Galmudug oo Bogaadisay qabashada ciidamada Qaranka ee Maanta Deegaanka Ceelhuur ee Gobolka Mudug

Date:

Bayaan ka soo baxay Madaxtooyada dowlad goboleedka Galmudug ayaa lagu bogaadiyey howlgal ciidamada xoogga dalka, daraawiishta Galmudug iyo ciidanka kacdoonka ee dib u xoreynta ay maanta Khawaarijta uga xoreeyeen deegaanka Ceelhuur ee gobolka Mudug.

“Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa bogaadiyay ciidamada qalabka sida, Daraawiishta Galmudug iyo Kacdoonka shacabka ee ka dhanka ah khawaarijta, asagoona sidoo kale Madaxweynuhu ku dhiirageliyay shacabka Galmudug iyo ciidamada qalabka sida inay sii laba jibaaraan howlgalkan lagu xoreynayo deeganada Galmudug iyo guud ahaan Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay Galmudug.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...