Home Blog Page 53

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ku tallaabsanaya dhismaha guddi saaxiibtinimo oo Baarlamaan

0

Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Aljeeriya, Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego), ayaa ka qeyb galay kulan rasmi ah oo ka dhacay xarunta Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Jamhuuriyadda Aljeeriya.

Ujeeddada kulankan ayaa ahayd dhisidda guddi saaxiibtinimo oo ka dhexeeya golayaasha Aqalka Sare ee Soomaaliya iyo dalalka qaaradda Afrika, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray xoojinta xiriirka baarlamaan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya. Waxaa la filayaa in labada dal ay yeeshaan guddi saaxiibtinimo oo rasmi ah, kana kooban xubno ka kala socda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Aljeeriya.

Intii uu kulanku socday, Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Jamhuuriyadda Aljeeriya ayaa jeediyay hadal kooban oo uu ku muujiyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga baarlamaan ee dalalka Afrika, isaga oo bogaadiyay doorka Soomaaliya ee xoojinta xiriirka qaaradeed.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Aljeeriya, ahna mas’uulka u qaabilsan arrimaha Afrika, taas oo muujinaysa sida ay Dowladda Aljeeriya mudnaan u siineyso xiriirka ay la leedahay Soomaaliya iyo guud ahaan dalalka Afrika.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub iyo Taliyihii hore ee CXDS

0

Muqdisho, Arbaco, 04 Febraayo 2026 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyo Taliyihii hore, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage.

Ra’iisul Wasaaraha oo hambalyo u diray Taliyaha cusub, ayaa xusay in looga baahan yahay ciidan leh hufnaan, anshax iyo dhaqan wanaagsan, si ay hormuud ugu noqdaan bulshada, una gutaan waajibaadkooda Qaran ee difaaca dalka.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Ciidanka Qaranka ay guulo waaweyn ka gaareen dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta, iyaga oo ka xoreeyey deegaanno badan oo ay gacanta ku hayeen, isla markaana cadowga u diiday jiif iyo nasasho, waxa uuna intaas raaciyey in dhawaan si buuxda looga ciribtiri doono dalka.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay in argagixisadu ay gabaad ka dhigteen dhul ballaaran oo leh kheyraad kala duwan, si ay u curyaamiyaan wax-soo-saarka dalka, gaar ahaan deegaannada leh wabiyada iyo beeraha.

“Meesha aan taaganahay waa meel lagu ilaaliyo calanka Qaranka Soomaaliyeed, waana astaan sharaf iyo masuuliyad gaar ah leh. Haddii cadowga laga xorayn dalkeenna, horumar lama gaarayo, sidaas darteed, mudnaanta koowaad waa xoreynta deeggaannada ay ku sugan yihiin kooxaha Khawaarijta ah.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in xuquuqda iyo daryeelka ciidamada ay kaalin muhiim ah kaga jiraan qorshaha Xukuumadda DanQaran, isaga oo tilmaamay in miisaaniyadda dowladda qaybta ugu badan lagu bixiyo sugidda amniga iyo nabadgelyada dalka.

Mudane Xamsa, ayaa uga mahadceliyey Taliyihii hore shaqadii mugga lahayd ee uu soo qabtay muddadii uu xilka hayey, isaga oo kula dardaarmay Taliyaha cusub in uu sii ambaqaado dadaallada lagu horumarinayo ciidanka.

Muqdisho oo lagu soo gabagabeeyay doorashada hoggaanka Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka 

0

Waxaa si rasmi ah usoo dhammaatay doorashada Guddoomiyaha, Guddoomiye Ku-xigeenka iyo Xoghayaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, taas oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, isla markaana ku dhacday jawi hufan oo waafaqsan habraacyada doorashooyinka.

Doorashada Guddoomiyaha Guddiga ayaa waxaa ku guuleysatay Dr. Maryan Qaasin Axmed, oo heshay shan (5) cod, halka musharraxii la tartamayey, Cumar Cabdulle Calasow, uu helay afar (4) cod.

Sidoo kale, Maxamed Haaruun, oo ka mid ah xubnaha Guddiga, kana tirsan dadka baahiyaha gaarka ah qaba, ayaa loo doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, kaddib markii uusan jirin musharrax kale oo kula tartamay xilkaas.

Dhanka Xoghayaha Guddiga, Faadumo Cabdiqani Yuusuf ayaa ku guuleysatay xilka, iyadoo heshay toddoba (7) cod, halka musharraxii la tartamayey, Cali Maxamed Cilmi, uu helay laba (2) cod.

Doorashadan waxaa qabanqaabiyay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka, waxaana hoolka ay ka dhacday doorashadu goobjoog ka ahaa Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, saraakiil ciidan, korjoogayaal caalami ah, xubno ka socday warbaahinta, iyo marti sharaf kale.

