Home Blog Page 53

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay afduubka lagula kacay markabka SEA WORLD

WAR-SAXAAFADEED

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay cambaareyneysaa afduubka iyo xad gudubka lagula kacay markabka lagu magacaabo SEA WORLD ee wata calanka Jasiiradda Comoros.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay cambaareyneysaa afduubka iyo xad gudubka lagu sameeyey markabka SEA WORLD. Markabku wuxuu ku sii jeeday Dekedda Muqdisho, isaga oo siday qalab ciidan, loona waday Xarunta Tababarka Ciidamada ee TÜRKSOM. Si waafaqsan heshiisyada iskaashiga difaac ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Turkiga, Shixnaddu waxay ku socotay sifo sharci ah oo si buuxda u waafaqsan shuruucda Dalka iyo kuwa caalamiga ah. Marka laga soo tago qalabka ciidan, markabku waxuu sidoo kale siday badeecooyin ganacsi oo ay leeyihiin ganacsatada Soomaaliyeed.

Qodobka 54aad ee Dastuurka Kumeel gaarka ah, wuxuu Dowladda Federaalka Soomaaliya si gaar ah ugu xilsaarayaa difaaca amniga qaranka bad iyo barriba. Afduubka markabkan oo ay fuliyeen kooxo ka tirsan Dowlad-Goboleedka Puntland, wuxuu si toos ah ugu xad-gudbayaa Dastuurka KMG ah, wuxuuna dhaawacayaa gobonnimada, midnimada iyo madax-bannaanida qaranka.

Sida ku cad Xeerarka Caalamiga ah, gaar ahaan Heshiiska Qaramada Midoobay ee Sharciga Badaha (UNCLOS) ee 1982, Falkasta oo lagu afduubto markab ganacsi ama mid si sharci ah oggolaansho uga haysta Dowlad, waxay hoos imaanayaan qeexitaanka burcad-badeednimo, waana dembi ciqaabeed, si waafaqsan Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya:

1. Waxay dalbaneysaa in si deg-deg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo markabka, maadaama uu sido shixnad sharci ah oo loogu talagalay ujeeddooyin difaac, oo lagama maarmaan u ah sugidda amniga iyo xasilloonida dalka, oo ay ku jirto Puntland.

2. Waxay uga digeysaa Puntland sii socoshada dhammaan hawlgallada sharci-darrada ah ee ka socda xeebaha ku aaddan maamulkeeda, isla markaana ugu baaqaysaa in ay kala shaqeeyso Dowladda Federaalka, xaqiijinta marin ammaan ah oo fududeeya Isku socodka maraakiibta ku shaqeysa oggolaanshaha dowladda Soomaaliya.

3. Waxay caddeyneysaa in ay ka go’antahay ka hortaga falalka burcad badeednimo iyo maxkamadaynta shaqsiyaadka iyo kooxaha ku lugta leh burcad-badeednimada, iyadoo la raacayo xeerarka ciqaabta qaranka iyo kuwa caalamiga ah.

Dowladda Federaalka, oo ah ilaaliyaha Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, marnaba ma aqbali doonto tallaabo kasta oo halis gelinaysa madax-bannaanida qaranka iyo amniga badda. Sii heysashada sharci darrada ah ee markabka SEA WORLD, waxay horseedeysaa in Dowladda Federaalka ah ay tallaabo amni oo sharciga waafaqsan ka qaado goobaha iyo furdooyinka xuddunta u noqda falal burcad-badeednimo oo liddi ku ah xeerarka qaranka iyo kuwa caalamiga ah. Tilaabooyinkaas oo ay ku hubinayso amniga maraakiibta sida sharciga ah ku maraya badda Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay ugu baaqeysaa dhammaan dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah federaalka, oo ay ku jirto Puntland, in ay ixtiraamaan waajibaadka dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka ee ku saabsan arrimaha difaaca iyo maareynta bad-maaxidda, faragelin kasta oo aan sharci ahayn waxay halis gelinaysaa amniga qaranka iyo midka gobolka.

Wasiirka Shaqada oo furay mashruuc dhaqaale oo loogu talo-galay Qoysaska danyarta ah

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed, ayaa si rasmi ah uga daahfuray magaalada Muqdisho mashruuc cusub oo lagu horumarinayo dhaqaalaha qoysaska danyarta ah.

