Home Blog Page 532

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xariga ka jaray dhismaha Wadda Interlock ah oo laga hirgaliyay Degmada Warta Nabadda.

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xariga ka jaray dhismaha Wadda Interlock ah oo laga hirgaliyay Degmada Warta Nabadda, gaar ahaan jidka Isku xira Isgooska furayaasha iyo Isbitaal Jasiira, Waddadaas oo ay dhismaheeda iska kaashadeen bulshada Warta Nabadda.

Xarigjarka kadib ayaa Duqa Magaaladda Muqdisho Mudane Sheikh Yuusuf Madaale ayaa ugu baaqay bulshada Caasimadda kunool in ay ku tartamaan ka qeyb qaadashada horumarinta degmadooda, gaar ahaan dhismaha Wadooyinka, Nadaafada iyo Nabadgalyada.

Madaxweynaha Jubbaland oo Wasiirka Difaaca Kenya kala hadlay howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab

0

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Difaaca Kenya Aadan Barre Ducaale oo maanta gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoos.

Masuuliyiinta ayaa ka wada hadlay diyaar garoowga loogu jiro sidii loo bilaabi lahaa howlgalka Kooxda Al-Shabaab lagaga saarayo deegaanada Jubaland iyo tageerada Ciidamada Dowlada Kenya ee ka midka ah howlgalka ATMIS ee qeybta ka ah howlgalada dhawaan bilaabanaya.

Rabshadihii ka dhacay Magaalada Paris oo kordhay

Waxaa sii xoogeystay rabashadaha ka socda Magaalada Paris ee dalka Faransiiska, kuwaas oo ka dhashay Nin hubeysan oo saddex qof ku dilay xarun dhaqan iyo maqaayad u dhow oo ay leeyihiin Kurdiyiinta, bartamaha magaalada Paris.

Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa sheegay in Kurdiyiinta ay muddo ahaayeen bartilmaameed weerar, wuxuuna madaxda booliska ku amray inay la kulmaan.

Wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska Gerald Darmanin ayaa isna sheegay in qofka lagu tuhunsan yahay weerarka ay caddahay inuu doonayey inuu beegsado ajaaniibta.

Toogasho dhowr ah ayaa maalin dhexaadkii shalay laga maqlay waddada Rue d’Enghien, taasi oo argagax ka abuurtay dukaamada iyo maqaayadaha ku yaalla waddadan muhiimka ah ee dhacda degmada mashquulka badan ee 10-aad.

Dhammaan dadka la dilay ayaa ahaa Kurdi, sida uu Reuters u sheegay qareen u hadlay xarunta dhaqanka Kurdiyiinta. Saddex qof oo kale ayaa la dhaawacay oo mid ka mid ah xaaladdiisa ay halis tahay.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Magaalada Tripoli uga qeybgalay  shirka ururada jaamacada carabta  oo ka furmay dalka Liibiya

0

Shirka Wasiirada Warfaafinta Ururka Jaamacadda Carabta ayaa ka furmay Magaalada Tripoli ee dalka Libya iyadoo Shirkaas uu Jamhuuriyadda Soomaaliya uga qeyb galay Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac.

Wasiir Daa’uud ayaa Shirka ka jeediyay khudbad uu kaga hadlay xaaladda dalka si gaar ah guulaha laga gaaray dagaalka dowlddu kula jirto Khawaarijta Al Shabab.

“Dagaalkaas najaxay ee guulaha laga gaaray waxaa ay Soomaaliya ku wajahdey saddex dhinac oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah; milateriga, xanibaadda dhaqaalaha argagixisada iyo dhanka aydoloojiyadda”, ayuu yiri Wasiir Aweys.

Wasiirka ayaa shirka u sheegay in warbaahinta Soomaaliya ay kaalin buuxda ka qaadaneyso dagaalka dhanka aydoloojiyadda (Fikirka) ee argagixisada looga soo horjeedo.

Dhanka kale Magaalada Tripoli ee dalka Libya oo shirka marti galisay ayaa sannadkaan loo aqoonsaday inay tahay caasimadda warbaahinta waddamada xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta.

Senator Kobac oo Bogaadiyey Baarlamaanka Hirshabelle oo maanta Ansixiyey laba degmo oo Cusub

Senator Hassan Iidow Kobac oo katirsan Golaha Aqalka Sare ee BFS oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa Soodhaweyey Meelmarintii  degmanimada degmooyinka Farlibaax iyo Gamboole ee Baarlamaanka Dowlada Hirshabelle maanta ansixiyeen kadib kulan ay ku yesheen Magaalada Jowhar.

