Home Blog Page 49

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

0

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer Caalami iyo mid Goboleed isugu jira ayaa diidmo adag kala hor yimid damaca Yuhuuddu ku aqoonsaneyso qeyb ka mid gobolada Dalka Soomaaliya, waxayna dhammaantood hoosta ka xariiqay qodobadan soo socda:-

1. Diidmo cad oo aan mugdi ku jirin oo ay u diidan yihiin aqoonsiga ay Israa’iil 26-kii Disembar 2025-ka u sameysay gobolka ka mid ah Soomaaliya oo ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, maadaama tallaabadan aan hore loo arag ay leedahay cawaaqib halis ah oo saameynaya nabadda iyo amniga Geeska Afrika, Badda Cas, isla markaana ay si guud u saameyneyso nabadda iyo amniga caalamka, kana tarjumeysa iska indha-tirid buuxda oo cad oo Israa’iil ay ku sameyneyso sharciga caalamiga ah.

2. Cambaareyn adag oo ay u cambaareynayaan aqoonsigaas, kaas oo ah ku xadgudub weyn oo ka dhan ah mabaadi’da sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay, kuwaas oo si cad u faraya ilaalinta madaxbannaanida dowladaha iyo dhul-wadaaggooda, islamarkaana ka tarjumaya siyaasado fidin (ballaarin) ah oo Yuhuuddu damacsan tahay.

3. Taageero buuxda oo ay siinayaan madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo diidmo aan leex leexad laheyn oo ay u diidan yihiin tallaabo kasta oo wiiqeysa midnimada Soomaaliya, dhul-wadaaggeeda ama madaxbannaanideeda ku aaddan dhammaan dhulkeeda.

4. Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu abuurayaa tusaale halis ah, wuxuuna khatar gelinayaa nabadda iyo amniga caalamka, isla markaana ku xadgudbaya mabaadi’da aasaasiga ah ee sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.

5. Diidmo buuxda oo ay u diidan yihiin xiriir kasta oo suurtagal ah oo u dhaxeeya tallaabadan iyo isku day kasta oo lagu doonayo in si qasab ah dadka Falastiin looga raro dhulkooda, taas oo si mabda’ ahaan ah gebi ahaanba loo diidan yahay nooc kasta ha ahaatee.

Haddaba Dadka aadka wax u taxliiliya ayaa in Seddexdaan talaabo haddi Somaliland aysan ku guuleysan ictiraaf majiro!

Maamulka Somaliland waxa loogu sheekeyay in ictirafki 35 sanno ay sugaayen Israel laga helay, balse xaqiiqda waa in seddex talaabo idin dhiman tahay oo Israel hal dal ay tahay waxna ka badali karin qariirada iyo shuruucda Qaramada Midoobay (UN-ka).

1. Dowladda Soomaliya iyo Baarlamankeeda waa inay aqbalaan dalabka Somaliland ee ah dal madax-banaan inay noqoto.

2. Markay Soomaliya aqbasho, ayaa haddana cod la galinaya. Wadamada codka leh ee Golaha Qaramada Midoobay, kuwaasi oo ka kooban 193 dal, si aad dal madax banaan oo UN ka tirsan u noqotid waa inaad hesha 129 cod.

3. Marki aad ka soo gudubtid buundadaas, waxa ku sugayan 15-ka xubin ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waana inaad hesha 9 cod. Mid ku darso Soomaaliya waxay bisha January la wareegeysaa Shir Guddonka Golaha Ammaanka, halkaasina shaqo ayaa laga qaban doona.

Sidoo kale dhammaan 5-ta Xubin ee joogtada ah, islamarkaana leh Codka Diidmada Qayaxan (5Veto Power) waa inay haa u codeeyaan. Tusaale haddi China ama Russia midkood MAYA u codeeyo, barnaamijka oo idil halkaas ayuu ku dhammaanayaa.

Tusaale , Kosovo waa dal aqoonsi ka heysto in ka badan 100 Wadan, sidaasi oo ay tahay UN-ka waxay u aqoonsan tahay Serbia inay ka mid tahay, sababtuna waa in markii UN la keenay qadiyadoda inay diideen Shiinaha iyo Ruushka.

