Maamulka Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixiyey dhacdadii kooxda Argagixisada Al-shabaab dad rayid ah oo ceel ka qodayey deegaanka Girileey ay ugu geysteen xasuuq maalintii shalay aheed xilli deegankaas baahi weyn u qabeen ceelbiyodkaas.
Taliye Farxaan Qaroole oo ku Shadiiday Shabeelaha Dhexe.
Ilaahay ha unaxariistee waxaa saaka ku shahiiday howlgal lagula dagaalamayey khawaarijta S/Guuto Shahiid Farxaan Maxamuud Aadan ,Taliyihii Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir.
Howlgalka ayaa Ciidama Amaanku uga sifeynayaleen argagixisada xuduuda deegaan ee Gobolada Banaadir, Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha hoose.
Waxaan ilaahay u weydiinaynaa naxariistisii jano sareeyaha iyo shuhaadadii la geeriyootay, sidoo kalana inta ku dhaawacantay ilaahay ha u booga dhayo.
Argagixisada naf la caariga ahi, marnaba nagama weecin doonto hadafkeena ah xaqiijinta Amaanka Dalka iyo ciribtirka Argagaxisada,sidaasi waxaa yiri G/le Sadiiq Duudishe Afhayeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed
Soomaaliya Iyo Itoobiya Oo 10 Qodob ku Heshiiyay
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddo labo maalmood ah Booqasho rasmi ah ku joogay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka ee Itoobiya, kaddib martiqaad uu ka helay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed.
Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadallo laba geesood ah yeeshay.
Intii uu socday wadahadalka labada hoggaamiye waxaa ku wehlinayey masuuliyiin sare oo ka tirsan labada dal, iyagoo isla eegay arrimaha ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan in la iska kaashado dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xagjirnimada, xoojinta dhaqaalaha iyo is-dhexgalka gobolka.
labada hoggaamiye ayaa isla qaatay:
1. In la kobciyo, lana xoojiyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo Labada shacab, kaas oo sal looga dhigayo qadarinta qarannimada iyo midnimada labada dal.
2. Waxay ku celiyeen go’aankooda ah inay si wax ku ool ah isaga kaashadaan dagaalka ka dhanka ah cadowga ay wadaaageen labada dal ee Argagixisadda iyo Xag-jirnimada, waxa ayna fareen hay’adaha amniga xoojinta iyo tayeynta iskaashiga amni ee ka dhaxeeya.
3. Labada Hogaamiye waxay bogaadiyeen howlgalada ka dhanka ah argagixisada ee ka socda Gobollada Soomaaliya, gaar ahaan duulaankii ugu dambeeyay ee ciidamada XDS ay ku qaadeen Al Shabaab.
4. Madaxdu waxay ugu baaqeen Golaha Amaanka Qaramada Midoobay in ay tixgaliyaan codsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ah in laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran dalka in ka badan 30 sano, si loo xaqiijiyo in Ciidamada Soomaaliyeed ay dalkoodaa ka xoreeyaan Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada ah.
5. Waxa ay hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in la wada shaqeeyo, la yareeyo saameynta dibadda iyo faragelinta laga yaabo inay wiiqdo nabadda iyo xasilloonida gobolka iyo dadaalka wadajirka ah ee la dagaalanka argagixisada.
Si taas loo gaaro, waxay ku heshiiyeen in ay yeeshaan wada-tashiyo laba geesood ah oo joogto ah iyo in la iska kaashado golayaasha loo dhan yahay iyo kuwa goboleedba, korna loo qaado danaha guud ee ku salaysan is-xtiraamka labada dhinac iyo madaxbannaanida labada dal.
6. Waxaa la bogaadiyay Ciidamada Difaaca Itoobiya ee sida geesinimada leh ugu huray naftooda nabadda, xasiloonida iyo dowlad dhiska Soomaaliya.
7. Madaxdu waxay xuseen in labada dal iyo guud ahaan dalalka gobolka ay soo foodsaareen abaaro soo noqnoqday iyo masiibooyin kale oo dabiici ah, kuwaas oo ay keeneen isbeddelka cimilada, khatarna ku ah nolosha dadka deegaanka.
Waxay ku nuuxnuuxsadeen in ay lama huraan tahay in arrimahan la iska kaashado, loona baahan yahay in la laba jibbaaro dadaallada looga gudbi karo caqabadahaas.
Waxay sidoo kale ugu baaqeen saaxiibada caalamiga ah in ay sii wadaan taageerada bulshooyinka ay abaartu saameysey.
8. Madaxdu waxay ku heshiiyeen in la kordhiyo deeqaha waxbarasho iyo tababarada ee Itoobiya ay siiso shacabka, shaqaalaha, ciidamada ammaanka iyo hay’adaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
9. Labada hoggaamiye waxa ay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay balaarininta iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada Ganacsiga, maalgashiga, Isgaarsiinta, amniga iyo siyaasadda.
