Baydhabo, Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa-bannaan iyo Xuduudaha Qaranka iyo wafdigiisa waxa ay kulamo la yeelan doonaan mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dowlada Koonfur Galbeed, oo ugu Horeeyo Madaxweyne Laftagareen si ay uga wada hadlaan dardargelinta.

Wasiirka caafimaadka oo Geneva uga qaybgalay shirka guddiga fulinta hay’adda WHO

0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee JFS, H.E. Dr. Ali Haji Adam Abubakar, iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka qayb galay furitaanka Shirka 158aad ee Guddiga Fulinta Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), kaas oo si rasmi ah uga furmay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Shirkan, oo sanadkiiba mar la qabto, ayaa ah madal muhiim ah oo lagu dejiyo jihada, go’aamada, iyo siyaasadaha hannaanka caafimaadka dunida. Soomaaliya ayaa kamid ah 34-ta dowladood ee xubnaha ka ah Executive Board-ka WHO, taas oo muujinaysa kaalinta iyo codka ay Soomaaliya ku leedahay go’aannada heer caalami ee caafimaadka.

Ka qaybgalka Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa xoojinaya doorka firfircoon ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee hoggaaminta, iskaashiga, iyo horumarinta nidaamka caafimaadka dunida, iyadoo mudnaanta la siinayo danaha iyo baahiyaha caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed.

 

Wasiirka Gaashaandhigga oo daahfuray Kulanka Furitaanka Golaha Difaaca Qaranka

0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta daahfuray Kulanka Furitaanka Golaha Difaaca Qaranka, kaas oo ah madal istaraatiiji ah oo muhiim u ah xoojinta maamulka difaaca, kor u qaadista isku-duwidda hay’adaha amniga iyo mideynta hawlgallada iyo dib-u-habaynta Ciidanka.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa:

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta Mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh,Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag,Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mudane Cali Balcad,La-taliyaha Amniga Qaranka Danjire Aweys Xaaji Yuusuf,sii hayaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage,Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,Taliyayaasha qeybaha ciidamada,Safiirada saaxiibbada caalamka iyo wakiillada ururada caalamiga ah ee dalka jooga.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in Golaha Difaacu uu door muhiim ah ka qaadan doono hagidda jihada istaraatiijiga ah ee difaaca dalka, isla markaana uu noqon doono madal lagu mideeyo yoolalka hawlgallada, dib-u-habaynta hay’adaha, iyo go’aannada hoggaamineed ee heer qaran, si loo xaqiijiyo nidaam difaac oo isku-dhafan, hufan, isla markaana waafaqsan istaraatiijiyadda qaranka.

Sidoo kale, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay horumarinta awoodda ciidanka, isagoo tilmaamay in sugidda amniga mustaqbalka Soomaaliya lagu xaqiijin karo dhisme ciidan oo xirfad leh, isla markaana leh awood hawlgal iyo mid dhaqaale.

Ugu dambeyn Wasiir Fiqi ayaa carrabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si qorsheysan ula wareegayso masuuliyadda buuxda ee amniga dalka, isagoo xusay in Wasaaradda Gaashaandhiggu ay sii wadi doonto iskaashiga saaxiibbada caalamka si loo hirgeliyo Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya iyo qorshaha kala-guurka amni.

Ciidanka NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorshaysan oo ay shalay ka fuliyeen deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ku beegsaday guri ay shir ku lahaayeen Horjoogeyaal ka tirsan Khawaarijta, waxaana halkaas lagu dilay 13 dhagar-qabe oo shan ka mid ah ay ahaayeen Horjoogeyaal.

Horjoogeyaasha dhiigya-cabka ah ee la beegsaday ayaa u fadhiyay kulan ay doonayeen in ay ku maleegaan shirqoollo argagixiso iyo in ay dadka deegaanka ku cadaadiyaan in ay taageero qasab ah ka helaan, balse Sirdoonka qaranka ayaa beeniyay dhagartooda, kadib markii halkaas lagu soo afjaray dhaq-dhaqaaqii ay wadeen.

