Home Blog Page 531

Guddiga doorashooyinka kuraasta ka banaan Baarlamaanka 11aad oo shaaciyay  Jadwalka qashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#147

0

Guddiga KMG ee doorashooyinka kuraasta ka banaan Baarlamaanka 11aad ee JFS ayaa shaaciyay  Saakay Jadwalka qashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#147 oo deegaan doorashadiisu tahay Maamulka Galmudug Si Gaar ah Magaalada Dhuusamareeb.

Gudoomiyaha Hey’adda Maareeynta Masiibooyinka Qaranka oo la kulmay Saraakil katirsan Bangiga aduunka

0

Gudoomiyaha Hey’adda Maareeynta Masiibooyinka Qaranka  Mudane Maxamud Macallin ayaa la kulmay Saraakiil katirsan Bangiga aduunka oo uu hogaaminyay Mr. Harris Khan.

XFS Iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo ku bogaadiyay Culumada Soomaaliyeed sida ay u caddeeyeen go’aankooda la dagaallanka Khawaarijta

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar casho sharaf ugu sameeyay Culuma’udiinka Soomaaliyeed ee ka qayb gashay Shirweynaha Culumada Soomaaliyeed ee maalin ka hor lagu soo gabagabeeyay Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Guddiga Walidiinta Ciidanka Tababarka ku soo qaatay dalka Ereteriya

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan xog-warran ah la qaatay guddiga waalidiinta ciidanka Soomaaliyeed ee tababbarka ku qaatay Dalka Ereteriya.

General Maxamed Tahliil Biixi oo Deegaanadii Khawaarijta laga xoreeyay ee Aagga Xarardheere kula hadlay Cutubyo ka tirsan xoogga dalka

0
Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Maxamed Tahliil Biixi ayaa Deegaanadii Khawaarijta laga xoreeyay ee Aagga Xarardheere Ee Gobolka Mudug  kula hadlay Cutubyo ka tirsan xoogga dalka.

Guddoomiyaha Hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka oo gaaray Kismaayo

0

Guddoomiyaha Hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Abdulle oo ay wehliyaan Masuuliyiin ka socda Hay’adda Qatar charity iyo sanduuqa horumarinta Dowlada Qatar ayaa Maanta  Gaaray Magaalada Kismaayo,waxaana halkaas ku soodhaweeyey Wasiiro  katirsan Maamul Goboleedka Jubbland.

 

Hoggaamiyihii Khawaarijta Daacish ee Soomaaliya oo la dilay.

0

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay dishay Hoggaamiyihii Daacish ee Soomaaliya iyo tiro Maleyshiyaad ah.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda difaaca ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in duqeyn cirka ah oo diyaaradaha Mareykanku ka fuliyeen Buuraleyda gobolka Bari lagu dilay Horjooge Bilaal-al-Sudani oo ahaa hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya.

Maraykanka ayaa sheegay in Al-Sudani ay la dhinten toban kale oo kooxda ka tirsanaa, warka ayaa lagu yiri” Maraykanku waxaa uu doonayey inuu qabto horjooge Bilaal balse maleeshiyaadka la joogay ayaa sameeyay falcelin”.

Halwgalkan ayay dowladda Mareykanku sheegtay in aysan dad shacab ah waxyeelo ka soo gaarin, sidoo kalena ciidankooda aysan waxyeelo ka gaarin iska caabinta Khawaarijta.

[DAAWO] Madaxweyne Xasan Sheekh oo casho sharaf ku maamuusay Culumadii ka qayb gashay Shirweynaha Culumada soomaaliyeed

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo casho sharaf ku maamuusay Culumadii ka qayb gashay Shirweynaha Culumada soomaaliyeed ee maanta kusoo gabagaboobay magaalada Muqdisho ayaa uga mahad celiyay sida midnimada leh ee ay Ummadda soomaaliyeed ugu soo bandhigeen baadinimada kooxaha Khawaarijta, ficilada gurracan iyo afkaaraha qaldan ee ay faafiyaan iyo garab istaagga ay u muujiyeen Jihaadka dalka looga ciribtirayo.

Hey’adda Maareynta Masiiboyinka oo Deeq Mucaawino ah u dirtay degmooyin iyo deegaano katirsan Galmudug dhawaana laga xoreeyey Al-shabaab

0

Hey’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka ee Sodma ayaa Maanta Toban gaari oo sida shexnad gargaar ah u diray  Gobolka Galgaduud si gaar ah Degmooyinka Masagawaa,Ceeldheer,Degaano kale oo hoostaga magaaloyinkaas kuwaas oo dhawaan laga xoreeyey Al-shabaab.

Ciidamada xoogga dalka oo galabta Khawaarijta kala wareegay deegaano horleh oo hoos taga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

0

Ciidamada xoogga dalka ayaa galabta Khawaarijta kala wareegay deegaano horleh oo hoos taga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.