10. Madaxdu waxa ay fareen xafiisyada dawladda in ay sameeyaan guddiyada isku dhafka ah ee Wasaaradaha, sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah, si looga doodo loona dejiyo tilmaamaha iyo hababka fulinta ee arrimaha danaha labada dhinac.
Ciidanka Dowlada Oo Lawareegay Deeganka Basra.
Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa si buuxda ula wareegay deegaanka Basra ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Howlgal Qorsheysan Waaberigii Saakay ay Deegaanka Basra ay ka fuliyeen Ciidamada Amniga Dowladda Soomaaliya ay kula wareegeen deegaanka Basra iyo Tuulooyinka Hoosyimaada.
Tuulooyinka ay sida buuxda ula wareegeen Ciidamada oo gaaraya 9 tuulo ayaa kala ah.
1. Basra
2. Sapyo
3. Bahdaad
4 . Beled Al Kariim
5. Baldooska
6. Alifoow
7. Muryaley
8. Daniga Balow
9. Buula Xansholey
Waxayna dhammaantood ku teedsanyihiin Wabiga Shabeelle.
Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur oo ladlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka ay burburiyeen Saldhiggii ugu weynaa Maleeshiyaadka Alshabaab ee Deegaanada ay la wareegeen, islamarkaana aysan jirin wax iska cabin ah oo ay ciidamadu la kulmeen inta howlgalku Socday.
Deegaanka Basra oo ah degaan Istiraatiiji ah iskuna xira gobalada Shabeellaha Hoose iyo Shabaalaha Dhexe.
Sidoo kale Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa Basra kulahaa Saldhig wayn oo ay kasoo abaabulijireen dhagarta ay usoo maleegaan umadda Soomaaliyeed.
Shirka Ban-baxa Wasaaradda Hawlaha Guud DFS Oo Lasoo Gabagabeeyay.
Shirka Ban-baxa Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta DFS oo soconayey muddo laba maalmood ah ayaa lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho.
Shirka oo ay ka qayb galayaan Agaasimaha Guud, Agaasime waaxeedyada, La taliyeyaasha & u qayb sanayaasha mashaariicda ayaa socondoonayey labo maalmood.
Qaybihii hore ee shirka ayaa waxaa shir godoominayey Wasiiru dowlaha Wasaaradda Hawlaha Guud S/G Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe) ayaa lagu soobandhigay warbixinno la xiriira sida lagu horumarin lahaa shaqada Wasaaradda.
Waaxyaha Qorshayta, Dib u dhiska, Guriyeynta, Taya dhowrka Qalabka dhismaha & Madax Mashruuca dhismaha Waddooyin Gobolada (RIP) ayaa jeediyey shaqooyinka ay hayaan & qorshayaashooda.
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta DFS Mudane Ismaaciil Cabdiraxmaan Sh. Bashiir oo sooxiray shirka ayaa ku bogaadiyey agaasimayaasha & madax qaybeedyada Wasaaradda shaqada ay hayaan.
Waxaa si gaar ah looga dooday warbixinna laga soojeediyey qodobada kala ah
-Mandateka Wasaaradda
-Siyaasadda & Shuruucda
– Diyaarinta Qorshe hawleedka Wasaaradda
-Caqabadaha & Xalkooda
Ugu dambayn waxaa la isku raacay in si deg deg ah loo dhaqan galiyo qodobada ka soobaxay shirka.
Nin ka Mid ahaa Alshabaab oo Isku Soo Dhiibay Nabad Sugidda KGS.
Maxamed Xasan Nuur Oo katirsana Ururka Argigixisada Al-Shabaab ayaa isu soo dhiibay Ciidanka Hay’ada Nabad Sugida Iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ee Ku sugan Degmada Xudur Ee Xaruunta Gobolka Bakool.
Maxamed ayaa argigixsada kamid ahaa mudo labo sano asagoona ka qeybqaatay dagaalo dhowr ah Oo ka dhacay Gobolada Dalka.
Maxamed ayaa sheegay in ay Ciidanka Nabadsugida si wanaagsan usoo dhaweyeen isagoona dhalinyarada Argigixisada qaladay ugu baaqay inay isu soo dhiibaan maadaama Dalka Oo dhan ka bilowday howlgalo lagu citibtiraayo Argigixisada.
RW Xamse oo ka tacsiyeeyay Geerida Shahiid Nabadoon Cilmi Xagar.
AUN waxaa Saaka Dagaal ka Dhacay Deegaanka Qoxle ku Geeriyooday Nabadoon Cilmi Xagar Guure oo ka Mid ahaa Hoggaanka Dhaganka Hiiraan isla markaan Hormuud u Ahaa Kacdoonka Shacabku Kaga Soo horjeeseen Malayshiyada Alshabaab.
