In ka badan 50 Khawaarij ah ayaa lagu dilay deegaanka Afcad oo hoos taga degmada Buulaburde ee gobalka Hiiraan ka dib howlgal qorshaysan oo ciidanka Qaranka, Geesiyaasha dadka deegaanka iyo Saaxiibada Caalamiga ah ay ka sameeyeen deegaankaan.
[DAAWO ] 𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗱𝗮𝗮𝗵-𝗳𝘂𝗿𝗮𝘆 𝗼𝗹𝗼𝗹𝗮𝗵𝗮 𝘁𝗮𝗮𝗸𝘂𝗹𝗮𝘆𝗻𝘁𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗴𝘂𝗿𝗺𝗮𝗱𝗸𝗮 𝘀𝗵𝗮𝗰𝗮𝗯𝗸𝗮 𝗮𝗮𝗻 𝘄𝗮𝗹𝗮𝗮𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗻𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗲𝗲 𝗧𝘂𝗸𝗶𝗴𝗮
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xalay daah-furay ololaha taakulaynta iyo gurmadka dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Tukiga, kuwaas oo ay dhibaato baaxad wayni ka soo gaartay dhulgariirkii dhawaan dalkaas ku dhuftay.
Kulan qaaraan loogu ururinayo shacabka iyo walaalaha ee Turkiye uuna soo qabanqaabiyey Gudddiga heer qaran ee Ra’iisul Wasaare Xamse u magacaabay gurmadka Turkiga, ayna ka soo qaybgaleen Wasiiro, ganacsato, culimaa’udiin, madaxda dhaqanka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaarha XFS ayaa madashaas uga yaboohay lacag dhan 1 Milyan oo Dollar oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu deeqayso walaalaha Turkiga, wuxuuna sidoo kale ku guubaabiyey shacabka Soomaaliyeed in ay kaalin firfircoon ka qaatan dadaallada loogu gurmanayo dadka reer Turkiye ee dhibaatadu ku habsatay, isagoo Soomaalida xasuusiyey abaalka ay ku leeyihiin shacabka iyo dowladda Turkiye, sidaas darteedna loo baahan yahay in shacabka, ganacsatada, culimada diinta, duubabka dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshadu ay ka qayb qaatan hawlaha gurmadka deg-degga ah.
Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug oo howlgal ka wadaha gobolka Mudug
Ciidamada Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Galmudug ayaa maalintii 4aad howlgal ka dhan ah Khawaarijta Al-shabab oo looga sifeynayo goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan ka wada koonfurta Gobolka Mudug.
Ciidamada ayaa howlgalladii maalmahaan ka socday deegaannadaas waxaa ay jab xooggan ku gaarsiiyeen Khawaarijta ku dhuumaaleysanayay Deegaanada Qeycad, Laas-gacameey, Doonyaale iyo kuwa kale.
La soco faah faahin dheeraad ah goor dhow

Agaasimaha STNV oo kulan shaqo u tagay dalka finland
Agaasimaha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed Sharma’arke Maxamed Warsame oo ku sugan dalka Finland ayaa kulan gaar ah la qaatay Masuuliyiin ka tirsan wasaaradda Arrimaha dibadda dowladda dalkaas,iyadoo kulankaas looga hadlay iskaashiga labada dowladood.
𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗺𝗮𝗴𝗮𝗰𝗮𝗮𝗯𝗮𝘆 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗶 𝗤𝗮𝗿𝗮𝗻 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝘀𝗵𝗮𝗾𝗲𝗲𝘆𝗮 𝗚𝘂𝗿𝗺𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗪𝗮𝗹𝗮𝗮𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗧𝘂𝗿𝗸𝗶𝗴𝗮
Muqdisho, Feberaayo 15, 2023; Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay Guddiga Qaran ee Gurmadka Dhul Gariirka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiye oo ka shaqeyn doona sidii ay u muujin lahaayeen taageerada shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay la garab taagan yihiin walaalahooda Turkiga.
Ra’iisul Wasaare Xamse oo garoowsan sida Turkigu ay ugu soo gurmadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed xilligii adkaa ayaa go’aamiyey in maanta aysan ka harin dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed garab istaagga caalamiga ee loo fidinayo dalka Turkiga oo ay ku habsatay musiibo ballaaran.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa markii uu la tashaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu xubnaha hoos ku xusan u magacaabay in ay isku xiraan, kana shaqeeyaan gurmadka Soomaaliya ay u direyso Turkiga.
- Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka — Mudane Xasan Macallin Maxamuud
- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib U Heshiisiinta — Mudane Axmed Macallin Fiqi
- Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare — Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir
- Sheekh Bashiir Axmed Salaad
- Sheekh Cabdulqaadir Soomow
- Suldaan Cabdiqani Qorane
- Cumar Xasan Maxamed
- Axmed Maxamuud Yuusuf
- Axmed Shirwac Maxamed
- Duniya Maxamed Cali
- Prof. Xuseen limaan
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Mudane Abshir Cumar Jaamac ( Huruuse) ayaa xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa uga qayb-galay furitaanka shirka sanad-laha ah ee Midowga Afrika,
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Mudane Abshir Cumar Jaamac ( Huruuse) ayaa xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa uga qayb-galay furitaanka shirka sanad-laha ah ee Midowga Afrika, heerkiisa wasiirrada arrimaha dibedda oo sanadkan looga hadli doono dardar gelinta iskaashiga dhaqaale ee Afrika iyo fududaynta ganacsiga ka dhexeeya dalalka qaaradda Afrika.
Shirkan oo hordhac u ah midka Madaxweynayaasha Qaaradda oo 18-ka bishan ka furmaya magaalada Addis Ababa ayaa sanadkan loogu tartami doonaa hoggaanka guddiyada kala duwan ee qaaradda, waxayna Soomaaliya rajo weyn ka qabtaa in ay ku guuleeysato hoggaanka mid ka mid ah guddiyada ugu muhiimsan qaaradda.
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama ayaa daah-furay qorshaha Qaran ee kobcinta xirfadaha Haweenka
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama ayaa daah-furay qorshaha Qaran ee kobcinta xirfadaha Haweenka ee ka faa’iideysiga khayraadka Badda.
Qorshahan qaran ayaa loogu talo galay in si wadajir ah loogu horumariyo baahiyaha haweenka ee la xiriira wax soo saarka badda, kor u qaadidda doorka hoggaamineed ee haweenka, ka qaybgalka waxbarashada iyo shaqaalaysiinta, amniga iyo fursadaha maalgashi ee la xiriira badaha.
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka oo hadal ka jeediyey munaasabadda daah-furka ayaa tilmaamay in qorshahani uu wax wayn ka badeli doono shaqo la’aanta iyo saboolnimada, isagoo sheegay in haweenka ay fursad u heleyaan barashada xirfado ay uga faaiideysan doonaan khayraadka badaha ee dalkeenna ceegaaga.
Shirka oo ay si wadajir ah usoo qaban-qaabiyeen Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqal Insaanka, Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda iyo Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah, ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirradda Heer Dowlad Goboleed, xubno ka socday labada gole ee Baarlamaanka, Safiiro iyo masuuliyiin ka socday hay’adaha deeq bixiyaasha.

Gudoomiyaha hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Maxamud Macallin ayaa maanta kula la qaatay kaaliyaha Arimaha Barakacayaasha iyo xalalka waara ee Xog hayaha guud ee Qaramada midoobay
Gudoomiyaha hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Maxamud Macallin ayaa maanta kula la qaatay kaaliyaha Arimaha Barakacayaasha iyo xalalka waara ee Xog hayaha guud ee Qaramada midoobay Mudane Robert Piper.
labada mas’uul ayaa si qota dheer oga wada hadlay xaaladaha barakacayaasha iyo sida xal waara loogu heli karo, Mudane Robert Piper ayaa sheegay in Qaramada Midoobay aa si dhaw ola socoto xaladda bini’aadinomo ee Soomaliya isagoo sheegay in ay garab taganyihiim marwalba shacabka Soomaaliyeed.
Gudoomiyaha SoDMA Maxamud Macallin ayaa Kaaliyaha gaarka ee ka socdo Xog hayaha Qaramada midoobay kaga mahadceliyay garab istaagga Shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS oo hambalyo u diray Cidanka Cirka Soomaaliyeed
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Ciidanka Cirka Soomaaliyeed munaasabadda 63-sanno guuradii ka soo wareegtay markii dhidibada loo taagay Ciidanka Cirka Soomaaliyeed.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa dhammaan saraakiisha, saraakiil xigeennada, qeybaha Kala duwan ee Ciidanka Cirka iyo qoysaskooda ugu hambalyey maalintan qiimaha badan ee ku weyn ummadda Soomaaliyeed, isagoona sheegay in ciidanka cirka ay kaalin muhiim kaga jiraan dowladnimadda dalka.
Wasiirka Difaaca XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta safaarada dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga uu Tacsi ugu tagay Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya
Wasiirka Difaaca XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta safaarada dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga uu Tacsi ugu tagay Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya, si uu uga tacsiyadeeyo dowladda iyo shacabka dadkii ku dhintay Dhulgariirkii musiibadii ahaa ee ka dhacday Isniintii la soo dhaafayTurkiga.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa saxiixay buugga tacsida ee loo furay dadkii dhintay Dhul-gariirka, isagoo cadeeyey in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay aad uga tiiraanyeysan yihiin musiibadii ka dhacday Turkiga.


