Home Blog Page 49

Wasiirka maaliyadda oo kulan la yeeshay madaxda ururka Bangiyada dalka

0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi imaan Cige ayaa maanta xarunta Wasaaradda Maaliyadda waxa uu kulan muhiim ah kula yeeshay Masuuliyiinta Ururka Bangiyada Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray arrimaha mudnaanta u leh horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, maadaama Bangiyada Dalka ay qeyb weyn ka qaateen qorshaha isbaddelka dhaqaalaha dalka oo hormuud ay ka tahay Wasaaradda maaliyadda XFS.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa uga mahadceliyay Ururuka Bangiyada, xiriirka wada-shaqeynta Bangiyada iyo Dowladda iyo adeegooda muuqda ee ay bulshada u hayaan oo ah mid aad u sarreeya iyo maadama ay yihiin canshuur bixiye-yaal qeyb ka qaata dib-u-dhiska Dalka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Mudane Pier Mario Dacco’ Coppi, iyagoona ka wada-hadlay muhiimadda ay leedahay iskaashiga Dowladaha Hoose iyo xiriir dhex mara Maamulka Gobolka Banaadir iyo Gobolka Lambardia ee dalka Talyaaniga.

Duqa Muqdisho ayaa bogaadiyay kaalinta taariikhiga ah ee ay Dawladda Talyaaniga ka geysato dib-u-dhiska dalka, taageeridda dadaallada xasilinta Soomaaliya, asigoona tilmaamay in xiriir dhex mara Maamulka Gobolka Banaadir iyo Gobolka Lambardia ee Caasimadda Roma ku taal uu gacan weyn ka geysan karo is-dhaafsiga khibrado iyo aqoon waxtar u leh hirgelinta qorshayaasha waxqabad ee Maamulka Gobolka iyo Dowladda Hoose ee Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa la wadaagay Danjiraha Talyaaniga arrimaha hortebinta u leh Maamulka Gobolka Banaadir, gaar ahaan horumarinta iyo dib-u-hawlgelinta kaabayaasha, dhismaha waddooyinka, bullaacadaha, biyo-mareennada, arrimaha waxbarashada, caafimaadka iyo xoojinta nidaamka maamulka iyo maaliyadda.

Danjiraha Talyaaniga Mudane Pier Mario Dacco’ Coppi, ayaa ka mahadceliyay soo-dhaweynta diiran ee loogu sameeyay Aqalka Dawladda Hoose, waxa uuna dhiirrigeliyay dadaalka Maamulka Gobolka Banaadir iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliya ee dib-u-dhiska, nabadaynta iyo la-dagaalanka Argagaxisada, isaga oo ballanqaaday in joogitaanka Talyaaniga ee gudaha Soomaaliya uu wax badan ka tari doono ka-miro-dhalinta dadaalladaas heerarka kala duwan ah.

 

Wasiirka Beeraha XFS oo kulan la qaatay Xoghayaha Fulinta ee Urur Goboleedka IGAD

0

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee JFS, Xil. Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay xafiiska Xoghayaha Fulinta ee Urur Goboleedka IGAD, Mudane Dr. Workneh Gebeyehu.

Wasiirka Iyo wafdigiisa ayaa kulankooda diirada lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Beeraha ee Soomaaliya iyo IGAD, iyadoo ay mudnaanta koowaad la siin doono, horumarinta sugnaanta cuntada ee Soomaaliya, kobcinta dhaqaalaha iyo abuurista fursado tababar iyo shaqo ee dhallinyarada Soomaaliyeed gaar ahaan dhinacyada Beeraha.

IGAD waxay balan qaaday inay sii wadi doonto taageerada dadaalada iskaashiga ah ee lagu horumarinaayo nolosha bulshada, laguna xoojinayo xasiloonida gobolka.

Wasiir Biixi oo Muqdisho ka furay shir Madaxeedka hal abuurka ganacsiga Soomaaliyeed

0

Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Xildhibaan Biixi Imaan Cige ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay, shir Madaxeedka shanaad ee hal abuurka ganacsiga Soomaaliyeed.

Shirweynahan waxaa diirada lagu saarayaa hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha, hal abuurka ganacsiga, kordhinta daqliga, dhiirigelinta ganacsiyada yar yar iyo kor u qaadida ganacsiga haweynka Soomaaliyeed.

Shir Madaxeedka shanaad ee hal abuurka ganacsiga Soomaaliyeed, sidoo kale waxaa ka qeyb Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Hormarinta Dhaqaalaha Xildhibaan C/raxmaan Beene Beene, Wasiirka Wasaaradda waxbarashada Faarax Sheekh C/qaadir, Wasiirka Wasaaradda Batroorka iyo kheyraadka macdanta daahir shire gudoomiyaha golaha dhaqaalaha Qaranka Xasan Aadan Hoosow iyo Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka dalka.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha oo la kulmay Agaasime ku xigeenka Hay’adda IOM

0

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Abdihakim Ashkir ayaa la kulmay Kuxigeenka Hey’adda Socdaalka Adduunka(IOM) oo ay wehliyaan Agaasimaha Hey’adda ee Bariga iyo Geeska Afrika iyo saraakiil kale oo sare sida; Wakiilka IOM ee Soomaaliya iyo Kuxigeenkiisa.