Ujeeddada mashruucan ayaa ah in la xoojiyo fursadaha dhaqaale ee dhallinyarada Soomaaliyeed iyo in kor loo qaado heerka nolosha qoysaska danyarta ah ee gudaha dalka.

Intii ay socotay munaasabadda daahfurka, waxaa si rasmi ah agab shaqo-abuur loogu guddoonsiiyay 360 qof, kuwaas oo ka faa’iideysan doona qalabkan si ay u bilaabaan ganacsiyo yaryar oo waara, taasoo qayb ka ah qorshaha dhiirrigelinta nolol maalmeedka bulshada.

Barnaamijkan waxaa iska kaashaday Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo hay’adda samafalka ee Qatar Charity. Barnaamijkani wuxuu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee Wasaaraddu wado si loo abuuro fursado nololeed oo waara loogana jawaabo baahiyaha bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka waxaa munaasabadda daahfurka ku wehliyay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya, mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, iyo Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed.

Wasiir Ku-xigeenka Isboortiga oo daah-furtay tababar Garsoore oo loo qabtay Haweenka

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga, Xildhibaan Dahabo Saciid Cusmaan, ayaa maanta si rasmi ah u daah furtay tababar aqoon kororsi ah oo loo qabtay 34 garsoore oo dumar ah.

Tababarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo xirfadda garsoorayaasha haweenka si ay door muuqda uga qaataan horumarka kubadda cagta dalka.

Munaasabadda daah-furka tababarkan waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, ku-xigeennadiisa, Xoghayaha guud ee Xiriirka, iyo Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka.

Ugu dambeyn, Wasiir Dahabo ayaa la dardaarantay garsoorayaasha dumarka ah ee tababarka u furmay, iyadoo sidoo kale uga mahadcelisay Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed kaalinta ay ka qaataan horumarinta isboortiga dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo cambaaraysay duullaanka uu Axmed Madoobe kusoo qaaday Balad Xaawo

0

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka xuntahay, si adagna u cambaaraynaysaa fal dambiyeedka uu eedaysane Axmed Maxamed Islaam ka gaystay magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo duhurnimadii maanta.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay dowladdu ka xuntahay weerarka halkaasi ka dhacay, markii malleeshiyaad ka amar qaata Axmed Madoobe ay weerar bareer ah ku qaadeen xarumaha loogu adeego dadweynaha iyo xeryaha ciidamada qaranka.

Falkaan oo qayb ka ah dambiyada joogta ah ee uu ku kacayo Axmed Madoobe ayuu si ku talo gal ah ugu weeraray xarumo ay ka mid yihiin xafiiska Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo xeryo ay dagan yihiin ciidamada amniga.

Tallaabadaan ayaa sidoo kale ahayd mid uu eedaysanuhu kusoo beegay xilli ay dadweynaha magaalada ku mashquulsanaayeen hawl-maalmeedkooda caadiga ah, taas oo muujinaysa mas’uuliyad-darro iyo in aanu wax dan ah ka lahayn badqabka dadweynaha.

Waxaan u tacsiyaynaynaa muwaadiniinta waxyeelladu soo gaartay, waxaana ka go’an dowladda in cadaaladda la marsiiyo cid kasta oo ku lug yeelata gabood-fallada noocaan oo kale ah.

Waxay dowladdu digniin adag u diraysaa maleeshiyaadka uu sida qaldan u isticmaalo eedaysane Axmed Madoobe, waxaana la xusuusinayaa inay ogaadaan in qof kasta oo qayb ka noqda dambiyadaas abaabulan sharciga la marsiin doono.

 

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan muhiim ah la qaatay Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya

0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa maanta kulan soo dhaweyn iyo kala warqaadasho ah la qaatay 𝐌𝐫. 𝐇𝐢𝐝𝐞𝐤𝐢 𝐌𝐚𝐭𝐬𝐮𝐧𝐚𝐠𝐚 oo ah Maamulaha cusub ee Xafiiska Bangiga Adduunka Soomaaliya (Country Manager), kaas oo dhawaan loo soo magacaabay shaqada Xafiiska Soomaaliya.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray dib-u-eegista mashaariicda horumarineed ee Bangigu uu ka fuliyo gudaha Soomaaliya, qorshayaasha uu wato maamulahaan cusub iyo sidii loo Dardar-galin lahaa howlaha wada-shaqeynta Bangiga iyo Dowladda.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa uga mahadceliyay Bangiga Adduunka taageerada ay siiyaan Dowladda Soomaaliya, isaga oo sidoo kale xusay muhiimada ay leedahay in si wadajir ah loo eego mashaariicda cusub ee hadda socdaan qorshahooda, si loo dardar galiyo diyaarintooda iyo iskaashi wax ku ool ah oo waara.