Mudane Hassan kobac ayaa sheegay in hore u mudneed degmanimo Degmada farlibaax ee katirsan Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hiirshabelle isaga oo u mahadnaqay Baarlamaanka Hiirshabelle iyo Madaxda Maamulkaas.

Senator Kobac ayaa balan qaaday in dhawaan adeegyadii Aas-aasiga ahaa  la geynayo degmadaas isaga oo xusay in doorkooda ka qataan dadka deegaanka ka soo jeeda ee wax heysta.

Senatar Kobac ayaa sheegay in uu kamid ahaa dadkii u ololeynaayey in farlibaax ay noqoto degmo buuxda waxana uu xusay in isaga iyo wafdi Balaraan oo uu hugaaminayo ay dhawaan gaari donaan degamaadas iyo degaanada ku xeeran si ay ugu kuur galaan xaalada halkaas ka jirta.

Rabshado ka dhacay Paris kadib markii la dilay saddex qof oo Kurdi ah

0

Nin hubeysan ayaa Jimcihii saddex qof ku dilay xarun dhaqan iyo maqaayad u dhow oo ay leeyihiin Kurdiyiinta, bartamaha magaalada Paris, taasi oo dhalisay dibad-baxyo rabshado wata.

Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa sheegay in Kurdiyiinta ay muddo ahaayeen bartilmaameed weerar, wuxuuna madaxda booliska ku amray inay la kulmaan.

Wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska Gerald Darmanin ayaa isna sheegay in qofka lagu tuhunsan yahay weerarka ay caddahay inuu doonayey inuu beegsado ajaaniibta.

Toogasho dhowr ah ayaa maalin dhexaadkii shalay laga maqlay waddada Rue d’Enghien, taasi oo argagax ka abuurtay dukaamada iyo maqaayadaha ku yaalla waddadan muhiimka ah ee dhacda degmada mashquulka badan ee 10-aad.

Dhammaan dadka la dilay ayaa ahaa Kurdi, sida uu Reuters u sheegay qareen u hadlay xarunta dhaqanka Kurdiyiinta. Saddex qof oo kale ayaa la dhaawacay oo mid ka mid ah xaaladdiisa ay halis tahay.

Sida uu sheegay Golaha Dimqoraadiga Kurdiyiinta ee Faransiiska (CDK-F), dadka dhintay ayaa kalaa ah haweeney iyo laba nin.

Booliska rabshadaha ka hortaga ayaa suntan dadka ka ilmeysiisay ku furay dibadbaxayaal careysan oo isugu soo baxay meel u dhow halka toogashada ay ka dhacday.

Dibad-baxayaasha ayaa walxo ku tuuray booliska ayaga oo si caraysan u qaylinaya, waxayna weerarka u arkaan mid ula kac ah oo ciidamada ammaanka Faransiiska aysan wax badan ka sameyn sidii looga hortagi lahaa.

Baabuur dhowr ah oo goobta yaallay iyo gawaarida booliska ayaa daaqadahooda la burburiyey ayada oo dibad-baxayaasha ay tureen dhagxaan.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay inay xireen nin 69 jir ah, oo dacwad-oogaha Paris Laure Beccuau uu sheegay in horey xabsiga looga sii daayey isaga oo sugaya maxkamadeynta weerar sanad kahor ka dhacay xero muhaajiriinta ay ku nool yihiin oo ku taalla Paris.

Muuqaallo ay baahiyeen warbaahinta Faransiiska ayaa muujinayey nin caddaan Faransiis ah oo isaga oo garbo duub u xiran laga qabtay goobta weerarka.

Dhinaca kale, wakaaladda wararka AFP oo soo xiganeysa ilo-wareedyo ayaa sheegtay in ninka weerarka gaystay oo magaciisa lagu sheegay William M. uu dambi-baarayaasha u qirtay inuu yahay cunsuri.

Hoggaamiyayaasha Kurdiyiinta ayaa ku baaqay in bulshadooda ay helaan ilaalin wanaagsan, codsigan oo sidoo kale ay jeediyeen markii 10 sano kahor sidoo weerar lagu dilay saddex haween oo Kurdi ah.