Maamulka gobolada Waqooyi ee uu damacu wado xaqiiqda waxay tahay in wadda dheer oo qodxo badan idin sugeeyso , Dowladda Soomaliya iyo inta la mowqifka ahna awoodooda diblomaasiyadeed ayay istacmali doonan.

“Aqoonsiga ay bixisay Israa’iil oo ah “dowlad go’doon ah” waxba uma kordhin doono Somaliland, marka laga reebo magac-xumo iyo go’doon hor leh,” ayuu yiri Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.

Dhinaca kale dowladda Eritarea ayaa ku biirtey dalalka qaadacay aqoonsiga ay Yuhuuddu siisey Somaliland, waxayna Asmara sheegtay in qorshahani yahay mid lagu doonayo in gobolka qalalaase looga abuuro, waxayna xustay in loo baahan yahay in golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu qaado talaabo, waxayna dowladda Shiinaha ugu baaqday inay waajib tahay inuu qaato masuuliyad anshaxeed, maadama ay Beijing diidan tahay inay Taiwan ka go’do, si la mid ah inuu arritaan uga hor yimaado.

Waxaa kaloo in la xusid mudan in Yuhuudu ay saldhig ku leedahay Xeebta magaalada Casmara ee dalka Eretareeya, balse wax dhaqdhaqaaq ah kama sameyn karto, waayo Eretareya ayaan ogoleyn sababo jira awgood ama wax ay horey ugu heshiiyeen, sidaasi awgeed ayay doonayaan inay saldhig Militari ka sameystaan qeyb ka mid dhulka Soomaaliyeed, waase haddii ay u suurtogasho.

Dhinaca kale Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay Qaranimada Soomaaliya ayaa xalay ka dhacay isgoyska Taleex ee degmada Hodan, Gobolka Banaadir, iyadoo Boqolaal ka tirsan shacabka caasimadda oo ka careysan tallaabada Israa’iil ayaa muujiyay taageeradooda ku aaddan difaaca madax-bannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo Qaar ka mid ah dadkii dibadbaxa ka qayb-galay oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay diyaar u yihiin difaaca Qaranimada Soomaaliya.

“Caawa, annaga oo ah shacabka Soomaaliyeed, waxaan muujineynaa dareenkeenna iyo xadgudubka loo geystay qarankeena,” ayuu yiri mid ka mid ah dhallinyarada ka hadlay dibad baxa.

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

0

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay qaranimada Soomaaliya ayaa xalay ka dhacay isgoyska Taleex ee degmada Hodan, Gobolka Banaadir.

Boqolaal ka tirsan shacabka caasimadda oo ka careysan tallaabada Israa’iil ayaa muujiyay taageeradooda ku aaddan difaaca madax-bannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Qaar ka mid ah dadkii dibadbaxa ka qayb-galay oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay diyaar u yihiin difaaca qaranimada Soomaaliya.

“Caawa, annaga oo ah shacabka Soomaaliyeed, waxaan muujineynaa dareenkeenna iyo xadgudubka loo geystay qarankeena,” ayuu yiri mid ka mid ah dhallinyarada ka hadlay dibadbaxa.

Guddoomiyaha dhallinyarada gobolka Banaadir, Cumar Faaruuq, ayaa isna yiri: “Dhallinyarada Soomaaliyeed caawa diyaar bay u yihiin inay muujiyaan shucuurtooda.”

Burhaan Axmed Rooble ayaa yiri: “Shacabka reer Muqdisho waxay muujiyeen dareenkooda ka dhanka ah mowqifka Israa’iil.”

26-ka bishan ayay ahayd markii Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil uu sheegay in maamulka gobollada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland) uu sheegay in u aqoonsanayo maamul madax-bannaan, taas oo ay si adag uga hor yimaadeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyagoo ku tilmaamay ficil ka dhan ah qaranimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha JFS oo kulan wada-tashi ah la qaatay Madaxda Dowlad-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan looga hadlay ilaalinta gobannimada iyo midnimada dalka la qaatay qaar ka mid ah Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qorshaha dowladda ee ku aaddan ka hortagga xadgudubka uu Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ku qaaday Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda, iyadoo kaashanaysa shacabka Soomaaliyeed, ay dadaal xooggan gelisay ilaalinta qarannimada iyo midnimada dalka, isla markaana ay u marayso habraacyada iyo xeerarka caalamiga ah. Wuxuu adkeeyay muhiimada ay leedahay in si mideysan looga hortago damaca gurracan ee wiiqaya jiritaankeena.

Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle, Waqooyi-Bari, iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee kulanka ka qayb galay, ayaa ku adkeeyay in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah dhulka iyo qarannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxay sidoo kale ka digeen cawaaqibka aan la mahdin iyo culeyska amni ee tallaabadaasi u horseedi karto gobolka, iyagoo caddeeyay sida ay ugu garab taagan yihiin Madaxweynaha Jamhuuriyadda dadaallada diblomaasiyadeed ee uu ka wado gudaha iyo dibadda.

Madaxweynaha JFS oo la kulmay Mas’uuliyiinta Gobollada Waqooyi

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira wada-tashiyo Qaran oo lagu ilaalinayo midnimada iyo madax-bannaanida dalka ayaa kulan la qaatay, mas’uuliyiinta hay’adaha fulinta iyo sharci dajinta ku matala, Gobolada Waqooyi ee dalka.

Madaxweynaha ayaa mas’uuliyiinta ka dhageystay tallooyin iyo aragtiyo wax ku ool ah oo ku aadan, hannaanka loo wajahayo, ka hortagga fara-galinta shisheeye iyo ilaalinta midnimada dalka, isaga oo ka dalbaday in ay qaataan doorkooda ku aaddan ilaalinta Qarannimada iyo wadajirka Ummadda soomaaliyeed.

Dhankooda, mas’uuliyiinta Xukuumadda iyo Baaralamaanka dalka ku matala Gobolada Waqooyi ayaa Madaxweynaha ku bogaadiyay, dadaalka xooggan ee uu ku bixinayo ilaalinta gobanimada iyo midnimada dalka, iyaga oo ballan qaaday in ay kaalintooda ka qaadandoonaan, Ololaha Qaran ee looga hortagayo kala qaybinta dalka.

Xildhibaanada labada Aqal oo ansixiyey qaraar ku saabsan diidmada iyo ka-hortagga xadgudubka Israa’iil

0

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta kulan aan caadi ahayn ku yeeshay xarunta Villa Hargeisa, ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey qaraar ku saabsan diidmada iyo ka-hortagga xadgudubka Israa’iil ee madaxbannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Hoos ka akhriso qaraarka kasoo baxay xildhibaannada labada Gole.

Madaxweynaha JFS oo khudbad u jeediyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyey Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareeyey xadgudubka ka dhanka ah Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ku kacay Ra’iisul Wasaaraha Yuhuudda, kaas oo si bareer ah ugu tuntay shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay naf iyo maalba u horayaan ilaalinta qarannimadooda iyo midnimadood, waxa uuna adkeeyey muhiimadda ay leedahay in xilligan loo wada istaago ka hortagga halista ku aaddan jiritaankeenna Soomaalinimo, xasilloonida iyo nabadda gobolka.

“Tallaabada Netanyahu waa mid aan marnaba la aqbali karin, waxayna ka dhigan tahay duullaan cad oo lagu soo qaaday qarannimada, madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Gobollada Waqooyi ee Jamhuuriyadda, ee loo yaqaan Somaliland, waa qayb aan kala go’ lahayn oo ka mid ah Soomaaliya. Mowqifkeena ma isbeddeli doono, waxaana ka digeynaa isku-day kasta oo lagu kala qeybinayo dalka.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo bogaadiyey garab istaagga heer gobol, heer Carbeed, heer Afrika iyo heer caalam ee ku aaddan adkaynta iyo difaaca midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa adkeeyey mowqifka soo jireenka ah ee shacabka iyo Dowladda Soomaaliya ay ku garab taagan yihiin walaalaha Falastiin ee la nool xadgudubyada joogtada ah.