Faadumo Cabdiqani Yuusuf oo loo doortay Xoghayaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya

0

Faadumo Cabdiqani Yuusuf ayaa loo doortay Xoghayaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, kaddib doorasho rasmi ah oo ay ku heshay toddoba (7) cod, halka musharraxii ay la tartamaysay, Cali Maxamed Cilmi, uu helay laba (2) cod.

Doorashadan ayaa ku qabsoontay jawi hufan oo waafaqsan xeerarka iyo habraacyada Guddiga, iyadoo guusha Faadumo Cabdiqani Yuusuf loo arkay mid ka tarjumaysa kalsoonida loo qabo kartideeda, aqoonta ay u leedahay arrimaha xuquuqda aadanaha, iyo doorka ay ka qaadan karto xoojinta howlaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo ka qeyb galay xil-wareejinta Taliyaha CXDS

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ka dhacday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Soomaaliya, taas oo si rasmi ah loogu kala wareejiyay hoggaaminta ciidanka.

Munaasabadda ayaa Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka, Jeneraal Ibraahim Maxamed Maxamuud, xilka kala wareegay Taliyihii hore, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, iyadoo munaasabadda ay ku qabsoontay jawi rasmi ah oo muujinaya kala dambeyn, hufnaan iyo xushmad hoggaamineed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasabadda ku bogaadiyay Taliyihii hore dadaalkii iyo guulihii uu ka gaaray hoggaaminta Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu hambalyo iyo dardaaran u jeediyay Taliyaha cusub, isagoo ku boorriyay inuu sii ambaqaado dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, midnimada iyo tayeynta ciidanka.

Munaasabadda xil-wareejinta waxaa ka qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno ka socday Baarlamaanka Federaalka, saraakiil sare oo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida, safiirro, diblomaasiyiin, iyo marti sharaf kale, kuwaas oo dhammaantood muujiyay taageero iyo garab istaag ku aaddan hoggaanka cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Xil-wareejintan ayaa ku soo aadeysa xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dardargelinayso dib-u-habeynta hay’adaha amniga, si Ciidamada Xoogga Dalka ay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda sugidda amniga dalka, una sii wadaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta.

Wasiir Fiqi oo bogaadiyay guulihii Ciidanka Xoogga Dalka xilligii Taliye Odawaa

0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Fiqi), ayaa si weyn u ammaanay waxqabadkii Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, gaar ahaan doorkii uu ka qaatay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in intii uu Taliye Odawaa xilka hayay ay Ciidamada Xoogga Dalka ku tallaabsadeen horumarro muuqda oo dhanka hawlgallada amniga ah, isla markaana dhabar-jab xooggan lagu gaarsiiyay kooxaha Khawaarijta. Wuxuu xusay in deegaanno badan oo istiraatiiji ah laga xoreeyay gacanta argagixisada, halkaas oo lagu dilay horjoogayaal sare iyo maleeshiyaad tiro badan.

“Waxaan ku amaanayaa Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka, Odawaa Yuusuf Raage, intii uu xilka joogay, in dhabar-jab xooggan lagu gaarsiiyay kooxaha Khawaarijta, lagana saaray deegaanno badan, iyadoo la dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad aad u badan,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in guulahaasi ay ka dhasheen wada-shaqeyn dhow oo u dhexeysay Ciidamada Xoogga Dalka, hay’adaha amniga, iyo shacabka, isaga oo xusay in dowladda ay sii xoojin doonto taageerada ay siiso ciidamada si loo joogteeyo nabadda iyo xasilloonida dalka.

Ugu dambeyn, Wasiir Fiqi ayaa ku boorriyay hoggaanka cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka inay sii laba jibbaaraan dadaallada amni, isla markaana ay sii ambaqaadaan hawlgallada lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah, si loo xaqiijiyo amni waara oo ka hanaqaada guud ahaan dalka.

Taliyaha Cusub ee CXDS oo ballanqaaday hoggaan hufan iyo sii wadidda halganka amniga

0

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa si rasmi ah u muujiyay aqbalaadda xilka loo igmaday, isagoo ka hadlay munaasabaddii xil-wareejinta ee ka dhacday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.

Taliyaha cusub ayaa sheegay inuu si buuxda u aqbalay mas’uuliyadda culus ee loo dhiibay hoggaaminta Ciidanka Xoogga Dalka, isla markaana uu ku faraxsan yahay inuu xilka kala wareego Taliyihii hore, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, oo uu xusay in ay horey u wada shaqeeyeen si dhow.

