Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya Ciidamada ATMIS oo dilay 23 xubnood oo ka tirsanaa Khawaariijta Al-shabaab

Date:

Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya Ciidamada Hawlgalka midowga Afrika ee ATMIS ayaa saaka hawlgal qorshaysan ku dilay 23 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Khawaariijta.

Hawlgalkan ayaa ka dhacay deegaanka Danow oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose sida uu wakaaladda Qaranka ee  SONNA u xaqiijiyey Taliyaha Ciidanka Xoogga Odowaa Yuusuf Raage.

Hawlgalkan ayaa yimid ka dib markii kooxda khawaariijtu isku dayeen in ay ciidanka ku qaadaan weerar gaadmo balse ciidanka oo ka warqabay dhagarta khawaariijta ayaa  gaarsiiyey khaasaare culus,dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Xoogga ayaa xaqiijiyey in khawaariijta laga furtay Saanad Ciidan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gaaray Laascaanood

Laascaanood Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha...