Wasiirka Maaliyadda XFS oo Nairobi uga qeybgalay Shirka Iskaashiga Wasiiradda Maaliyadda Gees Afrika

Date:

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ka qeybgalay shirka 15-aad ee Wasiirada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika (Horn of Africa initiative). Shirkaan ayaa looga hadlay horumarinta iyo iskaashiga dhaqaalaha dalalka ku midoobay kulankaan.

Wasiirka Maaliiyadda Soomaaliya ayaa hadal ka jeediyay isaga oo ka hadlay mudnaanta ay Dowladda Federaalka u leedahay fulinta iyo hirgalinta qorshayaasha horumarineed ee horay loogu heshiiyay.

Shirkaan muhiimka ah ee Wasiiradda Maaliyadda dalalka Geeska Afrika ayaa sidoo kale diirada lagu saaray sida uga wanagsan ee ay dalalkaan uga faa’iideysan lahaayeen fursadaha maalgalineed iyo waxyaabaha kale ee muhiimka u ah iskaashiga Geeska Afrika.

“Waxa aan maanta magaalada Nairobi uga qeyb galay shirka 15-aad ee Wasiirada Maaliyadda Dalalka geeska Afrika (Horn of Africa initiative) shirkaas oo aan uga dooday horumarinta iyo iskaashiga dhaqaalaha dalalka ku midoobay kulankaan.

Waxa aan ka jeediyay khudbad kooban oo aan diiradda ku saaray sida ay ahmiyad gaar ah innoogu leedahay fulinta iyo hirgalinta qorshayaasha horumarineed ee aan hore ugu heshiinnay”. Ayuu yir Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Shirkaan muhiimka ah ayaa waxa sidoo kale ka qeybgalay wakiilo ka socdag Bangiga Adduunka, Midowga Yurub iyo Bangiga Horumarinta Afrika.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....