“Waxaan rabaa inaan hortiinna ka caddeeyo inaan aqbalay xilka la ii idmaday, waxaanan ku faraxsanahay inaan xilka kala wareego Taliye Odawaa oo aan soo wada shaqeynay,” ayuu yiri Taliyaha cusub, isagoo xusay in khibradda iyo dadaalkii Taliyihii hore ay door weyn ka qaateen horumarka ciidanka.

Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa ballanqaaday inuu sii xoojin doono kala dambeynta, wada-shaqeynta, iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka, isaga oo tilmaamay in mudnaanta koowaad ay noqon doonto sugidda amniga qaranka iyo sii wadidda dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah.

Ugu dambeyn, Taliyaha cusub ayaa u mahadceliyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, hoggaanka Wasaaradda Gaashaandhigga, iyo dhammaan ciidamada kala duwan ee Xoogga Dalka, isagoo muujiyay kalsooni ah in wadajir iyo midnimo lagu gaari karo yoolalka amni ee dalka.

Taliyihii hore ee CXDS oo ka warbixiyay wixii u qabsoomay intow xilkaan haayay

0

Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, ayaa faahfaahin ka bixiyay waxqabadkii iyo horumarradii ugu muhiimsanaa ee u qabsoomay intii uu hayay xilka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka.

Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in muddadii uu xilka hayay ay Ciidamada Xoogga Dalka gaareen horumar la taaban karo, gaar ahaan dhinacyada dib-u-habeynta ciidanka, tayeynta hoggaanka, iyo xoojinta awoodda hawlgal ee ciidamada. Wuxuu tilmaamay in la sameeyay isbeddello lagu horumarinayo nidaamka hoggaamineed, kala dambeynta ciidanka, iyo kor u qaadista xirfadaha saraakiisha iyo askarta.

Taliyihii hore ayaa sidoo kale xusay in muddadaas lagu guuleystay in la fuliyo hawlgallo amni oo ballaaran, kuwaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab, isla markaana lagu xoreeyay deegaanno muhiim ah oo ka tirsan gobollada dalka, iyadoo ciidamada ay muujiyeen karti, adkaysi iyo naf-hurnimo.

Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa u mahadceliyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, saraakiisha iyo ciidamada kala duwan ee Xoogga Dalka, isaga oo xusay in guulaha la gaaray ay ka dhasheen wada-shaqeyn, midnimo iyo kalsooni dhex martay hoggaanka iyo ciidanka.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka maanta ay ku sugan yihiin marxalad ka awood iyo diyaargarow wanaagsan tii hore, isla markaana uu kalsooni buuxda ku qabo in hoggaanka cusub uu sii ambaqaadi doono dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo difaaca qaranka.

Munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo si rasmi ah uga socota Muqdisho

0

Munaasabadda xil-wareejinta oo ka dhacday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Soomaaliya ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda, kuwaas oo ay ugu horreeyaan Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, saraakiil ciidan oo heerar kala duwan ah, iyo xubno kale oo ka tirsan hay’adaha dowladda. Dhammaan ka qeybgalayaasha ayaa door muuqda ka qaatay hab-sami u qabsoomidda munaasabadda.

Intii ay munaasabaddu socotay, waxaa si qoto dheer looga hadlay muhiimadda uu leeyahay hoggaan ciidan oo xooggan, hufan, isla markaana la jaanqaada baahiyaha amni ee dalka, gaar ahaan xilli Soomaaliya ay ku jirto marxalad xasaasi ah oo la xiriirta dib-u-dhiska hay’adaha amniga iyo dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah.

Xil-wareejintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dardargelinayso qorshayaasha dib-u-habeynta iyo tayeynta Ciidamada Xoogga Dalka, si ay si buuxda ula wareegaan masuuliyadda sugidda amniga guud ee dalka.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in hoggaanka Ciidamada Xoogga Dalka iyo madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga ay sii xoojinayaan wada-shaqeynta iyo isku-duwidda hawlgalada amni, iyagoo xoogga saaraya kor u qaadista tayada tababarka, qalabaynta, iyo hufnaanta guud ee ciidanka.

Doorashada Guddoonka Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka oo maanta lagu qabaayo Muqdisho

0

Doorashada Guddoonka Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka ayaa goordhow ka bilaabaneysa magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qeybgalayaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka, xubnaha guddiga, iyo marti sharaf kale.

Doorashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu dhisayo hay’adaha madaxa-bannaan ee ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha, waxaana la filayaa in ay soo saarto hoggaan cusub oo ka shaqeeya kormeerka, difaaca, iyo wacyigelinta xuquuqda muwaadiniinta.

Masuuliyiinta ayaa tilmaamay in hannaanka doorashada uu u dhacayo si waafaqsan shuruucda iyo nidaamka u degsan Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka, iyadoo natiijada doorashadana lagu wado in lagu dhawaaqo marka ay soo dhammaato geeddi-socodka codeynta.