Home Blog Page 531

Wasaaradda Waxbarashada Hidaha & Tacliinta Sare oo Maanta Kulan Dood Wadaag ah oo ay ka qeyb galeen Wasiiro, Agaasimeyaal iyo Bahda Waxbarashada ku qabatay Muqdisho

0

Kulanka Bandhigga Warbixinta Kormeerka Qaran Ee Dugsiyada Dalka oo ay ka qeyb galeen Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada XFS iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada XFS iyo Wasiiro iyo Agaasimeyaal ka kala socday Wasaaradaha Waxbarashada heer Dowlad Goballeed iyo mas’uuliyiinta Bahda iyo Dalladaha iyo wakiilada hay’adaha Waxbarashada Gaarka loo leeyahay ayna soo agaasintay Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinra Sare ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS oo kormeertay waaxyaha qeybta Gaadiidka ee wasaradaas

0

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xildhibaan Fardowsa Cismaan Cigaal oo u kuurgalaysa howlasha shaqo iyo adeegyada Bulshada ee ka socda, ayaa kormeertay waaxyaha qeybta Gaadiidka, halkaa oo ay warbixinno ku siiyeen Agaasime waaxeedyada iyo howlwadeennada.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS oo u ambabaxay dalka south Africa

0

Muqdisho Ogoosto 30,2022 Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa safar ugu ambabaxay magalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika isagoo uga qeyb galaya shirka Guddoomiyeyaasha baarlamaannadda Afrika ee (Pan-African Parliament).

Guddoomiyaha ayaa inta uu ku sugan yahay magalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika uu shirka ku soo
bandhigi doona horumarinta Golaha Shacabka BJFS iyo sidii wada shaqeyn buuxda u yeelan lahaayeen Baarlamaanka Afrika iyo kan Soomaaliya.

Ra’iisulwasare ku xigeenka XFS oo kulan la qaatay Wasiiradda xubnaha ka ah Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha iyo xubno ka tirsan Dalladda Ururrada aan dawliga ahayn

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama, ayaa kulan la qaatay Wasiiradda xubnaha ka ah Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha iyo xubno ka tirsan Dalladda Ururrada aan dawliga ahayn, isaga oo ka dhagaystay xogihii ugu danbeeyey ee la xiriira saamaynta abaartu ku yeelatay dalka.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka, ayaa faray in howlaha gurmadka abaaraha la dedejiyo, maadaama abaartu ku sii fidayso deegaanno hor leh, dadka ay abaartu saamaynta ku yeelatayna u baahan yihiin in gurmad lala gaaro.

 

Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya oo maanta la kulmay taliyaha cusub ee ciidamada Maraykanka ee Africom ee Soomaaliya iyo saraakiil kale

0
Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya, mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta oo Isniin ah magaalada Muqdisho kula kulmay taliyaha cusub ee ciidamada Maraykanka ee Africom ee Soomaaliya iyo saraakiil kale.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo maanta Muqdisho kula kulmay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya

0

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud ayaa maanta Muqdisho kula kulmay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Danjire K. Foster

Madaxweyne Xasan sheekh iyo wafdi uu hogaaminayo oo goordhaw ka soo duulay garoowe

0

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo ku joogay maalmihii danbe deeganada puntland ayaa maanta soo gabagabeeyey socdaalkiisa isaga oo goordhaw halkaas ka soo duulay isaga iyo wafdiigisa iyaga oo ku soo wajahan Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre oo kula kulmay magaalada Tunis Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika

0
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ,Mudane Hamza Abdi Barre ayaa kula kulmay magaalada Tunis, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mudane Moussa Faki Mahamat.

Madaxweyne Xasan sheekh oo caawa kulan wadatashi ah la qaatay qaar ka mid ah Isimada iyo hoggaanka dhaqanka Puntland

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Dowlad-goboleedka Puntland ee magaalada Garoowe waxa uu kulan latashi kula qaatay qaar ka mid ah Isimada iyo hoggaanka dhaqanka Puntland.

 

Madaxweynaha oo kulanka uu ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Huruuse ayaa Isimada iyo waxgaradka Puntland waxa uu ka dhageystay talada iyo doorkooda horumarineed ee ku aaddan adkaynta dowladnimada iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.

 

Madaxweynaha Hirshabeelle oo booqday xafadaha Magaalada Beledweyne

0

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo ay wehliyaan Wasiiro, Xildhibaano iyo Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa maanta booqday xaafadaha kala duwan ee Magaalada Beledweyne.