Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga XFS oo la kulmay Masuuliyin katirsan dalka Talyaaniga

Date:

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Hassan Aaden oo safar shaqo ku jooga dalka Talyaaniga ayaa shir layeeshay dhiggiisa dalkaas Mudane Francesco Lollobrigida oo ay kawadahadleen arrimo qodobo muhiim u ah dalkeena.

Labada dhinaca ayaa wadahallo qotodheer ka yeeshay iskaashi faa’iido wadaag ah oo dhexmara labada dal, maalgashi ay dowladda Talyaaniga iyo hay’adaheedda Kalluumeysiga ay ku sameeyaan Soomaaliya iyo xoojinta kaalinta kaga aadan xiriirka taariikhiga ah ee labada dal.

Wasiir Ahmed Hassan ayaa uga mahadceliyey dhigiisa Talyaaniga soo dhaweynta heerka sare ah ee u sameeyey iyo sida uu diyaarka ugu yahay in uu si hufan uga shaqeeyo qodobada ka soo baxay shirka, isaga oo xusay in uu rajeynayo in dhammaan qodobada kasoo baxay shirka ay noqdaan kuwo miradhal ah.

Wasiirka wasaaradda beeraha ee dowladda Talyaaniga Mudane Francesco Lollobrigida ayaa sheegay in dowlad ahaan ay aad u jecel yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliya islamarkaana ay diyaar u yihiin in dib boorka looga jafo iskaashiga faa’iido wadaagga ah ee labada dal, waxaana uu sheegay in uu ra’iisul wasaaraha dalkan Talyaaniga kala hadli doono sidii mudnaan gaar ah loo siin lahaa hirgalinta qodobada kasoo baxay shirkan.

Ugu dambeyn labada wasiir ayaa ku ballamay in la sameeyo guddi isku dhaaf ah oo ka shaqeeya sidii diyaarinta waxyaabaha muhiimka ah ee ay labada dal iska kaashan doonaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....