Warbaxinta waxqabadka todobaadlaha ee DFS

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhowaan la bilaabi doono wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabaab.

• Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday magaalada Kismaayo ee Dowlad Goboleedka Jubaland, kulamo ku saabsan dardar-gelinta dagaalka Khawaarijta iyo dib u heshiisiinta la yeeshay mas’uuliyiinta Jubaland.

• Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shirka Caalamiga ee Dalalka Soo Koraya ee LDC oo ka dhacay magaalada Dooxa u sheegay in meel fiican marayaan hawlgalada milateri ee ka dhanka ah haraaga Khawaarijta.

• Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Dooxa kulamo wax ku ool ah kula yeeshay Amiirka Qatar, Madaxweynaha Djibouti iyo madax kala duwan oo ka soo qeybgaley Shirka Caalamiga ee Dalalka Soo Koraya ee LDC.

• Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shirka Caalamiga ee LDC ee ka dhacay Dooxa u sheegay Soomaaliya ay leedahay kheyraad kala duwan oo ay ku barwaaqoobi karto,  balse colaado iyo xasilooni darro siyaasadeed ay muddo ragaadiyeen, haatanse Dowladda Soomaaliya ay si guul leh wadahadal iyo geeddi socod dowlad dhis loo dhan yahay ugu xalineyso labadaasi caqabadood.

• Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cadbi Barre ayaa sheegay in tallaabo sharci ha laga qaadi doono askari kasta oo gabood-fal ku sameeya shacabka.

• Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa shir la yeeshay Guddiga Qaran ee ka shaqeynaya daabicidda Shilinka Soomaaliga.

• Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa dowladda Turkiga guddoonsiiyay deeq lacageed oo gaareysa 5m oo dollarka Mareykanka oo DFS iyo shacabka ugu deeqeen dadkii ku waxyeeloobay dhulgariirkii dhowaan ka dhacay dalka Turkiga.

• Soomaaliya iyo saaxiibada beesha caalamka Mareykanka, Britain, Turkiga. Imaaraadka Carabta iyo Qatar oo ku shiray magaalada Washington D.C, ayaa ku heshiiyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya si buuxda loogu taageero dagaalka lagu ciribtirayo argagixisada Khawaarijta Al Shabab.

• Tallaabo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xal ugu raadineyso biyo yaraanta ayaa Ku Xigeenka Ra’iisul Wasaaraha Salah Ahmed Jama waxaa uu Muqdisho ka furay shir ay beesha caalamku ka soo qeybgashey oo looga hadlayey hanaanka horumarinta biyaha Soomaaliya.

• Xafiiska Hantidhowraha Guud ee Qaranka ayaa ansixiyay qorshaha guud ee barista 2023-ka ee la xiriira sannad maaliyadeedka dhammaadey.

• Soomaaliya oo ku biirtey Ururka Xeer Ilaaliyeyaasha Bariga Afrika.

• Hawlgalo ka dhan ah Khawaarijta ayaa toddobaadkan ka dhacay qeybo badan oo dalka ka mid ah. Khawaarijta waxaa hawlgaladaasi looga dilay xubno badan oo ay ku jiraan horjoogeyaal , sida Aruriyow Mohamed Omar iyo kuwo kale. Waxaa sidoo kale isa soo dhiibay dhowr Khawaarij iyo horjoogeyaashooda oo uu ka mid yahay Xasan Warsame Cabdiraxmaan (Jabal).

• Olalaha Haweenka Soomaaliyeed ee Garanwaaga Gurigaaga ka soo saar oo Muqdisho ka socda.

• Wasaaradda kalluunmeysiga XFS oo digniin u dirtay maraakiibta sida sharci darrada ah uga kaluumeysta biyaha Soomaaliya.

• Dowladda Soomaaliya oo maanta saxiixday hab maamuuska IGAD ee isku socodka xorta ah.

• Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga ayaa Muqdisho kula kulmey wafdi ka socday Taliska Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika.

• Hay’adda Maareynta Masiibooyinka ayaa raashiin gargaar ah gaarsiisay degaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe -Dowlad Goboleedka HirShabelle, gaar ahaan goobaha dhowaan laga xorreeyay Khawaarijta.

Wasaaradda Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska oo si rasmi ah u bilowday barnaamij ka bixi doona warbaahinta dowladda oo lagu lafa guri doono waxqabadka hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

• Soomaaliya oo maanta xuseysa maalinta Caalamiga ee Haweenka ee 8 Maarso

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xukunka Dil ka Dhashay Muran kala Horeyn Timo-jare

Daa’uud Bashiir Colow oo ka tirsan Guutada 27-aad, ururka...

Agaasimaha Haya’adda Socdaal JFS oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Socdaalka Norway

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Soomaaliya...

‘Hoggaan xor ah ayaa dalkiisa xoreeya’ (WARBIXIN) Qeybta 1-aad

Kadib markii dib loo soo doortay Madaxweynaha haatan majaraha...

Xujeyda Soomaaliyeed ee gaartay Sacuudiga oo booqday goobaha barakeysan ee Madiina

Xujeyda Soomaaliyeed ee sannadkaan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa booqasho...