AFP, REUTERS

Madaxweynaha Maamulka Hiirshabelle oo Muqdisho soo gaaray

Wafdi uu Hugaamianyo Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xueeen ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Madaxweynaha ayaa Magaalada Muqdisho u yimid ka qeybgalka shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah,waxaana garoonka adaan Cade ku soodhaweeyey Xildhibaano,Wasiiro iyo Saraakiil ciidan.

?????????? ???????????? ??? ????????? ??? oo ?? ???????? ?? ?? ???? ????? ???? ????????? ???? ????????? ?? ?????????? ??? ???? ?? ??? ???? ?????.

0

Wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha XFS waxay xoojinaysaa baaqii ay soo saartay 11/ 12/2022 iyo midkii ka soo baxay xiriirka kubadda cagta adduunka FIFA ee ku saabsanaa inaan la aqbalaynin doorasho hal dhinac ah oo kala qaybinaysa xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta.

Shir fogaan arag ah oo ay yeesheen wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud iyo xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayay isla qireen halista ka imaan karta doorasho aan la isku raacsanayn oo hal dhinac qabsado iyo sida ay u xagal daacin karta xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed.

Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha oo u xilsaaran ilaalinta mabaad’ida asaasiga ah ee midnimada Sports-ka dalka iyo kor joogtaynta doorashada ay qabsanayaan xiriirrada kala duwan ayaa ku dadaali in doorasho lagu wada qanacsanyahay la qabto.

Bahda Sports-ka Soomaaliyeed ee dalka iyo dibadda kala jooga ayaa soo dhoweeyay bayaankii wasaaradda ka soo baxay todobaadkii hore .

??’????? ??????? ????? ?? ????? ?????????????? ???? ?? ?? ?? ???????????? ?????????? ??? ??? ???????? ??????? ???????

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo kulan muhiim ah maanta la qaatay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda, ayaa faray ilaalinta wakhtiga shaqada dowladda ee shaqaalaha, iyadoo agaasime walba laga rabo kormeer joogta ah in uu ku sameeyo howlwadeennada Wasaaradda uu Agaasimaha ka yahay, soona gudbiyo ciddii aan gudan waajibaadka ay u hayaan qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadlay ahmiyadda ay Agaasimeyaasha Guud u leeyihiin hawl-fulinta shaqada dowladda, isaga oo ku adkeeyay in shaqada la soo galo xilli hore, si bulshada loogu adeego xilliga ugu habboon.

“Xukuumadda Dan Qaran waxaa loo idmaday barnaamij ka kooban lix tiir oo ay horgeysay baarlamaanka iyo balanqaadkii ka danbeeyey ee aan kala saxiixanay wasiirrada, cidda fulintiisa laga sugayo waxaa ugu horreeya idinka, maadaama arrimaha maamulka aad madax ka tihiin, waxqabad natiijo leh ayaan idinka sugaynaa”.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay Agaasimeyaasha in ay si hufan oo caddaalad ah kula dhaqmaan howlwadeennada ay madaxda u yihiin, kana soo dhalaalaan shaqooyinka ay dalka u hayaan.

Madaxweyne Xasan”Saraakiil loo haysto in ay fududeeyeen Qaraxyada Caasimadda ka dhaca ayaa baaris ku socotaa”

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka qayb-galay xuska sannad guurada 79-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay dadaallada Dowladda ee dib u dhiska laamaha ammaanka iyo horumarinta hannaankooda shaqo isaga oo xusay in Sarkaal walba lagu xisaabtamidoono masuuliyaddiisa.

Madaxweynaha oo kula dardaarmay Taliska guud, talisyada qeybaha iyo hoggaanada Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed dhowridda xeerarka iyo shuruucda ciidanka ayaa faray in ay udub dhexaad u noqdaan la dagaallanka Maandooriyaha iyo Musuq-maasuqa oo uu tilmaamay in caqabad ku yihiin sugidda amniga dalka.

“Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed waxaan kula dardaarmayaa in ay ka hortagaan in askartu Maandooriye isticmaasho. Waa cadow hortaagan in askarigu waajibkiisa guto waana in aan la oggolaan in Ciidanka Booliiska uu ka mid noqdo qof Balwad isticmaala”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale faray Saraakiisha Ciidamada in ay si waafaqsan qaanuunka dalka u gutaan waajibaadka ka saaran ilaalinta nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed isaga oo xusay in Sarkaal waliba lagula xisaabtamidoono shaqada loo igmaday.

Munaasabaddan waxaa ka qayb-galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaano, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed, saraakiisha iyo hoggaannada kala duwan ee Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.