Dagaal u dhaxeeya ciidamada Dowladda gacana ka helaya dadka deegaanka iyo kooxda Khawaarijta oo ka socda deegaanka Beer-xaanno ee Hiiraan

Date:

Dagaal u dhaxeeya ciidamada Dowladda iyo xooggaga dib u xoreynta deegaanka ee Macawisley oo is kaashanaya iyo kooxda Khawaarijta ayaa ka socda deegaanka Beer-xaanno ee Koonfurta Magaalada Beledweyne.

Dagaalka ayaa billoowday kaddib markii ciidanka dowladda iyo kuwa Dib-u-xoreynta deegaanku weerar ku qaadeen goob Khawaarijtu isku aruursanayeen taasi oo keentay in uu dagaalka qarxo.

Ciidan gurmad ah oo uu hoggaaminayo Taliye Xasan Guuleed oo kamid ah saraakiisha guutada 5-aad qeybta 27-aad aayna wehliyaan ciidanka Gorgor ayaa gaaray goobta uu dagaalka ka socda.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa Warbaahinta  Qaranka u xaqiijyay in khasaare xooggan Khawaarijta la gaarsiiyay ayna ka saareen deegaano ay kamid yihiin Beerxaano Dhoqor iyo kuwa kale oo dhammaantood dhaca Koonfurta Beledweyne kuwaas oo ku teedsan wabiga Shabeelle.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...