Madaxweyne Xasan Sheekh oo Golaha Wasiirada jubbaland kala Hadlay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubaland Mudane Axamed Maxamed Islaam ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada Dowlad-goboleedka Jubaand kaasi oo lagaga arrinsaday dib u xorenta deegaanada ku jira gacanta Khawaarijta ee ay ku dhibaateynayaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo Golaha Wasiirrada la wadaagay qorsheyaasha dowladda Federaalka ee dardar  galinta wejiga labaad ee howgalka dib u xoraynta dalka oo dhawaan ka billaabanaya deegaanada Jubaland iyo Koonfur-galbeed ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in waqti dhow uu bilaaban doono wejiga labaad ee howlgalka ciribtirka Khawaarijta.

Kulankan waxaa ka qayb galay Madaxweyne ku xigeenka koowaad iyo Madaxweyne ku xigeenka labaad ee dowlad-goboleedka Jubaland, xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Shacabka Muqdisho oo soo dhoweeyey qaybinta kaarka codbixinta

Shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir ayaa si weyn u...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhigay dib u dayactirka iyo dhismaha 18 xarumo caafimaad

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Muqdisho oo saaka laga bilaabay qaybinta kaarka codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...