Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS oo qaabilay wafdi ka socda Gobolka Bakool

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay wafdi ka socda Gobolka Bakool oo magaalada Baydhaba u jooga ka qeyb galka shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdiga ka socda Gobolka Bakool ayaa kulankooda diiradda lagu saaray sidii loo suura-gelin lahaa guul ka gaarista Shirka Dib u Heshiisiinta KGS iyo inuu natiijo wanaagsan ku soo dhamaado shirka.

Wafdiga oo isugu jiray odayaal dhaqameed, siyaasiyiin iyo bulshada rayidka ayay Guddoomiyaha u sheegeen in ay garab taagan yihiin sidii shirkan loogu guuleysan lahaa isla-markaana degaannada looga xorreyn lahaa kooxda Khawaariijta Al-Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...