๐‘W Xamsa: ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š๐ง ๐ฎ ๐›๐š๐š๐ก๐š๐ง๐š๐ก๐š๐ฒ ๐ญ๐š๐œ๐ฅ๐ข๐ข๐ง ๐ฌ๐š๐ซ๐ž ๐จ๐จ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ญ๐š ๐š๐ช๐จ๐จ๐ง ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฑ๐ข๐ซ๐Ÿ๐š๐ ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐๐š๐š๐ฆ๐ข๐ฒ๐จ ๐›๐š๐š๐ก๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐ฃ๐ข๐ซ๐š

Date:

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa daahfuray Shirweynaha 3aad ee Waxbarashada Qaranka, oo sannadkan diiradda lagu saarayo dib-u-habaynta iyo tayeynta nidaamka waxbarashada dalka, horumarinta manhajka, kobcinta xirfadaha macallimiinta iyo ballaarinta fursadaha waxbarasho ee dalka.

Raโ€™iisul Wasaaraha oo khudbad ka jeediyey munaasabadda furitaanka, ayaa adkeeyey muhiimadda ay waxbarashadu u leedahay dalkeenna, isaga oo tilmaamay in ay laf-dhabar u tahay horumarka dhaqaale, bulsho iyo amniga dalka, waxa uu xusay in Xukuumadda DanQaran ay mudnaan gaar ah siisay maalgelinta waxbarashada, xirfadda macallimiinta iyo Manhajka guud ee dalka, si loo helo nidaam tayo leh, hufan, isla markaana la jaanqaadaya baahiyaha casriga ah ee tacliinta.

โ€œXukuumadda DanQaran wax ay hirgalisay tababbarro joogto ah oo la siinayo barayaasha dalka iyo nidaamyo lagu qiimeynayo tayada macallinka, si loo helo barayaal ku hubaysan aqoon, karti iyo anshaxa waxbarasho ee dalka, waxaannu xoojinay mideynta manhajka waxbarashada laga bilaabo dugsiga hoose ilaa tacliinta sare, si ardayda Soomaaliyeed u helaan aqoon tayo leh, isku dheelli tiran, una dhiganta heerarka caalamiga ah. Tallaabooyinkaasi waxa ay muujinayaan sida ay Xukuumadda uga goโ€™antahay dhismaha nidaam waxbarasho oo ka qeyb qaata horumarka iyo dib-u-dhiska Qarankaโ€. Ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Mudane Xamsa, ayaa sheegay in Soomaaliya ay samaysay horumar la taaban karo oo ku aaddan dib-u-dhiska nidaamka waxbarashada iyada oo Xukuumaddu ay hirgalisay shuruuc, siyaasado iyo habraacyo muhiim u ah waxbrashada sida Xeerka Waxbarashada, Siyaasadda Qaran ee Waxbarashada iyo Istaraatiijiyadda horumarinta waxbarashada, kuwaas oo saldhig u ah baahida tacliinta, tayeynta iyo xoojinta nidaamka maamulka waxbarashada.

Shirweynaha waxa uu si buuxda ula jaanqaadayaa qorshayaasha istaraatjiyadeed ee ay ka mid yihin Qorshaha Istarsatijiga Waxbarashada (ESSP 2022-2026), Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025-2029) lyo Aragtida Qarni Jirka 2060 (Vision 2060), kuwaas oo dhammaantood u aqoonsan waxbarashada in ay tahay tiirka horumarinta karaanka aadanaha, nabad-dhiska, dowlad-wanaagga iyo kobac dhaqaale oo waara.

Shirka oo hal-ku-dhiggiisu yahay sannadkan (Hiigsi Toosan iyo Horumar Tayeysan), ayaa ujeedkiisu yahay in lagu qiimeeyo waxyaabaha ka qabsoomay qorshihii sannadkii hore, dib-u-eegista dhexe ee heshiiska iskaashiga Soomaaliya (Partnership Compact) oo qeyb muhiim ah ka ah maalgalinta Heyโ€™adaha Iskaashiga Caalamiga ah ee waxbarashada (GPE), iyada oo lagu qiimeynayo isla-xisaabtanka dowladda iyo bah-wadaagta waxbarashada.

Ugu dmabayn Raโ€™iisul Wasaare Xamsa, ayaa uga mhadceliyay madaxdii kasoo qayb-gashay Shirweynahan oo ay ka mid yihiin Wasiirka Tacliinta Sare iyo Cilmi-baarista Jamhuuriyadda Jabuuti,Mudane Nabiil Maxamed Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo oo qeyb ka ah bahda waxbarashada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Shir-guddoomiyay Kulanka 28-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika

Washington, DC: Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi...

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Muqdisho uga qeyb galay Bandhigga Farshaxanka Soomaaliya

Muqdisho, 16 April, 2026: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka...

Soomaaliya oo si cad u diidday faragalinta Israaโ€™iil

WAR SAXAAFADED. FAAFIN DEG DEG AHย Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Diidday...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

WAR-SAXAAFADEED Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa howlgallo duqeyn...