 

 

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo warbixin ka dhageystay Saraakiisha Booliska Koonfur Galbeed

0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa ka dhageystay Saraakiisha Booliska Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo warbixinno la xiriirta xaaladda amni ee gobolka.

Warbixinta ayaa diiradda lagu saaray:

• Xaaladda guud ee amniga ee gobollada Koonfur Galbeed.

• Howlgallada socda ee lagula dagaallamayo kooxda Khawaarijta ah.

• Sugidda amniga waddooyinka muhiimka ah iyo xarumaha dowladda.

• Wacyigelinta bulshada iyo ka hortagga dambiyada.

Wasiir Fartaag ayaa ku ammaanay Saraakiisha dadaalka ay ku bixiyeen sugidda amniga iyo ilaalinta shacabka, wuxuuna carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wadashaqeynta ka dhaxeysa dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, si loo xaqiijiyo nabad waarta.

Ugu dambeyntii, Wasiirka ayaa ballan qaaday in Wasaaradda Amniga Gudaha ay sii xoojin doonto taageerada ay siiso ciidamada ammaanka, gaar ahaan dhanka qalabka, tababarrada, iyo dhiirrigelinta.

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo sheegay in ay taageerayaan cid kasta oo maalgashanaysa horumarinta dhaqaalaha badda

0

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee XFS Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa qaabilay ganacsato isugu jirta Soomaaliyeed iyo Koonfur Afrikaan, kuwaas oo ka qayb galay munaasabad lagu soo bandhigay fursadaha ballaaran ee ka jira kalluumeysiga dalka.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga ayaa sheegay in sharciyada la xiriira ganacsiga kalluumeysiga la dhammeystiray, taas oo fududeynaysa in si rasmi ah loo hirgeliyo maalgashi gudaha dalka ah.

Wuxuu xusay wasiirku in wasaaraddu diyaar u tahay in ay taageerto dhamaan dhinacyada u baahan maalgashiga, sida dekadaha, qaboojiyeyaasha, doomaha kalluumeysiga iyo agabka kale ee muhiimka u ah horumarinta dhaqaalaha badda.

Wasiirka ayaa tilmaamay in dowladda Shiinaha ay si gaar ah u cafisay canshuurta gudaha ee kalluunka laga dhoofiyo Soomaaliya, haddii shirkadda dhoofinaysa ay leedahay Soomaali ama ay wada leeyihiin Soomaali iyo ajaanib, wuxuuna arrintan ku tilmaamay fursad muhiim ah oo u baahan in laga faa’iideysto.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee wasaaradda ku dooneyso in la xoojiyo iskaashiga ganacsi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah.

Wasiirka arrimaha dibadda XFS oo ugu baaqay qurbajoogta in ay taageeraan ciidamada qalabka sida

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali,ayaa ka hadlay kaalinta muhiimka ah ee qurba-joogta Soomaaliyeed ay qaadanayeen soddonkii sano ee la soo dhaafay.

Wasiirka oo hadal ka jeediyay xalay munaasad ay abaabushay waaxda qurbajoogta iyo Jaaliyadaha ee Wasaaradda ayaa dib u milicsaday dhibaatadii ka dhalatay burburkii dowladdii dhexe ee sanadkii 1991-kii.

Wuxuu bogaadiyay wasiirku taageerada muuqata ee qurbajoogta Soomaaliyeed ay ku garab-istaageen dalka iyo dadka xilligii adkaa ee dagaalada , barakaca iyo abaaraha, isaga oo xusay garab-istaaggooda dalka muddadii 35-sano.

Wasiirka ayaa daaha ka qaaday in Wasaaraddiisu ay ku guda-jirto dhisidda dhismo ballaaran oo u gaar ah arrimaha qurbajoogta oo la filayo inuu ku soo dhammaado muddo shan bil gudahooda, martigelin doonana shirarka rasmiga ah, munaasabadaha iyo barnaamijyada qurbajoogta.

