Home Blog Page 472

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland oo guddoomiyey shir looga hadlayay xaaladda amani ee gobolada Puntland.

Muqdisho-26 JUNE 2022:Taliyaha Ciidanka booliska Maamulka PL S/Guuto Maxamed Cali Xaashi ayaa maanta gudoomiyay shir looga hadlayay xaaladda amani ee gobolada Puntland.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, marti sharaf iyo qeybaha bulshada oo ka qeybgalay xuska 26 June oo Muqdisho lagu qabtay

MUQDISHO-JUUN-26-6-2022-:Munaasabad balaaran oo lagu weynayey 26 juun oo ah maalin ku weyn Ummada Soomaaliyeed waana taariikh ku xusan xiligii Gumeestaha Ingiriiska laga saaray gobolada Waqooyi  sidoo kalana ah markii ugu horeysay oo dhul Soomaaliyeed laga taago Calanka Jamhuuriyada Soomaaliya 26/June/1960 ayaa xalay lagu qabtay xarunta gobolka Banadir ee fiisha gubeerno.

Puntland oo xariga ka jartay 200 oo guri iyo suuliyaashood oo loo dhisay barakacayaasha degmada magaalada Gaalkacyo,

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Gobaleedka Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa maanta xariga ka jaray 200 oo guri iyo suuliyaashood oo loo dhisay barakacayaasha degan magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo laga dhisay Deegaanka Jeexdin ee Degmada Gaalkacyo.

Guryahaan waxaa loo dhisay dadka barakacayaasha ah ee degan Degmada Gaalkacyo waxaana laga dhisay Deegaanka Jeexdin ee Degmada Gaalkacyo, waxaana maalgelisay hay’adda UNHCR.

Munaasabadda xariga jarka guryahaan oo ka dhacday Deegaanka Jeexdin ee Degmada Gaalkacyo waxaa ka soo qaybgalay ku simaha Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Duqa Degmada Gaalkacyo, Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo, Agaasimaha Waaxda Daryeelka Bulshada ee Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Madaxa hay’adda UNHCR ee Soomaaliya, Madaxa UNHCR ee Puntland iyo Masuuliyiin ka socday hay’adda NRC.

Ugu damayntii dadkii loo dhisay guryahaan waxaa lagu wareejiyey furayaashii iyo sabraloogadii guryaha.

Sidoo kale markuu soo idlaaday xarig jarka masuuliyiinta uu hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa kormeer ku tagay goobaha adeegyada bulshada ee Deegaanka Jeexdin, sida iskuulka, ceelka biyaha iyo goobaha caafimaadka.

h

 

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KU BOGAADIYEY GOLAHA SHACABKA ANSIXINTA RA’IISUL WASAARAHA XUKUUMADDA

Muqdisho, Juun 25, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ansixinta Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo 15-kii Bishan uu magacaabay Madaxweynuhu.

SAWIRRO:Golaha aqalka sare oo ansixiyay xubnaha guddiyada oo ka kooban sideed guddi.

MUQDISHO-JUUN-25-6-2022-:Golaha aqalka sare ee BJFS ayaa yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, waxaana ay sameeyeen guddi hoosaadyada  golaha  aqalka sare.

Xildhibaanada Golaha Shacabka BFS oo si aqlabiyad leh codka kalsoonida u siiyay Ra’iisul Wasaare XamseAbdi bare

0

MUQDISHO-JUUN-25-6-2022-:Mudanayaasha Golaha Shacabka ee BJFS ayaa codka kalsoonida ah siiyay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, waxaana codka Haa ku ogolaatay 220-xildhibaan oo ah tirada guud ee xildhibaanada kulanka joogay,

 

Sidoo kale Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa isla goobta ku dhaariyay ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre.
May be an image of one or more people, people standing and indoor

Qaramada Midoobay oo sheegtay in ay raadineyso lacag dhan 993.3 milyan si loogu gurmado dadka abaraha soomaliya ku saameyeen.

0

MUQDISHO-JUUN-25-6-2022-:Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan bini’aadantinimada ayaa sheegtay Jimcihii in ay raadinayso 993.3 milyan oo doolarka Maraykanka ah si ay u bixiso gargaar naf-badbaadin ah si looga hortago abaaraha soo food saaray Soomaaliya.

Mareykanka oo maxbuus ku wareejiyay ururka Talibaan

Muqdisho-Juun-25-6-2022-:Ururka Taliban ee xukuma Afghanistan ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in dawladda Maraykanku ay xabsiga Guantanamo Bay ee ku yaalla dalka Cuba ay ka sii daysay mid ka mid ah labadii maxbuus ee ugu dambeeyey ee u dhashay dalka Afghanistan kuwaas oo lagu hayey xabsigaas 15-kii sano ee ugu dambeeyey.

Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta la filayo inay codka kalsoonida u qaadaan ra’isal wasaaraha cusub.

MUQDISHO-JUUN-25-6-2022-:Xildhibaanada Golaha Shacabka BFS ayaa maanta oo sabti ah yeelanaya mid kamid ah kulamadooda kaas oo ah mid xasaasi ah.

Golaha Shacabka oo berri Codka kalsoonida u qaadayo Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban.

Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay in maalinta berri ah uu jiro Kulan-weynihii Golaha, kaasi oo ka qabsoomi doono xarunta Villa Hargeysa.

Ajendaha Kulankaan ayaa ah u codeynta kalsooni siinta Ra’iisul Wasaaraha magacaaban  Mudane Xamsa Cabdi Barre, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Golaha Shacabka.

“Beri oo Sabti ah 25 June waxaa jira kulan-weynihii Golaha Shacabka Baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Ajendaha kulanka u codeynta kalsooni siinta R/Wasaaraha magacaaban.