Horjoogeyaasha la dilay waxa ay kala ahaayeen; Macallin Caseyr, Macallin Muxumed Axmed Xasan, Shiikh Cali Guuraale , Cabdiraxmaan Shiikh Cali (C/raxmaan Dhegey), iyo Macallin Caadey, kuwaas oo Khawaarijta u kala qaabilsanaa falalka argagixiso ee ay ka fulin jireen Gobollada Shabeellaha Dhexe, Galgaduud iyo Bay.

Ilaa siddeed dhagar-qabe oo ay ku jiraan seddax Horjooge ayaa sidoo kale howlgalkan lagu gaarsiiyay dhaawacyo culus, waxayna kala yihiin Horjoogeyaashaasi; Cali Macallin Xasan, Cabdullaahi Muxudiin Maxamed Rooble (Bukuri) iyo Cabdiraxmaan Axmed Diini.

Ugu dambeyn, waxaa lagu wargelinayaa dadka rayidka ah, in ay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin Khawaariijta, oo mar kasta bartilmaameed u ah Ciidanka Qaranka.

Fadlan muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Al-Shabaab/Daacish la wadaag NISA: 199 / 0770747474 / 0620545454

Wasiirka Tamarta oo kormeer shaqo ku tagay xarumo koronto bilaash ah ay wasaaraddu ka hirgalisay Dhuusamareeb

0

Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS, Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa kormeer shaqo ku tagay xarumo caafimaad iyo waxbarasho oo ku yaalla magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo Wasaaraddu ka hirgelisay koronto bilaash ah oo ka mid ah Mashruuca Soo Kabashada Korontada Soomaaliya (ILAYS).

Wasiirka, oo ay weheliyeen Wasiiru-Dowlaha iyo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda, ayaa booqday dhismaha Wasaaradda Tamarta Galmudug, Isbitaalka Weyn ee Dhuusamareeb iyo dugsi ku yaalla magaalada. Maamulka Isbitaalka ayaa sheegay in korontadu si weyn u horumarisay adeegyada caafimaadka isla markaana ay ka maareen kharashkii korontada.

Wasiir Bidhaan ayaa adkeeyey muhiimadda ilaalinta nidaamyada tamarta qoraxda si adeeggu u noqdo mid waara, isagoo xusay in mashruuca ILAYS uu mudnaan siinayo xarumaha adeegyada bulshada, kana tarjumayo himilooyinka Madaxda Qaranka ee helitaanka koronto la awoodi karo iyo biyo waara.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan la qaatay hoggaanka Ururrada Bulshada Rayidka

0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cabdulqaadir Cilmi ( Cabdul) ayaa kulan la qaatay hoggaanka Ururrada Bulshada Rayidka ah.

Kulanka ayaa looga arrinsaday adkeynta xiriirka labada dhinac, ka wada-shaqeynta hortabinnada qaran, howlaha la xiriira dedaallada Wadajirka bulshada ee xoojinta difaaca iyo ilaalinta Midnimada Dalka Iyo sidoo kale in la iskaashado xal u helidda abaaraha ka jira qeybo badan oo dalka ah.

Mas’uuliyiin ka tirsan ururrada bulshada rayidka ah oo madasha ka hadlay ayaa adkeeyey sida ay mar weliba dowladda ugu garab taaganyihiin difaaca, ilaalinta midnimada iyo madaxbannaanida dalka iyo weliba u qareemidda howlaha lagu badbaadinayo dadka ay waxyeelleeyeen abaaraha.

Dhankiisa, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdulqaadir Cilmi (Cabdul) ayaa bogaadiyay dedaalka Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo kaalinta hormuudnimada leh ee ay ku leeyihiin Geeddiga Dowlad Dhiska Soomaaliya.