Wasiirka ayaa xusay in ay qorshaynayaan qabanqaabada hindiseyaal muhiim ah oo ay ka mid yihiin shirka sannadlaha ah ee maalgashiga qurba-joogta iyo shirka “Habeenka Qurbajoogga” oo ujeeddadiisu tahay xoojinta xiriirrada iyo sare-u-qaadidda wada-shaqaynta.

Wasiirku ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay kaalinta lama-huraanka ah ee qurba-joogta ay ku leeyihiin taakuleynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, isagoo sheegay in taageeriddooda amniga qaranka ay la mid tahay taageerada ay u hayaan qoysaskooda, ayna weli lagama maarmaan u tahay ilaalinta nabadda iyo xasilloonida dalka.

Ra’iisul wasaare Xamsa: “Qurbajoogta Soomaaliyeed waxa ay laf-dhabar u yihiin Hiigsiga 2060 ee Soomaaliya”

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Qurbajoogta Soomaaliyeed ay udub dhexaad u yihiin horumarka dalkooda, loogana fadhiyo in ay xoojiyaan doorka kaga aaddan garab istaagga ciidanka qalabka-sida iyo hirgelinta doorashooyinka awoodda loogu celinayo bulshada, si loo xaqiijiyo xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u leeyihiin in ay wax doortaan, lana doorto.

“Qurbajoogta Soomaaliyeed waxa ay laf-dhabar u yihiin Hiigsiga 2060 ee Soomaaliya, oo ah qorshe diirradda saaraya horumarinta dhaqaalaha, amniga iyo casriyeynta hey’adaha dowladda.

Waxaa la idinka rabaa in aad xoogga saartaan midnimada dalkeenna oo marar badan halis gashay. Waxaa la idinka doonayaa in aad isku xirnaataan, oo aad qeyb ka noqotaan dhismaha dowladnimada, doorashada iyo difaaca.”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha, oo ka qeyb galay munaasabad ku aaddan doorka Qurbajoogta Soomaaliyeed ee garab istaagga dowladda iyo taakuleynta ciidanka qalabka sida oo hal-ku dhiggeedu ahaa difaac iyo doorasho, ayaa tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay door wayn ku leeyihiin qurbajoogto, taas oo muujinaysa kaalintooda lagama maarmaanka ah ee ay ku leeyihiin dalka.

Maamulka gobolka Banaadir oo go’aan ka soo saaray dhul-boob lagu hayey suuqa Bakaaraha

0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta kormeer ku tagay suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha, si looga jawaabo cabasho maalmahaan kasoo yeereysay ganacsatada suuqa, taasoo ku aaddan shaqsiyaad dhul-boob ka waday qaybo kamid ah suuqa.

Guddoomiyaha oo dhegaystay cabashada shacabka, ayaa waxa uu ku dhawaaqay go’aan kasoo baxay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo ah in aysan jirin cid barakicin karta ganacsatada iyo in uusan jirin amar kasoo baxay maamulka Gobolka Banaadir iyo madaxda Qaranka oo ku aaddan dhulka suuqa Bakaaraha oo ay leedahay dowladda Hoose ee Xamar.

Guddoomiye Muungaab oo arrintaasi ka hadlaayana waxa uu yiri: “Waxaan kusoo baxay qeylo-dhaantiinna, waxaana isoo diray madaxweynaha dalka Dr Xasan Sheekh Maxamuud; ma jiro qof sharciyad u haysta dhulkaan, mana jiro qof ama dad idin barakicin karta ee nabad ku shaqaysta. Qofkii idin soo aado annaga ayaa idinka qaban doonno, dadka damaca uga jiro dhulkaanna waxaan leeyahay iimaanka Alle ha idin geliyo”

Duqa Muqdisho ayaa shaaciyay in ay mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta shacabka iyo hantidooda, isagoo caddeeyay in aysan jirin cid ku xadgudbi karto suuqyada ganacsi ee Muqdisho, sida; Bakaaraha, Suuq Bacaad, Suuqa Xamarweyne iyo dhammaan suuqyada kale, isagoo digniin u diray dadka soo samaystay dokumentiyada been-abuurka ah oo rabo in ay ku qaataan dhulka dowladda.

Kormeerka maanta ee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa waxaa ku wehliyey Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda mudane Maxamed Axmed Diiriye, Agaasimaha Waaxda Suuqyada mudane Nuur Xuseen Xasan iyo Guddoomiyaha degmada Hawl-wadaag mudane Bashiir Cabdi Maxamed.