1,200 oo Qoys oo danyar ah oo maanta gargaar loogu qeybiyey Deegaanka Gubadleey

Date:

Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed  ee SoDMA oo gacan ka helaysa Hay’adda gargarka bin’aadanimada u qaabilsan ee dowladda sacuudiga ee Boqor salmaan ayaa Saakay 1,200 oo Qoys waxa ay Gargaar ugu qeybiyeen gudaha xarunta degaanka Gubadleey Ee Gobolka Banaadir kuwaas oo iskugu jiray dad danyar ah iyo kuwa deeganadoodii abaaro iyo colaado uga soo barakacay.

Mucaawinada la gaarsiiyey qoysaskaan ayaa iskugu jira qeybaha kala duwan ee raashinka waxaana loogu talagalay in ay ku afuraan madaama lagu guda jiro 10ka danbe ee Bisha bareakaysan ee Ramadaan.

Goobta wax lagu qeybinayey waxaa goobjoog ka ahaa Masuuliyiin sar sare oo katirsan SoDMA,Hay’aydda Boqor Salmaan iyo maamulka deegaanka Gubadleey.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Shir-guddoomiyay Kulanka 28-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika

Washington, DC: Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi...

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Muqdisho uga qeyb galay Bandhigga Farshaxanka Soomaaliya

Muqdisho, 16 April, 2026: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka...

Soomaaliya oo si cad u diidday faragalinta Israa’iil

WAR SAXAAFADED. FAAFIN DEG DEG AH Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Diidday...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

WAR-SAXAAFADEED Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa howlgallo duqeyn...