Reysul wasaaraha Qaranka ayaa Qoraal uu Ku Baahiyay Bartiisa Facebook kaga Tacsiyeeyay Geerida Nabadoom Xagar.
“Waxaan ka tacsiyaynayaa geeridda xaqa ah ee kutimid Nabadoon Cilmi Hagar Guure oo maanta ku shihiiday dagaal ka dhacay jiidda hore ee dagaalka ee deegaanka Ceel Qooxle ee gobolka Hiiraan”
RW Xamse ayaa Sidoo Kole Yuri. “Mujaahid Cilmi wuxuu kamid ahaa odayaashii ugu horreeyay ee diiday gumeysiga iyo dhibaatada ay dadka Soomaaliyeed ku hayso argagixisadu, Wuxuuna astaan iyo halbeeg u yahay jihaadka iyo dabargoynta ka dhanka ah kuwa dadkeenna nabadda iyo xasiloonida u diiday”
“Waxaan Eebbe uga baryayaa in uu Mujaahid Cilmi ka waraabiyo Jannadiisa midda ugu sareysa.” Ayuu Hadalkiisa Kusoo Xiray.
Soomaaliya iyo Maraykanka oo Kala Saxiixday Heshiis Dhaqaale.
Dowladdaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa kala saxiixday 86.7 Milyan USD oo lagu Horumarinayo Dimuqraadiyadda , Maaamulka, Xasilinta iyo Adkeysiga oo muhiimad gaar ah u leh dalka.
Dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay dowladda Mareykanka, taageerada saaxiibtinimo, iyadoo la hubinayo in looga fa’ iideysto taageeradaan hannaankii loogu talagalay, iyadoo isla markaana la waafajinayo qorshaha horumarinta Qaranka.
Kulanka lagu kala saxiixanayay heshiiska oo ka dhacay xarunta Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda maaliyadda XFS, Dr; Cilmi Maxamed Nuur iyo Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya , Maxamuud Cabdiraxmaan Beene-beene.
Shirka caalamiga ah ee Hay’adda Duulista Hawadda Adduunka ICAO oo ka furmay Montreal. (SAWIRO).
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xil. Fardowsa Cusmaan Cigaal iyo wafdi ay hoggaaminayso ee Dawladda Soomaaliya ayaa ka qeybgalay furitaanka shir weynaha caalamiga ah ee Hay’adda Duulista Hawadda Adduunka (ICAO).
In ka badan 3000 oo ergo ah oo ka kala socda Dawladaha Xubnaha ka ah ICAO iyo wakiillo ururrada caalamiga ah ayaa ka qeybgalay furitaanka shirkan oo ah fadhiga 41-aad ee Hay’adda Duulista Hawadda Adduunka ICAO, kaa oo maanta ka furmay magaalada Montreal ee Dalka Canada , wuxuu soconaya 27 Sebt – 7 Oct, iyadoo looga hadlayo muddadaa qodobbo mudnaan u leh horumarinta,xiriirka, iskaashiga Hawada iyo saameynta COVID-19.
“ Soomaaliya oo ka mid ah dalalka codka ku leh ICAO , waxay shir weynahan uga faa’iideysanaysaa sii amba-qaadida horumarrada la boggaadiyay ee Duulista Hawada iyo iskaashiga caalamiga ah.” Wasiir Fardowsa ayaa sidaa sheegtay.
Xil. Fardowsa Cusmaan, ayaa sidoo kale xaqiijisay in shir weynaha lagu soo bandhi doono guulaha iyo dadaallada horumarin ee Soomaaliya ay ka gaartay Duulista Hawada , waxaa kalo ay kulan doceedyo la yeelan doontaa, wasiirrada , madaxa ICAO iyo ururrada ka qeybgalaya shirka , si looga miro-dhaliyo gaarista himilada Soomaaliya oo ka mid noqota dalalka ugu horumarsan duulimaadyada iyo maamulka Hawada.
Madaxweynaha Qaranka Oo Booqasho Rasmi ah Oga bilaabatay Itoobiya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ah ugu billaabatay dalka aan dariska nahay ee Itoobiya, taas oo dhammeystir u ah socdaalka uu ku maray dhammaan dalalka Gobolka ee Soomaali heshiis la ah darsikeeda.
Wefdiga Madaxweynaha jamhuuriyadda waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Adis ababa si diiran ugu soo dhaweeyay Ra’iisul wasaaraha Ethopia mudane Abey Ahmed oo ay yeelandoonaan wadahadallo ku saleysan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan xal u helidda caqabadaha amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee ay wadajirka u wajahayaan labada dal.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ahmiyad gaar ah siinaya in dalalka Gobolku ay mideeyaan dadaalladooda ku aaddan dabar-goynta argagixisada Al-shabaab oo caqabad ku ah xasilloonida iyo nolasha shucuubta geeska Afrika, horumarinta hannaanka iskaashi ee labada dowladood, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo wax-wada qabsiga









