Home Blog Page 526

[DAAWO] Xildhibaanada golaha shacabka oo maanta akhrinta labaad marsiiyay hindise sharciyeedyada Nabad sugidda iyo korontada dalka

0

Muqdisho,04,02,2023: Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad Ee Golaha Shacabka BJFS Mudane.Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa Shir Guddoomiyay Kalfadhiga 2-aad Kulankiisa 15-aad ee Golaha Shacabka BJFS Oo Ajandihiisu ahaa;

1)Dhaarin Xildhibaan (Ilyaas Sheekh Axmed)

2)Dhameystirka Ka doodista Akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka.3)Ka doodista Akhrinta 2aad ee Hindise sharciyeedka Korantada.4)Qeybinta Warbixinta Kalfadhiga 1aad ee Golaha Shacabka 11aad.

Habdhowraha Golaha Shacabka BJFS Xil. Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) Ayaa dhaariyay Xildhabaan Ilyaas Sheekh Axmed Oo deegaan doorashadiisu tahay Galmudug.

Intaasi kadib xildhibaanada Golaha shacabka BJFS ayaa siiwaday dhameystirka Ka doodista Akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka. xildhibaanada ayaa intooda badan doododa ku saleysneeyd toosin iyo turxaan bixin ku saabsan sharcigaan.

Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye Ku- xigeenka Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamulada Gobollada iyo Amniga Ee Golaha Shacabka BJFS, Xil. Nuur Axmed Diiriye “Nuur Afeey” iyo qaar kamid ah xubnaha gudiga Ayaa umahadceliyay xildhibaanada aygoona ku Amaanay xildhibaanada dooda adag ee ka yeesheen sharcigaan, soo jeedintooda iyo turxaan bixintooda ku aadan sharcigaan.Intaasi kadib Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane. Cabdullaahi Cumar Abshirow oo shir guddoominayay kulanka ayaa guddiga faray in ay soo diyaariyaan Akhrinta 3aad ee Hindisa Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Ayagoona ka duulaya talooyinka iyo qodabada ay dul istaageen xildhibaanada muddo labo maalin Ahna ay ku keenaan Akhrinta 3aad ee Hindisa Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka.

Intaasi kadib Guddoomiyaha Guddiga Gaadiidka, Garoommada, Dekedaha, Hawlaha Guud iyo Tamarta ee Golaha Shacabka BJFS Xil. Abdillahi Abdi Mohamed (Geelqaad)Ayaa xildhibaanada ka hor Aqriyay hindise sharciyeedka korantada oo uu guddigu soo diyaariyay Asigoona sheegay in sharcigaan uu yahay sharci Arimo bulsho muuhiimna uu uyahay dalka iyo dadka soomaliyeed waxa uuna ka codsaday xildhibaanada in ay Ansixiyaan si sharcigaan uu udhaqangalo.

Intaasi kadib xildhibaanada Golaha shacabka BJFS ayaa dood adag ka yeeshay sharcigaan

xildhibaanada ayaa intooda badan doododa ku saleysneeyd toosin iyo turxaan bixin ku saabsan sharcigaan.

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane. Cabdullaahi Cumar Abshirow Ayaa soo xiray kulanka maanta Asigoona sheegay in Guddiga ay soo diyaariyaan Akhrinta 3aad Hindise sharciyeedka Korantada Ayna ku soo daraan soo jeedinta xildhibaanada maalinta isniintana ay keenaan sharcigaan.

Waxaa Maanta oo Jimco ah Dalka dib ugu soo laabtay qaar ka mid ah dhaawacyadii Qaraxii Zoobe 2

0

Waxaa Maanta Dalka dib ugu soo laabtay qaar ka mid ah dhaawacyadii Qaraxii Zoobe 2 kadib markii lagu soo daweeyay isbitaallada Dalka aan walaalaha nahay ee Imaaraadka Carabta.

Masuuliyiin katirsan Mudug oo maanta Xariga ka jaray Xafiiska Qeybta Barakacyaasha iyo  Samafalka Gobalka Mudug

0

Xoghayaha Guud ee Gobalka Mudug ahna ku simaha Guddoomiyaha Gobalka Maxamed Cali Qoobcad oo ay wehliyeen masuuliyiin ka socotay  Wasaarada Gar gaarka iyo maareeynta masiibooyinka Galmudug ayaa Maanta Xariga ka Jaray Xafiiska Qeybta Barakacyaasha iyo  Samafalka Gobalka Mudug .

