Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo wehliyo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug Maxamuud Cabdi Kaarshe ayaa kulan muhiim ah la yeeshay saraakiisha Africom ee Saldhigoodu yahay Magaalo xeebeedka Hobyo.

Date:

Madaxweynaha ayaa kala hadlay Saraakiisha Africom Xoojinta Howlgalka ka dhankaa Kooxda Khawaarijta Al-shabaab, isla markaana ay labo jibaaraan Taageradooda dhinacyada Duqeymaha Cirka iyo Howlgalka ciidamada Soomaaliyeed ee la shaqeeya.

Dhanka kale Madaxwayne Qoor Qoor ayaa Taliska Africom ka dalbaday in Galmudug ay kala shaqeeyaan Dib usoo kabashada dadka degaanka ee dhibaatooyinka ay u gaysteen kooxda Argagixisada, sidii loogu samayn lahaa Adeegyada bulshada sida Biyaha, Caafimaad, Waxbarshada oo dhammaan ay burburiyeen Argagixisadu.

Saraakiisha Taliska Africom ayaa balan qaaday inay joogtaynayaan howlgaladda ka dhankaa Khawaarijta, waxayna ka mahadceliyeen wada shaqaynta Ciidamada Federalka iyo Kuwa Daraawiishta kala dhexeysa, iyagoo dhanka kale tilmaamay inay garab taagan yihiin bulshada Tabaalaysan ee reer Galmudug.

Taliska Maraykanka ee Africom ayaa ka mid ah saaxiibada dowladda Soomaaliyeed ka taageera la dagaalanka Agagixisada iyo Horumarinta Adeegyada Bulshada meelaha laga saaro Kooxaha Nabadda-Diidka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjire Cali Cabdi Awaare oo ku guuleystay Danjiraha Sanadka ee Somali Social Media Awards

Danjire Cali Cabdi Awaare, Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u...

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...