Arrimaha labada dhinac ay adkeeyeen waxaa ugu muhiimsanaa; Ka wadashaqeynta iyo iskudubbaridka howlaha hortabinta leh sida; dedaallada Xasillinta, Dad-dhigista, xalka waara ee Barakacayaasha iyo arrimo kale.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hawlgallada Hey’adda (IOM)

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hawlgallada Hey’adda (IOM) Marwo Ugochi Daniels, iyaga oo ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan xoojinta wada shaqeynta iyo dardargelinta barnaamijyada ay ka fuliyaan dalka, iyada oo la is waafajinayo shaqooyinka ay qabtaan iyo Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee (NTP 2025-2029).

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa uga mahadceliyey Hey’adda (IOM) taageerada kala duwan ee ay siiso Soomaaliya, waxa uuna xusay mudnaanta ay leedahay in ay sii xoojiyaan taageeradooda iyo fulinta mashaariic wax tar u leh dalka.

Dhankeeda, Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hawlgallada Hey’adda (IOM) Marwo Ugochi Daniels, ayaa xustay sida ay uga go’an tahay heyadda in ay sii wadaan taageerada iyo hirgelinta mashaariicda ay ka wadaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa safar shaqo oo qayb ka ah dadaallada lagu dardargelinayo horumarinta adeegyada Bulshada, Nabadgalyada iyo Wadatashiga Shacabka ee ku aaddan Qorsheyaasha horumarineed ku gaaray Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Madaxweynaha Cabdicasiis Laftagareen iyo Wafdigiisa ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey Degmada Xudur, iyadoo ay halkaasi ku sugaayeen masuuliyiin heer Gobol ah, Saraakiil Ciidan, Odayaal Dhaqameed, Haween, iyo Dhalinyaro degmada.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kala hadlay Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Yemen siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xalay kula kulmay magaalada Dooxa, Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Yemen, Mudane Mustafa Axmed Nucmaan, oo ka qeybgalaya Shirka heer Wasiir ee Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka.

Wasiir Cabdisalaan ayaa bogaadiyay xiriirka walaaltinimo ee xooggan ee ka dhaxeeya labada dal, isagoo caddeeyay in Soomaaliya ay taageersantahay dowladda Yemen, carabaabayna muhiimadda ay leedahay midnimada, xasilloonida, iyo amniga Yemen, iyo sidoo kale dadaalka loogu jiro sidii nabad loogu soo dabaali lahaa.

Dhankiisa, Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Yemen ayaa ka hadlay xiriirka labo geesoodka ee salka adag iyo dadaalka uu ku bixin doono kor-u-qaadidda iskaashi dhinacyo badan leh oo u adeegaya danaha labada dal ee walaalaha ah, isaga oo cadeeyay in Yemen ay taageersantahay madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyo dadaalka ay ugu jirto xaqiijinta amniga, horumarka, iyo la dagaalanka argagixisada.

Labada dhinac ayaa isla gartay baahida loo qabo in la helo isku xirnaan dhow si looga hortago caqabadaha halista ku ah xasilloonida iyo amniga labada dal.

Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Dibadda oo Soo Dhaweeyay Wakiilka Cusub ee Midowga Afrika

0

Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Isaaq Maxamuud Mursal, aayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjire Mukhtaar Cusmaan Kariye, oo ah Wakiilka cusub ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, isla markaana ah Ku-xigeenka Madaxa Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac, dardargelinta howlaha nabadeynta, iyo taageerada la xiriirta xasillinta dalka.

Wasiir Kuxigeenka ayaa si diirran u soo dhaweeyay Danjire Kariye, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wadashaqeynta iyo isku-duwidda howlaha AUSSOM iyo Dowladda Federaalka, si loo xaqiijiyo xasillooni waarta oo sal u noqota horumar waara.

Wasiir Isaaq Maxamuud Mursal ayaa hoosta ka xarriiqay sida ay Dowladda Federaalka uga go’an tahay in ay si dhow ula shaqeyso AUSSOM, si loo gaaro guulo muuqda oo dhanka nabadda, amniga, iyo dib-u-dhiska dalka ah.

Danjire Mukhtaar Cusmaan Kariye ayaa dhankiisa uga mahadceliyay soo dhawaynta uu kala kulmay dowladda Soomaaliya, isaga oo balan qaaday in AUSSOM ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, si loo xaqiijiyo nabad, xasillooni iyo horumar waara.

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo kawada hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa fiidnimadii caawa kula kulmay magaalada Dooxa, Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Mudane Waleed bin Abdulkarim bin Mohamed El-Khereiji, oo ka qeybgalaya Shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka, isaga oo kala hadlay siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka, laguna ballaarin karo iskaashi dhinacyo kala duwan leh.

Intii kulanka lagu gudo-jiray, ayaa labada dhinac waxa ay is-dhaafsadeen aragtiyo la xiriira xaaladihii ugu dambeeyay ee heer gobol iyo heer caalami ee muhiimad wadaagga ah leh.