[DAAWO] Soomaaliya oo ku biireysa ururka Bulshada Bariga Afrika

0

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Ururka Bulshada bariga Africa Cabdisalaan ayaa sheegtay in Sanadkaan gudahiis Soomaliya ay kamid noqon doonto is bahaysiga la magac baxay ururka Bulshada Bariga Afrika.

Israa’iil: “Dhamaadka sannadkan waxaa la dhamaystirayaa xidhiidhka diblomaasi ee aan la leenahay ee Sudan”

Wasiirka arrimaha debedda ee Israa’iil ayaa sheegay inuu rajaynayo in la dhamaystiro xidhiidhka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Sudan iyo Israa’iil, dhammaadka sannadkan, xilli uu ka soo laabtay socdaal diblomaasiyadeed oo uu ku tegey dalka Sudan.

Eli Cohen oo la hadlay warbaahinta, ka dib safariisa halka maalin qaatay ee uu ku tegey Khartoum, ayaa sheegay inuu kulamo heersare ah la qaatay hoggaamiyayaasha milateriga, oo uu ka mid yahay hoggaamiyaha Sudan Abdel-fattah Burhan oo dalkaas soo xukumayey tan iyo markii uu afgembigu dhacay sannadkii 2021.

“Heshiiska ayaa la filayaa in la saxiixo sanadkan, wuxuuna noqonayaa kii afaraad” ee noociisa ah, ayuu yidhi wasiirka arrimaha debedda ee Israa’iil, isaga oo tixraacaya heshiisyadii lagu hagaajinayey xidhiidhka u dhexeeya Israa’iil iyo dalalka Imaaraadka Carabta, Bahrain, Sudan iyo Morocco, kaas oo uu door ka qaatay Maraykanku.

Ku dhawaaqistan ayaa ka caawin karta ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu in uu dareenka ka jeediyo rabshadihii dhowaan ka dhex dhacay Falastiiniyiinta iyo maamulkiisa, iyo weliba cadhada xooggan ee ka dhalatay qorshihiisa ku aaddan isbedelka dhinaca garsoorka.

AP

[DAAWO ] Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo sheegay in Musuq-maasuqa uusan ka jirin kaliya dowladda dhexdeeda balse uu ka jiro meelkasta

0
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Musuq-maasuqa uusan ka jirin kaliya dowladda dhexdeeda balse uu ka jiro meelkasta loona baahan yahay si-wadajir loo saxo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo magaalada Baydhaba u gaaray dhammeystirka wada-hallada Shirka dib u heshiisiinta Koonfur-galbeed

Baydhabo, Febaraayo 03, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhaba halkaasi oo uu ka socda wejiga labaad ee Shirka dib u heshiisiinta Koonfur-galbeed.

[DAAWO ] Hey’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka iyo Hey’adda Turkiga ee IHH oo qoysas danyar ah gargaar ugu qeybiyey gudaha degaanka Gubadleey

0

Hey’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka Soomaaliyed iyo Hey’adda IHH ee laga leeyahay wadanka turkiga ayaa maanta si wadajir ah deegaanka Gubadleey ee Gobolka Banaadir waxa ay Gargaar ugu qeybiyeen 883 qoys kuwaas oo iskugu jiray dad danyar ah iyo kuwa deganadoodii uga soo barakacay abaaro iyo colaado.

Guddoomiye Sheikh Aadan Madoobe oo qaabilay Midowga Musharraxiinta, Golaha Badbaadada iyo Madasha Samatabixinta KGS

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa  kulan la qaatay Midowga Musharraxiinta, Golaha Badbaadada iyo Madasha Samatabixinta KGS, waxaana uu kala hadlay dardargelinta wajiga labaad ee Shirka Dib u Heshiisinta Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa Midowga Musharraxiinta, Golaha Badbaadada iyo Madasha Samatabixinta KGS u sheegay in si habsami leh loo sii amba qaado wajiga labaad ee shirka oo lagaga arrinsanaayo hanaanka geedi socodka nabada iyo sidii guul mira-dhal leh loogu gaari lahaa gogosha taala magaalada Baydhabo, si dalka looga xorreeyo kooxda Khawaariijta Al-Shabaab.

 

Labo ka mid ah dhallinyarada ay qaldeen Khawaarijta Al-Shabaab oo maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka

0

Labo ka mid ah dhallinyarada ay qaldeen Khawaarijta Al-Shabaab ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka ee ku sugan aagga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.