Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta oo cambaareeyay weerarkii ka dhacay hotel ku yaalla Muqdisho

Date:

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay dadkii ku dhintay Qaraxii ka dhacay dhowaan Hotelka Pearl ee magaalkada Muqdisho.

Mudane , Adel bin Abdul Rahman Al-Assoumi Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, ayaa uga tacsiyeeyay madaxda dowladda, baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliya dadkii ku dhintay weerarkii argagixisanimo ee lagu bartilmaameedsaday hotel ku yaalla Magaalada Muqdisho, kaas oo uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Al-Asuumi ayaa sheegay in Baarlamaanka Carabta ay garab taagan yihiin Soomaaliya, lana dareemayaan dhacdadan xanuunka badan, isagoo Alle uga baryay intii ku dhaawacantay inuu caafimaad deg deg ah siiyo, intii ku dhimatayna uu u naxariisto.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta ayaa mar kale sheegay mowqifkiisa adag ee ku aaddan in Soomaaliya laga taageero dagaalka ay kula jirto malleeshiyaadka Khawaarijta, isagoo dhanka kale bogaadiyay horumarka ay Soomaaliya ka gaartay dagaalka ay kula jirto argagixisada, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in la taageero dedaalka dowladda Soomaaliya ee u aaddan cirib tirka khawaarirta.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...