

Alle ha u naxariistee Fanaankii Qaranka Saciid Khaliif Cali oo dhawaan ku geeriyooday dalka Germany ayaa maanta Meydkiisa laga soo dejiyay Magaalada Muqdisho iyadoo aas Qaran loogu sameeyay qabuuro ku yaala caasimadda.
Marxuumka Saciid Khaliif iyo Mafanaanadii fanaanku dhalay ee Khadro Cumar Dhuulle oo Iyana xalay ku geeriyootay xaafadda Ex fiyoore eee magaalada Muqdisho ayaa salaadda Janaasada lagula tukaday masaajid ku yaala xaafadaaas waxaana ka qeyb galay xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo dowladda ka tirsan, bahda fanka iyo qeybaha bulshada.
Agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa ka tacsiyeeyay Geerida Labada fanaan ee maanta gurigooda dhabta ah loo galbiyay.
Maareeyaha Tiyaarterka Qaranka Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure iyo qaar ka mid ah abwaanada Soomaaliyeed ayaa ka tacsiyeeyay geerida Marxuumiinta.
Sanatar Samsam Daahir Maxamuud ayaa allaah uga barisay naxariistiisa Fanaaniintii geeriyootay Saciid Khaliif Cali Iyo Khadro Cumar Dhuulle kuwaas oo maanta lagu aasay Muqdisho.
Alle ha u naxariistee Saciid Khaliif ayaa lagu aasay Qabuuro ku yaala deegaanka Gubadley halka AUN Khadro Cumar Dhuulle lagu aasay Qabuuraha Iskuul Boliisia ee degmada Xamar jajab,halkaas oo ugu dambeyna loogu duceeyay.
Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha Danjire Cawaale Kullane ayaa magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha kaga qeyb galay shirweynaha caalamiga ah ee ” Daraasaadka caalamka ee Qowmiyadaha Shiinaha iyo Afrika,”.
Shirweynahan oo ay si wadajir ah u soo qaban qaabiyeen Akadeemiyada Daraasaadka Taariikhda Shiinaha iyo Machadka Shiinaha-Afrika ayaa waxaa ka soo qeyb galay madax iyo aqoonyahano ka kala socda Dalalka Shiinaha iyo Afrika.
furitaanka shirka, waxaa khubad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay Danjire Cawaale Kullane, isagoo shirka ku soo bandhigay xiriirka taariikhda guud ee shiinaha iyo Afrika intaba.
Danjiraha Janhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha Amb: Cawaale Kullane, ayaa ku dheeraaday taariikhda iskaashiga soo jireenka ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo shiinaha gaar ahaan arrimaha xagga dhaqanka iyo xiriirka walaaltinimo ee labada Dal ka dhaxeeyo.
” Xiriirka labada Dal ee Soomaaliya iyo shiinaha wuxuu bilowday qarnigii 15-aad ee Admiral Zheng Ha, soo booqday magaalada Muqdisho, waxaana markaas ka dib, aas-aasmay wada shaqeyn ku saleysan ganacsiga, siyaasad nabad ah iyo iskaashi u-dub-dhexaad ilaa iyo hadda u ah xiriirka labada Dal,” ayuu ku yiri safiirka khudbadda uu ka jeediyay shirka.
Ugu dambeyntii, Danjire Cawaale Kullane ayaa soo dhoweeyay howsha wanaagsan ee Machadka Shiinaha-Afrika “China-Africa Institute”, ( CAI) iyo Akadeemiyada Daraasaadka Taariikhda Shiinaha ” Chinese Academy of History ( CAH), sida hufnaanta iyo wadajirka leh ay u maamuleen shirweynaha caalamiga ah ee ” Daraasaadka caalamka ah ee Qowmiyadaha Shiinaha iyo Afrika.

Inta la socotay qeybaha hore ee Barnaamijka ” Diiradda”, warbaahinta qaranka waxaan ku baahinay in horjoogayaasha Khawaarijta Al-shabaab ee ka soo jeeda Ceelbuur ay daneynayaan in hubkooda ay ku wareejiyaan odayaasha dhaqanka ka hor inta aysan ciidamada qalabka sida iyo kuwa dadka deegaanka cagta marin meelaha maleeshiyada Al-shabaab haraadiga kaga yihiin.
