Olole Nadaafadeed oo laga sameeyay Degmada Hodan. {SAWIRO}

Date:

Gudoomiyaha Dagmada Hodon ee Gobolka Banaadir Cali Fahle ayaa Olole nadaafadeed ka sameeyay isgooyska shaleema Al-nasri, isbitaalka masaarida ilaa tarabuunka si sare loogu qaado bilicda dagmada gaar ahaan laamiga dheer ee isku xira tarabuunka ilaa shaleema Al-nasri kaas oo saamayn uu ku yeeshay Robobkii caasimada ka da’ay.

Gudoomiye Cali Fahle oo ka hadlay bilicsoocelinta Dagmada ayaa yiri

“waxaana ka qaadnay qashinkii, ciidii iyo dhiiqadii ay sababeen roobabkii ka da’ay magaalada, waxaana u taganahay in ka shaqayno dagmo nadiif ah oo amni ah sidoo kale, shacabkana waa in ay ka digtoonaadaan in qashin lagu qubo wadooyinka”

Waxaa igu wehliyay agaasimaha nadaafadda maamulka gobolka Benadir iyo guddoomiyaha waaxda Oktoobar, sidoo kale waxaa gacan wayn naga siiyay howshaan nadaafadeed Companiga Kheere qabe construction maamulaha. guud mohamed ali siyaad. Reer tarabuun waxaan leenahay fura wadooyinka nadaafaddan ku dadaala.”

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...