Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub iyo Taliyihii hore ee CXDS

Date:

Muqdisho, Arbaco, 04 Febraayo 2026 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyo Taliyihii hore, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage.

Ra’iisul Wasaaraha oo hambalyo u diray Taliyaha cusub, ayaa xusay in looga baahan yahay ciidan leh hufnaan, anshax iyo dhaqan wanaagsan, si ay hormuud ugu noqdaan bulshada, una gutaan waajibaadkooda Qaran ee difaaca dalka.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Ciidanka Qaranka ay guulo waaweyn ka gaareen dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta, iyaga oo ka xoreeyey deegaanno badan oo ay gacanta ku hayeen, isla markaana cadowga u diiday jiif iyo nasasho, waxa uuna intaas raaciyey in dhawaan si buuxda looga ciribtiri doono dalka.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay in argagixisadu ay gabaad ka dhigteen dhul ballaaran oo leh kheyraad kala duwan, si ay u curyaamiyaan wax-soo-saarka dalka, gaar ahaan deegaannada leh wabiyada iyo beeraha.

“Meesha aan taaganahay waa meel lagu ilaaliyo calanka Qaranka Soomaaliyeed, waana astaan sharaf iyo masuuliyad gaar ah leh. Haddii cadowga laga xorayn dalkeenna, horumar lama gaarayo, sidaas darteed, mudnaanta koowaad waa xoreynta deeggaannada ay ku sugan yihiin kooxaha Khawaarijta ah.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in xuquuqda iyo daryeelka ciidamada ay kaalin muhiim ah kaga jiraan qorshaha Xukuumadda DanQaran, isaga oo tilmaamay in miisaaniyadda dowladda qaybta ugu badan lagu bixiyo sugidda amniga iyo nabadgelyada dalka.

Mudane Xamsa, ayaa uga mahadceliyey Taliyihii hore shaqadii mugga lahayd ee uu soo qabtay muddadii uu xilka hayey, isaga oo kula dardaarmay Taliyaha cusub in uu sii ambaqaado dadaallada lagu horumarinayo ciidanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo guddoomiyey shirka amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed

-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...