Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga XFS oo kulan la qaatay ku xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Date:

Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Hassan Adan ayaa kulan mira-dhal ah la yeeshay ku xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ahna isku duwaha howgallada arrimaha bani’aadannimo ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mudane Adam Abdelmoulu.
Labada dhinac ayaa ka wadahadlay xoojinta iskaashiga wadajirka ah ee lagu horumarinayo kalluumeysiga gudaha, Dhaqaalaha badda, iyo abuuridda fursado ay dadka Soomaaliyeed uga faa’iideysan karaan kheyraadka badda.
Wasiir Ahmed ayaa ku xigeenka ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya la wadaagay in Xukuumadda Soomaaliya ay ka go’an tahay inay xoojiso wax soosaarka gudaha, si dadka Soomaaliyeed uga maarmaan deeqaha dibadda sidaa darteed ka wasaarad ahaana ay doonayaan in arrimaha horumarinta kalluumeysiga gudaha muhiimad gaar ah la siiyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...