Dagaal u dhaxeeya ciidamada Dowladda gacana ka helaya dadka deegaanka iyo kooxda Khawaarijta oo ka socda deegaanka Beer-xaanno ee Hiiraan

Date:

Dagaal u dhaxeeya ciidamada Dowladda iyo xooggaga dib u xoreynta deegaanka ee Macawisley oo is kaashanaya iyo kooxda Khawaarijta ayaa ka socda deegaanka Beer-xaanno ee Koonfurta Magaalada Beledweyne.

Dagaalka ayaa billoowday kaddib markii ciidanka dowladda iyo kuwa Dib-u-xoreynta deegaanku weerar ku qaadeen goob Khawaarijtu isku aruursanayeen taasi oo keentay in uu dagaalka qarxo.

Ciidan gurmad ah oo uu hoggaaminayo Taliye Xasan Guuleed oo kamid ah saraakiisha guutada 5-aad qeybta 27-aad aayna wehliyaan ciidanka Gorgor ayaa gaaray goobta uu dagaalka ka socda.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa Warbaahinta  Qaranka u xaqiijyay in khasaare xooggan Khawaarijta la gaarsiiyay ayna ka saareen deegaano ay kamid yihiin Beerxaano Dhoqor iyo kuwa kale oo dhammaantood dhaca Koonfurta Beledweyne kuwaas oo ku teedsan wabiga Shabeelle.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeyb galay shir madaxeedka Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee BFS oo lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka oo Gaaray Magaalada Jowhar

Wafdi ballaaran oo ka socda Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowladda...

Dibadbax lagu taageerayo dowladda iyo doorashooyinka qof iyo codka ah oo dhacay degmada Kaaraan

Shacabka degmada Kaaraan ayaa xaafadda Mirinaayo ku qabtay dibadbax...