Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Magacaabista Taliyaha cusub ee Booliiska Soomaaliya

Date:

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu maanta guddoomiyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa lagu ansixiyey iyo Magacaabista Taliyaha cusub ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo heshiiska aasaasidda Ciidamada Bariga Afrika.

Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa golaha warbixin ka siiyey xaaladihii ugu dambeeyey ee amni iyo howlgallada dalka looga xoreynayo kooxaha Khawaarijta, iyadoo toddobaadkan guulo waa wayn ay ciidamada qalabka sida iyo bulshada deegaanku ka gaareen dagaalka khawaariijta, isla markaana jab wayn la gaarsiiyay.

Golaha waxa uu ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha oo u magacawday General Sulub Axmed Firin inuu noqdo Taliyaha cusub ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed.

Dhinaca kale waxaa Goluhu ansixiyay Heshiiska aasaasidda ciidamada heeganka ah ee Bariga Afrika oo ay ku jiraan sagaal waddan, oo kala ah Soomaaliya, Burundi, Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Rwanda, Seychelles, Suudaan iyo Uganda.

Heshiiskan ayaa ujeedadiisu waxay tahay in la hirgeliyo hawlaha ilaalinta nabadda, ammaanka iyo xasilloonida gobolka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Shiinaha oo xoojinaya iskaashi ku aaddan horumarinta khayraadka dabiiciga ah

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, H.E. Dr. Hodan...

Soomaaliya iyo Cumaan oo xoojinayo iskaashiga dhinacyada Gaadiidka iyo Isgaarsiinta

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo Afgooye ka furay tababar howl-wadeennada doorashooyinka

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

W/ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud QM ee arrimaha gargaarka

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS Mudane Xasan Maxamed...