Degmada Ceelbuur iyo deegaannada ku dhow dhow ayaa odayaasha dhaqanka waxay ka biyo diideen isku day ay horjoogayaasha Khawaarijta Al-shabaab ay ku doonayeen hubka Al-shabaab deegaannadaas ku haystaan beelaha loo dhiibo marka la doonnano laga qaato.
Horjooge Maxamed Xuseen Gaagaale, ayaa kulan uu odayaasha dhaqanka qeybo ka mid ah Ceelbuur kula yeeshay deegaannada Garable,Xiindheere, Xagareey iyo Ceelgaras,waxayna odayaasha dhaqanka si gaar gaar ah uga diideen in ay kala wareegaan hubka Al-shabaab horjooge Gaagaale.
Horjooge Gaagaale ayaa doonaya inuu odayaasha la ciyaaro turub ah in hubka ku wareejiyo, iyadoo maleeshiyada u muuqato in aysan u babc dhigi karin ciidamada qalabka sida ee hadda kaabiga ku haya degmada Ceelbuur iyo hareeraheeda.
Odayaasha dhaqanka ee deegaanka Garable kula shiray horjooge Gaagaale ayaa waxay u cuskadeen in aysan xilligan diyaar u ahayn odayaasha reer Ceelgaras ay magac hubka Shabaab u saariyaan beeshooda, sidaasi daraateedna haddii uu doonayo Gaagaale wadahadal la galo Dowladda ama isaga tago deegaanka.
Horjooge Maxamed Xuseen Gaagaale oo ka biyo diidan dalabka odayaasha dhaqanka ayaa markale isku dayay inuu Xiin-dheere iyo Xagaleey tago oo odayaal ku kala sugan deegaanadaas ku qanciyay in hubkii Al-shabaab ee Gaagaale gacanta ku hayay ku wareejiyo odayaasha dhaqanka ee ku abtirsada Ceelgaras,laakiin odayaashu ay si isku mid ah isugu raaceen in xilligan aysan la wareegi karin hub Shabaab ay leeyihiin.
Diidmada odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda Ceelgaras ay ka biyo diideen dalabka ka yimid horjoogaha ku beybta ah ee Maxamed Xuseen Gaagaale ayaa ka dhigan in Al-shabaab markale, warkooda aan ka socon degmada Ceelbuur iyo deegaannada ku teedsan.
Tani waxay u muuqataa in horjooge Gaagaale uu ku fashilmay isku daygiisa, waxaana isku daygan fashilmay kala cadeyneysaa in odayaasha dhaqanka ee ku sugan degmada Ceelbuur iyo deegaannada ku ku dhow dhow hadda ay si toos ah ugu hor imaanayaan awaamiirtii qaldaneyd ee horjoogayaasha maleeshiyada Al-shabaab, odayaasha dhaqanka deegaanka siinayeen muddooyinkii dhowr iyo tobanka Sano ahayd ee deegaannadaas xoogga ay ku haysteen.
Kaliya ma ahan degmada Ceelbuur iyo deegaannada ku teedsan meelaha ay Al-shabaab odayaasha dhaqanka kaga hor yimaadeen, dhawaan ayay ahayd markii odayaasha dhaqanka degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ay awaamiir qaldan ka diideen Khawaarijta Al-shabaab.
Ciidanka XDS oo howlgal qorsheeysan ka fuliyay degaanka Gumeeysi-diid oo 9 KM dhanka bari kaga toosan degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa lagu khaarijiyay Tiro maleyshiyaad Khawaarij ah.
Ciidanka oo ka warhelay in maleeshiyaad katirsan khawaarijta ay isku uruursanayaan degaanka Gumeeysi-diid si ay u dhibaateeyaan shacabka degmada Awdheegle ayaa ku baxay deegaankaas waxaana ay ka hortageen isku daygii kooxda, iyadoo howlgalkaas lagu dilay 5 dhagarqabe oo katitsan khawaarijta tiro kalena lagu dhaawacay.
Taliyaha Guutada 14 oktoobar ee Ciidanka xoogga dalka G/le Sare Nuur Maxamed Gaaboow oo la hadlay Idaacadda Ciidamada qalabka sida ayaa xusay in howlgalku u dhacay sidii loo qorsheeyay isla markaana halkaa lagu fashiliyay isku daygii KHawaarijta.