Odayaasha Dhaqanka Ceelbuur iyo Khawaarijta oo ku kala tagay wadahal ay yeesheen. (Warbixin)

Date:

Inta la socotay qeybaha hore ee Barnaamijka ” Diiradda”, warbaahinta qaranka waxaan ku baahinay in horjoogayaasha Khawaarijta Al-shabaab ee ka soo jeeda Ceelbuur ay daneynayaan in hubkooda ay ku wareejiyaan odayaasha dhaqanka ka hor inta aysan ciidamada qalabka sida iyo kuwa dadka deegaanka cagta marin meelaha maleeshiyada Al-shabaab haraadiga kaga yihiin.

Degmada Ceelbuur iyo deegaannada ku dhow dhow ayaa odayaasha dhaqanka waxay ka biyo diideen isku day ay horjoogayaasha Khawaarijta Al-shabaab ay ku doonayeen hubka Al-shabaab deegaannadaas ku haystaan beelaha loo dhiibo marka la doonnano laga qaato.

Horjooge Maxamed Xuseen Gaagaale, ayaa kulan uu odayaasha dhaqanka qeybo ka mid ah Ceelbuur kula yeeshay deegaannada Garable,Xiindheere, Xagareey iyo Ceelgaras,waxayna odayaasha dhaqanka si gaar gaar ah uga diideen in ay kala wareegaan hubka Al-shabaab horjooge Gaagaale.

Horjooge Gaagaale ayaa doonaya inuu odayaasha la ciyaaro turub ah in hubka ku wareejiyo, iyadoo maleeshiyada u muuqato in aysan u babc dhigi karin ciidamada qalabka sida ee hadda kaabiga ku haya degmada Ceelbuur iyo hareeraheeda.

Odayaasha dhaqanka ee deegaanka Garable kula shiray horjooge Gaagaale ayaa waxay u cuskadeen in aysan xilligan diyaar u ahayn odayaasha reer Ceelgaras ay magac hubka Shabaab u saariyaan beeshooda, sidaasi daraateedna haddii uu doonayo Gaagaale wadahadal la galo Dowladda ama isaga tago deegaanka.

Horjooge Maxamed Xuseen Gaagaale oo ka biyo diidan dalabka odayaasha dhaqanka ayaa markale isku dayay inuu Xiin-dheere iyo Xagaleey tago oo odayaal ku kala sugan deegaanadaas ku qanciyay in hubkii Al-shabaab ee Gaagaale gacanta ku hayay ku wareejiyo odayaasha dhaqanka ee ku abtirsada Ceelgaras,laakiin odayaashu ay si isku mid ah isugu raaceen in xilligan aysan la wareegi karin hub Shabaab ay leeyihiin.

Diidmada odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda Ceelgaras ay ka biyo diideen dalabka ka yimid horjoogaha ku beybta ah ee Maxamed Xuseen Gaagaale ayaa ka dhigan in Al-shabaab markale, warkooda aan ka socon degmada Ceelbuur iyo deegaannada ku teedsan.

Tani waxay u muuqataa in horjooge Gaagaale uu ku fashilmay isku daygiisa, waxaana isku daygan fashilmay kala cadeyneysaa in odayaasha dhaqanka ee ku sugan degmada Ceelbuur iyo deegaannada ku ku dhow dhow hadda ay si toos ah ugu hor imaanayaan awaamiirtii qaldaneyd ee horjoogayaasha maleeshiyada Al-shabaab, odayaasha dhaqanka deegaanka siinayeen muddooyinkii dhowr iyo tobanka Sano ahayd ee deegaannadaas xoogga ay ku haysteen.

Kaliya ma ahan degmada Ceelbuur iyo deegaannada ku teedsan meelaha ay Al-shabaab odayaasha dhaqanka kaga hor yimaadeen, dhawaan ayay ahayd markii odayaasha dhaqanka degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ay awaamiir qaldan ka diideen Khawaarijta Al-shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...