Home Blog Page 532

Dagaalka khaare badan dhaliyay oo ka dhacay Libya

Ugu yaraan saddex iyo labaatan qof ayaa ku dhintay tiro intaa ka badanna way ku dhaawacmeen ka dib markii dagaal uu dhex maray dhinacyada siyaasdda isku haya ee ku sugan caasimadda Liibiya ee Tripoli.

 

Safiirka Maraykanka ee Liibiya, Richard Norland, ayaa taageeray baaqyada Qaramada Midoobay ee ku aaddan xabbad-joojin degdeg ah, wuxuuna ka codsaday wadahadal ay fududayso Qaramada Midoobay oo dhex mara dhinacyada isku haya Libiya.

 

Mid ka mid ah xaafaadaha caasimadda Liibiya ee dagaalku ka dhacay waxaa degganaa tahriibayala Soomaaliya oo saqdhexe daryanka rasaasta ku kacay kadibna halkaa naftooda kala baxsaday kuwaa oo hadda dhibaatooyin ku haystaan aag ka baxsan magaalada, sida uu BBC-da u sheegay Mustafe Cabdi xaashi oo ka mid ahaa tahriibayaasha.

Wasiirka warfaafinta XFS Daa’uud Aways Jaamac oo khadka telefoonka kula hadlay Madaxa Qaranka ee Golaha Sare ee Warfaafinta Jamhuuriyadda Masar

0

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska XFS Daa’uud Aways Jaamac ayaa khadka telefoonka kula hadlay Madaxa Qaranka ee Golaha Sare ee Warfaafinta Jamhuuriyadda Masar Karam Gabar.

Raisulwasaraha dalka iyo wasiirka arimaha dibada Japan oo ka wada hadlay iskaashiga Amniga & Ganacsiga labada dal

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa xalay  waxa uu kulan doceed kula yeeshay magaalada Tunis ee uu ka socdo shirka caalamiga ee #TICAD8 – Wasiirka Arrimaha Dibedde ee Japan Yoshimasa Hayashi.

 

Labada masuul waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka taariikhiga ah, iskaashiga iyo wax wadaqabsiga u dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Japan.

 

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay dowladda Japan taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiso Soomaaliya.

 

 

Wasiir Hayashi ayaa sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay xoojinta xiriirka ganacsi, amni iyo siyaasadeed – isagoo intaa raaciyay inay gacan ka geysan doonaan barnaamijyada horumarineed ee wax loogu qabanayo shacabka.

 

Madaxweyne Hassan Sheikh oo caawa Garoowe loogu sameeyey casho sharaf

0

Muqdisho Ogoosto 27, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ku sugan magaalada Garoowe ayaa ka qeyb galay casho sharaf uu ku maamuusay Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, iyadoo ay ka qeyb galeen, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan, Kusimaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ahna Guddoomiye Kuxigeenka 2aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Wasiirro iyo Xildhibaanno heer Dowlad-goboleed ah.

Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa kulammo miro-dhal ah la qaatay Saddaxdii maalmood ee la soo dhaafay, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Kuxigeenkiisa Mudane Axmed Cilmi Cismaan, waxa ayna lafa gureen duruufaha ku xeeran dalkeenna, xoojinta wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda ee heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xaqiijinta Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mudnaanta siinaya latashiyada bulshada Puntland, gaar ahaan waxgaradka, isimada, ganacsatada, dhallinyarada, haweenka iyo culimada, si uu u dhageysto talada iyo doorkooda horumarineed ee ku aaddan adkaynta dowladnimada.

Kulankan maamuuska ah waxaa Madaxweynaha ku weheliyey, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Abshir Cumar Huruuse, Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Qaranka Mudane Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari), Lataliyaasha Madaxweynaha ee Arrimaha, Federaalka Mudane Axmed Cabbaas Axmed, Dastuurka Mudane Cabduraxmaan Cabdullaahi Baadiyow, Lataliyaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Arrimaha Dib u heshiisiinta Mudane Cali Cabdi Awaare iyo Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan.

Ciidanka Xoogga Dalka oo kooxda Al-shabaab kala wareegay deegaano hoostaga Degaanka Janaale

0

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Ururada 83-aad iyo 84-aad, guutada 14-October ee Xoogga dalka iyo kuwa ATMIS qeybtooda Janaale ayaa howlgalo culus oo Argagixisada Al-Shabaab looga  saarayo tuulooyinka Cabananey. Beeraha baay. Siigaale. Malable iyo Buulo aruundi oo dhamaantood hoostaga deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose ka sameyay.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan gaar ah kula yeeshay madasha shirka Tunis Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa kulan gaar ah kula yeeshay madasha shirka Tunis Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane, Abdoulkader Kamil Mohamed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo shir guddoomiyey kulanka guddiga joogtada ah ee golaha shacabka

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS, mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan labadiisa kuxigeen iyo habdhowrka golaha shacabka ayaa shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah ee golaha,waxaana kulanka warbixin looga dhageystay xubnaha guddiga joogtada ah oo faah faahin ka bixiyay howlaha horyaala iyo shaqooyinka gudi walba.

Sidoo kale habdhowraha golaha shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay in guddiyada golaha ay shaqooyinkooda dar dar geliyaan si loo dejiyo ajendayaasha golaha hortabinta u leh.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ugu dambeyn guddiyada kula dardaarmay in ay dadaal badan muujiyaan si loo dejiyo shuruucda dalka ee golaha shacabka looga baahanyahay.

Ra’iisul xigeenka Dalka mudane Salah Jama oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda UK ee Soomaaliya

0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul xigeenka Dalka mudane Salah Jama, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda UK ee Soomaaliya Mrs Kate Foster.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeybgalaya madasha shirka caalamiga ee #TICAD8 waxaa ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Tunisia, Mudane Qays Saciid

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa waxa saaka madasha shirka caalamiga ee #TICAD8 ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Tunisia, Mudane Qays Saciid, oo martigelinaya shirka oo si rasmi ah maanta uga furmay caasimadda Tunis.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo maanta qaabilay Wafdi ka socday Hay’adda Boqor Salmaan

0

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka  Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Qaabilay Wafdi ka socday Hay’adda Boqor Salmaan oo uu hogaaminayey Yuusuf Bakiit Raxma oo ah Madaxa Bariga Africa ee Hay’adda Boqor Salmaan oo Maanta Baydhabo  gaaray.

 

Madaxweyne Laftagareen oo qaabilaada ay ku wehlinayeen Wasiiro,Agaasimaha Madaxtooyada,Gudoomiyaha Degmada iyo Madax kale.

Kulankaan  ayaa looga Hadlay Arimaha Saamaynta Abaaraha iyo sidii Gargaar loo gaarsiin lahaa Bulshada Saamaysay Abaaraha ee ku nool Guud ahaan Deeganada Koonfur Galbeed.