Home Blog Page 527

Israa’iil oo duqeymo ka geysatay marinka Qaza

Israa’iil ayaa duqeymo cirka ah ka geysatay marinka Qaza iyadoo sheegtay in ay kaga hortagysay gantaal lagu soo riday magaalada Sderot ee koonfurta Israa’iil.

Madaxweyne Deni oo kormeeray Taliska Guud Ciidamada illaalada Xeebaha Puntland.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo kormeeray Taliska Guud ee Ciidamada illaalada Badda iyo Beriga ee PMPF ayaa kulan la qaatay Agaasimaha Guud taliska iyo hoggaanada Taliska.

Mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha ciidamada ayaa Madaxweynaha Warbixin ka siiyay shaqooyinka Amni ee u qabsoomay, tababarada ciidanka, dAdaalada socda iyo shaqooyinka qorshaysan.

Madaxweyna Saciid ayaa ku bogaadiyey ciidamadda iyo hoggaanadoodaba howlkarnimada, hufnaanta iyo dAdaalka ay markasta heeganka ugu yihiin difaaca dalkooda iyo garab istaagga shacabkooda, waxaana uu tilmaamay in loo baahan yahay inay sii lab jibaaran dadaalkooda.

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida oo maanta xukun toogasho ah ku fulisay Afar askari.

0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa aroornimadii hore ee saakay xukun dil toogasho ah ku fulisay afar ka mid ah askarta dowladda Kuwaas oo horay loogu xukumay dil toogasha ah.

Askartan  xukunka lagu fuliyay saakay ayaa kala ah: Bukhaari Cawil Maxamuud oo NISA ka tirsana, Cali Maxamuud Xuseen oo Military-ga ka tirsanaa, Cabdirisaaq Axmed Mukhtaar iyo Maxamed Nuur Sheikh Warre oo iyagana ka tirsanaa ciidanka Booliiska.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegtay in dhammaan raggan saakay la toogtay ay horay u dileen saaxiibadooda shaqo wadaagga ay ahaayeen.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo wehliyo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug Maxamuud Cabdi Kaarshe ayaa kulan muhiim ah la yeeshay saraakiisha Africom ee Saldhigoodu yahay Magaalo xeebeedka Hobyo.

0

Madaxweynaha ayaa kala hadlay Saraakiisha Africom Xoojinta Howlgalka ka dhankaa Kooxda Khawaarijta Al-shabaab, isla markaana ay labo jibaaraan Taageradooda dhinacyada Duqeymaha Cirka iyo Howlgalka ciidamada Soomaaliyeed ee la shaqeeya.

Dhanka kale Madaxwayne Qoor Qoor ayaa Taliska Africom ka dalbaday in Galmudug ay kala shaqeeyaan Dib usoo kabashada dadka degaanka ee dhibaatooyinka ay u gaysteen kooxda Argagixisada, sidii loogu samayn lahaa Adeegyada bulshada sida Biyaha, Caafimaad, Waxbarshada oo dhammaan ay burburiyeen Argagixisadu.

Saraakiisha Taliska Africom ayaa balan qaaday inay joogtaynayaan howlgaladda ka dhankaa Khawaarijta, waxayna ka mahadceliyeen wada shaqaynta Ciidamada Federalka iyo Kuwa Daraawiishta kala dhexeysa, iyagoo dhanka kale tilmaamay inay garab taagan yihiin bulshada Tabaalaysan ee reer Galmudug.

Taliska Maraykanka ee Africom ayaa ka mid ah saaxiibada dowladda Soomaaliyeed ka taageera la dagaalanka Agagixisada iyo Horumarinta Adeegyada Bulshada meelaha laga saaro Kooxaha Nabadda-Diidka ah.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo isbadalka Cimillada Marwo Khadiijo Maxamed oo safar shaqo ku joogta dalka Finland ayaa Maanta la kulantay Wasiirka arrimaha dibadda Finland

0
 Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo isbadalka Cimillada XFS Marwo Khadiijo Maxamed Almakhzoumi oo safar shaqo ku joogta dalka Finland ayaa Maanta la kulantay Wasiirka arrimaha dibadda Finland mudane Pekka Haavisto.
Waxey ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo iskaashi xoog leh oo ku aaddan isbedelka cimilada iyo taageerada Finland ee dadaalka soo kabashada dalkeena Soomaaliya.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA JIIDDA-HORE EE DAGAALKA ARGAGIXISADA ALSHABAAB

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo ay wada qaateen madaxda, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya Mudane William Ruto, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Mudane Abiy Axmed.

