Soomaaliya iyo Masar oo hishiish is-afgarad kala saxiixday

Date:

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jaamac Xasan Khaliif iyo Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar Dr Cumar Dalcat ayaa kala saxiixday heshiis is afgarad oo ku saabsan Tiknoolajiyadda, ICT-da  iyo Boostada, waxaana goobjoog ahaa Ra’iisal Wasaaraha Dalka Masar Mudane Mostafa Madbouly, sidoo kale waxaa madasha lagu saxiixay hishiishkaan joogay Safiirka Soomaaliya ee Masar  Danjire Ilyaas Sheikh Cumar, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka  Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh iyo Lataliyaha Wasaaradda.

Hishiishkaan waxa uu ku saabsanyahay iskaashiga labada dal in ay isweedaarsadaan Aqoonta ku saabsan tababbarada ICT-da, Isdhaafsiga khibradaha iyo aqoonta Kaabayaalka Dhijital-ka ah, khibradaha istaraatiijiyada iyo siyaasada amniga internetka, Iskaashiga dhinaca adeega Boostada,  waayo-aragnimada ku saabsan hal-abuurka Teknoolajiyada  iyo hal-abuurka ganacsiga, waxana uu socon doonaa hishiishkaan muddo shan sano ah.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jaamac Xasan oo ka hadlay ahmiyadda hishiishka is-afgaradka ay wada gaareen Soomaaliya iyo Masar ayaa sheegay …..”Iyada oo la adkeenayo xiriirka soo jireenka ah ee  labada wadan waxaa maanta saxiixay Hishiish iskaashi ah dhinacyada Isgaarsiinta, Boostada iyo (ICT) Ujeedada heshiiska  waa in la isweydaarsado khibradaha labada dal” ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Wasiirka Jaamac Xasan ayaa dadaal badan ku bixinaayo sidii dalkeena u gaari lahaa wadamada adduunka iyada oo la xoojinaayo adeegsiga Teknolojiyada casriga oo xilligaan Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay baahi weyn u qabaan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...