“Soomaaliya ma oggolaan doonto in dhulkeeda loo adeegsado dagaallo iyo fitno, waxaan diyaar u nahay in aan kaalin muuqata ka qaadanno nabadda iyo xasilloonida gobolka iyo caalamka. Waxaan sidoo kale si mabda’ ahaan u diiddanahay barakicinta khasabka ah ee shacabka Falastiin”.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay dalalka saaxiibada ah, kuwa walaalaha ah iyo hay’adaha caalamiga ah in ay garab istaagaan Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed dadaallada diblomaasiyadeed iyo kuwa sharci ee lagu difaacayo madaxbannaanida, midnimada iyo jiritaanka Qaranka Soomaaliyeed.

 

Dowladda Nayjeriya oo si adag u cambaareysay xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya

0

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Nayjeeriya ayaa si cad u muujisay taageerada buuxda ee ay u hayso madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo dawladnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo si adag u diidday damaca Israa’i1l ee lagu wiiqayo wadajirka dhuleed ee dalka.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Nayjeeriya ayaa lagu xaqiijiyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay tahay hay’adda keliya ee sharciyeysan ee matasha shacabka Soomaaliyeed, isla markaana beesha caalamka ayay Nayjeeriya ugu baaqady inay ka fogaadaan tallaabo kasta oo ka dhan ah midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay Hindise Sharciyeedka Mamnuucidda Gudniinka Fircooniga

0

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay Hindise Sharciyeedka Mamnuucidda Gudniinka Fircooniga, kaasi oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowladda Koonfur Galbeed.

Hindisahan sharciyeed ayaa ujeedkiisu yahay in si buuxda loo mamnuuco gudniinka fircooniga ah, maadaama uu khatar weyn ku yahay caafimaadka, nolosha iyo xuquuqda gabdhaha iyo haweenka. Saxiixa Madaxweynaha ayaa muujinaya sida ay Dowladda Koonfur Galbeed uga go’an tahay ilaalinta xuquuqda aadanaha, gaar ahaan tan haweenka iyo carruurta.

Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in bulshada la gaarsiiyo wacyigelin ku aaddan dhibaatada gudniinka fircooniga, isla markaana la iska kaashado hirgelinta sharcigan, si loo xaqiijiyo badbaadada jiilka hadda iyo kan soo koraya.

Wasiirka Haweenka Marwo Shamsa Maxamed Yarow ayaa ugu baaqday dhammaan hay’adaha kala duwan, culimada, waxgaradka iyo bulshada rayidka ah inay door firfircoon ka qaataan hirgelinta sharcigan iyo la dagaallanka dhaqamada waxyeellada u leh haweenka iyo gabdhaha.

 

Madaxweynaha JFS oo khudbad ku saabsan xaaladda dalka u jeedin doono Xildhibaannada Labada Aqal

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa inuu maanta khudbad ku saabsan xaaladda dalka u jeediyo labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xaqiijisay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Baarlamaanka Labadiisa Aqal la wadaagi doono go’aanka ka dhiidhinta ah ee ku saabsan xadgudubka bareerka ah ee Yuhuuddu ku sameysay madax bannaanida iyo qaranimada ummadda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale hakiyay dhammaan howlaha kale ee uu waday, isagoo xoogga isugu geeyay arrimaha difaaca dalka, kaddib faragelin uu Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ku sameeyay wadajirka iyo midnimada bulshada Soomaaliyeed.

Howlgal ka dhan ah khawaarijta oo ka dhacay gobolka Galguduud

0

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo amni-xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno muhiim ah oo ka tirsan gobolka Galguduud.

Howlgalkan ayaa si qorsheysan uga dhacay deegaannada Ceel-Cali Mire, Bulacle, Xersi Fiin iyo Miir-Dugle, kuwaas oo dhammaantood ku yaalla duleedka magaalada Dhuusamareeb.Intii uu howlgalka socday, ciidamada Danab ayaa xaqiijiyay ammaanka guud, iyagoo baadhitaanno ka sameeyay tuulooyinkaas si looga hortago khatar kasta oo amni-darro ah, ayna shacabka deegaanka u helaan nolol nabdoon.

Saraakiishii hoggaaminaysay howlgalkan ayaa sheegay in uu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee ay ciidamadu ku wiiqayaan khawaarijta, isla markaana ay sii socon doonaan hawlgallada lagu xaqiijinayo amniga gobolka.