Shirkan ayaa lagaga arrinsanayey sidii loo mideyn lahaa hawgallada lagu ciribtirayo argagixisada, iyadoo madaxdu ay falaanqeeyeen hannaanka fulinta qorshaha Muqdisho ee ka soo baxay shirkii maalmihii la soo dhaafay ay yeesheen Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga dalalka, Soomaaliya, Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti.

Madaxda ayaa wadajir u bogaadiyey guulaha Ciidamada Soomaaliyeed ay ka gaareen howlgalladii lagu xoreeyey deeganno badan oo ka tirsan dalka, kuwaas oo argagixisadu ay ka soo maleegi jireen falalka gurrucan iyo amni darrada heer dal iyo heer gobol, waxa ayna hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay In la sameeyo hawlgallo ay si wada jir ah u fulinayaan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya iyo  Ciidamada Dawladdaha Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya, kuwaas oo lagu ciribtirayo Argagaxisa Al-Shabaab.

Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey Madaxda dalalka Kenya Mudane William Ruto, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Mudane Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle sida ay u ajiibeen marti-qaadka uu u fidiyey, isagoo oo tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ka go’an tahay adkeynta xasilloonida gobolka iyo dabar-goynta argagixisada.

 

Dagaal u dhaxeeya ciidamada Dowladda gacana ka helaya dadka deegaanka iyo kooxda Khawaarijta oo ka socda deegaanka Beer-xaanno ee Hiiraan

0

Dagaal u dhaxeeya ciidamada Dowladda iyo xooggaga dib u xoreynta deegaanka ee Macawisley oo is kaashanaya iyo kooxda Khawaarijta ayaa ka socda deegaanka Beer-xaanno ee Koonfurta Magaalada Beledweyne.

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗹𝗮 𝗸𝘂𝗹𝗺𝗮𝘆 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗶𝗴𝗮 𝗗𝗵𝗶𝘀𝗺𝗮𝗵𝗮 𝗗𝗲𝗸𝗲𝗱𝗱𝗮 𝗚𝗮𝗿𝗮𝗰𝗮𝗱

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddiga Dhismaha Dekedda Garacad ee Gobolka Mudug.

Guddiga ayaa warbixin faahfaahsan ka siiyay Ra’iisul Wasaaraha halka ay marayaan hawlaha dhismaha Dekedda Garacad iyo horumarinta wadada isku xirta Garacad iyo Goldogob oo qiimeyn ay ku sameeyeen.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boggaadiyay Guddiga hawsha waxtarka u leh bulshada ee ay wadaan, isaga oo intaa raaciyay in Xukuumaddu ay garab taagan tahay mashruucyada lagu horumarinayo ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka.

Mudane Xamse waxa uu sheegay in Xukuumaddu ay si gaar ah u dhiirigelineyso mashruucan isku-tashi bulsho, oo uu tilmaamay inuu tusaale wanaagsan u yahay bulshadu waxa ay qabsan karto.

 

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Shekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan looga hadlay Dardargelinta Wajiga Labaad ee Shirka Dib U-Heshiisinta Xasiloonida la qaatay Golaha Wasiirada Dowlada Koonfur Galbeed,

0

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Shekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan looga hadlay Dardargelinta Wajiga Labaad ee Shirka Dib U-Heshiisinta Koonfur Galbeed iyo Xoojinta Amniga,Nabada iyo Xasiloonida la qaatay Golaha Wasiirada Dowlada Koonfur Galbeed, kulankaas oo uu goob joog ahaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeybgalay Gudiga Farsamada Shirka Dib U-Heshiisinta Koonfur Galbeed iyo masuuliyiin kale.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MUQDISHO KU SOO DHAWEEYEY DHIGGIISA DALKA KENYA MUDANE WILLIAM RUTO

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho waxa uu ku soo dhaweeyey Madaxweynaha dowladda Kenya Mudane William Ruto.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujiyey sida dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u soo dhaweynayaan Madaxweyne William Ruto iyo wafdigiisa oo booqashadii ugu horreysay ku yimid dalkeenna, tan iyo markii la doortay.

Dhankiisa, Madaxweynaha dalka Kenya Mudane William Ruto ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Xasan Sheekh soo dhaweynta diirran iyo marti-gelinta shirkan muhiimka ah ee lagaga arrinsanayo dabar-goynta argagixisada Alshabaab oo caqabad weyn ku ah horumarka iyo nolosha shucuubta gobolka.